tag:blogger.com,1999:blog-86474595899388255352024-03-05T13:25:53.889-08:00yaldo onlineyaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.comBlogger116125tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-31627244297601363892011-02-17T10:55:00.001-08:002011-02-17T10:55:44.363-08:00Dhanxiir iyo Ingiriiska

Maansha Allaah; Alleylehe, reer Ingiriis sabbankaa maanta ah si fiican bay Land-ta u caashaqsan yihiin, kaalay arag sida hadalkoodii inoogu batay ee markay Afrika ka hadlayaab afku Somaliland uga xaddayo, haddana tusaale ayeyba inaga dhigteen oo waxay meel kasta la taagan yihiin ‘Casharo halaga barto nabadda iyo dimuqraadiyadooda.’ Aqoonsigu wuu iska iman marka carrabkoodu inagu bato.

Weger; Adeer, caashaqa iyo calaamatul shirqoolka ma kala taqaanide afkaaga maad iska haysan, miyaanad ogayn in beryahan dambe lala soo baxay waxa loogu yeedho gobolo-gobolaynta iyo mashruuca isku tolida Soomaaliweyn, goormay Somaliland la meeqaam noqotay Galdumug iyo wax kale oo aan la garanayn, nin baa laga hayey ‘Haddii aan gobtaa laga guurin Gorayo heeryeysana way nagaga soo bixi.’ Imika haddii aan shirqooladda socda la iska waabin hadhawbaa farta dhexda laga qaniini.yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-21022683368237489012010-10-20T01:15:00.000-07:002010-10-20T01:17:51.350-07:00Posted by Maxamud Qorshaha Isbaddelka Boqolka Cisho ee Somaliland lagu Dumin KarayoWednesday, October 20th, 2010

Farriinta xukuumadda cusubi ay sheegaysaa mid Siyaasad lagu wadi karo maahee waa xafiis sida loo maamulo

A.A. Garas

Xukuumadda cusub ee madaxweyne Siilaanyo ee boqolka cisho baarka ka goynaysa waxa ay ummaddu u sheegtay farriin ay ugu yeedheen “Isbaddelka 100 Cisho”ee ugu horeya laga dareemayo, lama fahmin iyana ma faahfaahin nooca isbaddelka ee boqolka cisho ay samaynayaan ka uu noqonayo ma mid horumaraa mise waa mid dib u dhac ah. Waxase loo qaatay in ay sameynayaan isbaddel horumarineed, waanay fiican tahay in dadku ay had iyo jeer u fakiraan sida wanaagsan, laakiin, marka loo fiirsado dhadhanka kalmaddan ay ku baaqeen iyo tallaabooyinka soo baxay mudadii ay maamulka gacanta ku hayeen.

Haddaba iyada oo boqolkii cisho ee lagu ballamay ay ka hadheen shan cisho, waxa la isweydiin karaa, ma qabteen tallaabooyin wadanka lagu adayn karo arrinta kaliya ee uu ku taagan yahay ee ah ammaanka, ta kale ma la yimaadeen qorshe mustaqbalka lagu sii adkayn karo jiritaanka dalkan iyo ammaankiisa?

Iyaga oo xukuumadda cusubi aanay ka hor iman wax mucaaradad ah oo fakaag weyn u helay muujintooda siyaasaddooda dhabta ah, bal aynu qiimayno dhinacyadda ammaanka iyo wixii ka dhacay.

Waxa soo baxay in boqolkii cisho muuqaal u eekaanayey in xakamayntii ammaanka dalku ay faraha ka baxday iyo isbaddel lagu dareemay kala dhaqaaq ku yimid dhaqaalihii dalka iyo qiimahii maceeshada oo kala anbaday. Degenaanshihii dhaqaalihii dalka iyo guurguur ku yimid habkii sarrifka ee inbadan deganaashaha ku jiray. Marka aynu isweydiino dhinaca ammaanka oo ah meesha uu dalku uu ka dhismi karo ama ka dumi karo nin sahashadayna aanu horumarkiisa waxba ka ogeyn, waxa dhacday oo aynu marag ka ahayn qorshayaal waaweyn oo illaa tobaneeyo dhacdo oo ku cusub waddanka Somaliland, waxyeelo iyo nusqaan weyna ku ah.

dhacdadii Buulo-Caddo ee xeebta Galbeed ee Somaliland ay ku martay guutadda dhan ee hubaysani ee u gudbay xadka Itoobiya.

Maxaabiistii loo qabtay falkaas oo muruxsatay gacanta dawladda oo aan hore u dhici jirin.

Magaaladda Caynaba oo maxkamad horteed laga kaxaystay maxaabiis ku jirtay gacanta dawladda.

Budhcad-Badeed xidhiidh lala yeeshay oo la kala badashay dad ku xidhan jeelasha Somaliland, taas oo ku cusub habdhaqanka dawladnimadda oo in kooxo lala macaamilo.

Afduubkii lagu sameeyay muwaadiniin Somaliland ah oo gobolka Sanaag lagu qafaashay.

geysatay aanay wax dabagal ah ku qaadin isla markaana aanay gacanta ku qaban.

Inantii booliska ee madaarka Berbera ku dhimatay suntii ay ursatay ee ay baadhitaanka ku samaynaysay.

iyo ta ugu cawaaqibka xun ee dhawaan Burco ka dhacday, kaas oo ninkii laga shakiyey markii gacanta Booliska la soo galiyey intuu ka muruxsadday ee uu dilay mawaadinkii dawladda ugu soo qayliyey ee sheegay.

Intaas oo fal iyo kuwo kalaba, waxay dhaceen muddo boqol cisho gudahood ah, taas oo cimri-degdeg ku noqonaysa xukuumadda cusub iyo nidaamkeeda ay ku xakamaynayso nabad-galyadda dalka, markay boqolkii cisho intaas oo fal iyo kuwo kalaba soo baxaan miyaanay noqon karin isbadelka la dareemayaa ee ay ballanqaadeen inuu noqonayo ka daris ama boqolka cisho ee loo qoondeeyay khalkhalinta ammaanka.

Dhinaca kale, markaan eegno dadaaladda ay xukuumadda cusubi ku mashquulsan tahay oo ah dardar galinta cashuuraha iyo lacagta baanka lagu ururiyo xafladaha xil-wareejinta ee loo dhigayo masuuliyiintii hore iyo kuwa danbe iyo maalinta siigadda la kiciyo ee loogu magac daray maalinta nadaafadda, taas oo uu isu soo bax mar ah mooyaane aan laga samayn qorshahii aanu dalkuba xashiish ku yeesheen, taas oo madaxweynaha in uu mafiiq qaato ay ka wanaagsanaan lahayd qorshe dhan oo mar walba magaaladda lagu xaadho. Arrinta kale ee ay malaha xukuumadda cusubi ay guusha ku tirsanayso oo ah lacag baanu ururinay, walibana ay ammaanta ku doonayso, dhinaca kale marka laga eego waxyeelada ay sababtay waxa ka mid ah: iyadoo la fadhiisiyey lacagtii dhaqaalaha dalka ee wareegi jirtay, lacagtii ammaanka ku bixi jirtay iyo tii siyaasadda waddanka lagu wadi lahaa. Marka la sameynayo lacagta Baanka lagu ururinayo waa marka la damacsan yahay in waddankaasi aanu dhaqaaqin, waxaanay arrintaasi dhacdaa marka loo baahan yahay in waddankaa la curyaamiyo oo kaliya iyo in baayac-muushtarkeeda la khasaariyo.

Dawlad iska daaye nin tukaan haysta ayaa garanaya lacagta oo uu meel ku urursadaa inay uga faa’iido badan tahay isagoo ku soo iibsada wax uu ka faa’iidayo. Dhamaan arrimahaasi waxay ka soo horjeedaan hannaanka iyo xikmadda dawladnimadda lagu wado, waana dhalaan habaabis oo dadka aan dawladnimadda aan iskuba hawlini ay ka sheekeeyaan. In lacagta dalka khiyaamada laga ilaaliyaa way fiican tahay, laakiin khiyaamo ka weyni ma jirto ammaanka dalka oo aad khiyaamayso oo aad dhigto meel cadawgu cidlada ka qaato, marka la doonayo dhisnaanta dalka musuqmaasuqu dal ma ganbiyo laakiin ammaan xumaddu waxay sababtaa burbur degdeg ah, taasoo la yidhaahdo, Musumaasuqu dib u dhac ayuu sababaa laakiin ammaan-darradu waddan baaba’ay sababtaa. Sidaa daraadeed, bal milicsada qorshihii isbaddelkee boqolka cisho lagu ballan-qaaday ma burburbuu ahaa mise dhisme, ma dhacday wax dhisaya ammaanka oo ah meesha kaliya kuna dhisanahay kuna dhaqanahay. Marka laga hadlayo qorshe ammaanka dalka lagu ilaalinayo ma aha telefishanka ballanqaad laga sameeyo oo kaliya, walibana lama odhan karo xilligan waxa loo waayey awood ama aqoon, laakiin waxa la waayi karaa waa daacad, oo dal ninkii haystay khalkhalinayo qofna ammaankiisa ma sugi karo.

Short URL: http://waaheen.com/?p=4049

yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-79216521599916230362010-09-07T01:34:00.000-07:002010-09-07T01:34:24.334-07:00WAR DEG DEG AHSeptember 07, 2010 War Deg-dega:- Golaha Guurtida Oo Mudo Kordhin U Samayeey Doorashooyinkii Golayaasha

Hargaysa (Waaheen)-Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa kal-fadhi aan caaddi ahayn oo ay maanta ku yeeshay Wasaarada Arrimaha Guddaha JSL Fadhigan maanta ee Aqalka Odayaasha oo uu Guddoominayay Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, kulan kan oo ay kaga arrinsanayeen waxa ay ka yeelayaan muddo kordhin Madaxweyne Siilaanyo uu kaga dalbaday in ay u sameeyaan Golayaasha Baarlamaanka “ Wakiiladda iyo Guurtida” iyo Golayaasha Deegaanka oo qaarkoodana hore wakhtigii la doortay uga dhamaaday qaarkoodna uu bishan ka dhacayo.

Hadaba doodo iyo falanqayn ka dib waxay mudanayaashu u codeeyeen mudo kordhinta golayaasha waxay u dhacday sidan.

1.Aqalka Baarlamaanka waxaa mudadii xilka loo kordhiyey 2 sano iyo 8 bilood (Laba Sano iyo sided bilood.

2.Golaha Guurtida ayaa iyagana xilkii loo kordhiyey 3 sano iyo 8 bilood (Saddex Sano iyo Sideed bilood)

3.Halka iyagana sidoo kale Golaha deegaanka loo kordhiyay muddo 1 sano iyo Badh ah.yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-91366070276054894852010-09-03T03:42:00.000-07:002010-09-03T03:42:54.010-07:00Dhanxiir iyo dib u eegida heshiisyada caalamiga ah

Maansha Allaah; Alleylehe, xukuumaddii Siilaanyo lexejeclo ayey la soo baxday, kol hadday durba shaacisay inay mugdiga ka saari doonto heshiisyadii danaha gaarka ah ku salaysnaa ee Aw Rayaale iyo yeydiisii yaryarayd faylasha ka buuxiyeen, TOTAL-shii dhiigga innaga jaqdayna wasiirul-maaliyihii baa lalkulaytarkiisii daba qaatay oo sannadkaa maanta ah waaba loo yaabaa.
Weger; Adeer, horta waa Illaahay mahaddii haddii reer KULMIYE lexejeclo qabaane, heshiisyadii hore haba ka biyo-diidaane kuwa iyagu ay geliyaan iyo maxjarka Abu Yaasirkan Somaliland-diidka ah ee Siilaanyo saxeexay khadka lexejeclada miyey ka baxsan yihiin, mise tallow odayga oo aan isgoyn ayey niman tolka ahi ka saxeexeen.

yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-91995442174543601842010-09-03T00:36:00.000-07:002010-09-03T00:37:28.171-07:00Safiirka Itiibiya u fadhiya Soomaaliland oo Shhca ka qaaday Xidhiidhka ITOOBIYA iyo SOMALILANDHargeysa(Ramaas) Sept.02, 2010 - Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland General Besfe Taday, ayaa sheegay in xidhiidhka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo wada shaqaynta labada wadan ee Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu Safiirku caddeeyey in xidhiidhka laba dawadan ee Itoobiya iyo Somaliland uu ahaa mid soo jireen ah marba marka kadanbaysana uu sii xoogaysanaayey, isla markaana waxa uu ku dooday inuu u joogo Xafiiskiisa Hargeya sidii caadiga ahayd iyo hawl-maalmeedkiisa shaqoi.

Safiirku waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay in ay jiraan dad cadow ah oo ay leeyihiin Somaliland iyo Itoobiya oo faafiyey hadallo aan sal iyo raad toona lahayn oo sheegaaya in Xafiiska Safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa ay ka guurayso, kana baxayso dalka Somaliland. “Waxa jira hadallo been abuur ah oo beryahan qulqulaayey dalka, iyada oo ay leeyihiin Safaaraddii Itoobiya ayaa dalka Somaliland ka baxaysa. Waxaan leeyahay arrintaasi waa mid aan waxba kajirin oo ay sameeyeen Cadowga neceb xidhiidhka fiican ee aannu la leenahay Dalkan Somaliland.

Waxaanan qirayaa in shaqadii socoto oo Xafiiskayagii Hargeysa uu sidii caadiga ahayd u gudanaayo shaqadiisii sidaad arkaysaan idinkuba. Waxaanan si milgo leh u sheegayaa in xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee aannu la lahayn Somaliland uu maanta ka sii fiican yahay sidii hore, waajibna ay tahay in aannu sii xoojiNno wadashaqayntaas, meelna aaNnu ugu soo wada jeedi doonno cidkasta oo isku dayda inay carcaqaladayso nabadda iyo xidhiidhka siyaasadeed ee labada wadan ee Itoobiya iyo Somaliland.” Ayuu yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya dawladda Itoobiya General Besfe Taday, mar uu shalay u warramayey TV-ga Afka dawladda ku hadla ee Somaliland.

Ambassador Besfe Taday, waxa uu shaaca ka qaaday in Xuukumada cusub ee Somaliland iyo dawladda Itoobiya ay maanta isla soo jaangooyeen Xidhiidh wadashaqayneed oo kasii tayo badan xidhiidhkii hore ay ula lahaayeen Xukuumaddii Daahir Rayaale. Si kastaba ha ahaatee, hadalkan Safiirka ayaa meesha ka saarayo warar beryahanba laysla dhexmarayey oo sheegaya in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya sii xumaanayo, ka hor hadalkan Safiirka, waxa arrintan ka hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo ku-xigeenkiisa, kuwaasoo sidoo kale beeniyey wararkaas.“Waxa ay tahay fursad qaaliya in labada wadan ay sii xoojiyaan xidhiidhka wadashaqayneed iyo ta diblomaasiyeedba,” Sidaa ayuu yidhi Safiirka Hargeysa u fadhiya dawladda Itoobiya. Waxa kale oo uu Safriirku tilmaamay in uu la kulmay Madaxweynaha cusub ee ladoortay Mudane Siilaanyo ayna kawada hadalnay danaha siyaasadeed, dibloomaasiyadeed iyo amniga labad dal ay kawada shaqaynkaraan.yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-54881590104099547542010-08-30T09:45:00.000-07:002010-08-30T09:47:01.493-07:00Qoraal-taarikheed ku Saabsan Dhacdadii Mucjisada ahayd ee 1983kii Miiska Saraakiisha Lagagala Baxay Marxuum Cabdillaahi Askar

“Markeliya ayey igu boobeen qoriga dabadiisa iyo caaradiisa, waxay igu garaaceen kabahii waaweynaa ee ay xidhnaayeen, daqiiqado gudahoodna jidhkayga oo dhan dhiig ayaa ka dareerayey…. Qaddarka Ilaahay waa meeshiisa, laakiin anigu waxaan ahaa oo filanayay in jeelkan aan ka bixi doono, iyadoo aan ku kalsoonaa inaan leeyahay rag awood u leh inay naftooda u huraan badbaadintayda”

Mujaahid Cabdillaahi Askar oo ka warramayey xannuunkii jidh-dilka markii uu gacanta u galay taliskii nacabka ahaa ee Afweyne

Waxa diyaariyey Kaysar Cabdillaahi Maxamed, Bristol, UK.

Waxay ahayd dhammaadkii sannadkii 1982kii markii ay Itoobiya ka abuurmeen dhaqdhaqaaqii xaq-u-dirirka ahaa ururkii SNM. Waqtigaas waxa Itoobiya isugu yimi saraakiil door ah iyo siyaasiyiin debadaha ka yimi oo ujeeddadoodu ahayd sidii ay u bilaabi lahaayeen halgan lagaga hortago xukuumaddii halligantay ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa oo xasuuq iyo xumaato ku la dhaqmaysay shacbigii ku noolaa gobollada woqooyi xilligaas.

Si haddaba ururka SNM u helo taageero gudaha ah iyo mid debadda ahba, una muujiyo awooddiisa, waxa uu go’aansaday inuu hawlgallo millatari ka fuliyo dalka gudahiisa, waxana qorshayaasha dagaal ee laga fulinayo gudaha ay ujeeddadoodu ahayd naafaynta cadawga, argagax-gelinta dawladda iyo muujinta la muujinayay inaan ummadda gobollada woqooyi marnaba aanay raalli ka ahayn xasuuqa iyo xadgudubka ay xukuumaddii Siyaad Barre ku haysay shacbigeedii.

Waxa labada sarkaal ee naftood-hureyaasha ah ay soo mareen dhulka hawdka ah, waxaanay dhinaca koonfureed ka galeen magaalada Burco, muddo gaaban kadibna waxay u dhaafeen Berbera, iyaga oo markii dambeba uga sii gudbay dhinaca magaalada Hargeysa.

Ujeeddada ay labadaas sarkaal Hargeysa u yimaaddeen waxay ahayd laba arrimood oo kala ah:

1-Inay isku habeeyaan oo isku dubarridaan saraakiishii ciidanka dawladda ku dhex jiray ee ay filayeen inay ka soo horjeedaan maamulkii Afweyne, iyaga oo waliba bartilmaameed ka dhiganayay inay qaddiyadda SNM ka dhaadhiciyaan saraakiishii millatariga ahayd ee asal ahaan ka soo jeeday beelihii taageeri jiray SNM.

2- Ujeeddada kalee ay u socdeen labada sarkaal waxay ahayd inay khaarajiyaan taliyihii Qaybtii 26aad ee xilligaas oo ahaa gacan-ku-dhiigle Maxamed Xaashi Gaanni.

Haddaba, muddo afar bilood ku dhow markii ay magaalada Hargeysa ku dhuumaalaysanayeen oo hawlahoodii si fiican oo qarsoodi ah u wadaan, laba habeenna ka hadhsan tahay waqtigii loo qoondeeyey khaarajinta dhagarqabe Gaanni, ayaa nasiib-darro waxa ku dhacday in taliskii dawladda Faqash uu gacanta ku dhigo Gaashaanle/sare Cabdillaahi Askar Barkhad taariikdu markay ahayd 9kii bishii April ee sannadkii 1983kii.

Waxa taasi noqotay dhacdo argagax badan oo ay ka murugoodeen dadweynihii taageeri jiray ururka SNM, waxaanay guul lama filaan ah u noqotay maamulkii dawladda, gaar ahaan taliyihii Qaybta 26aad gacan-ku-dhiigle Maxamed Xaashi Gaaani oo markiiba u dammaashaaday inuu gacanta ku dhigay wax uu ku magacaabay ‘BOQORKII SHINNIDA’ oo uu ula jeeday Cabdillaahi Askar oo ahaa sarkaal sare oo SNM ka tirsanaa.

Gaanni waxa uu markiiba dammaashaadkiisa gaadhsiiyay maamulkii Muqdisho, gaar ahaan keligii-taliyihii qaxootinimada ku dhintay ee Siyaad Barre.

Markiiba talo ayaa ku caddaatay dadkii taageeri jiray SNM, waxaanay aamineen in maalmo yar gudahood badhka la gayn doono, naftana laga jari doono Cabdillaahi Askar. Nasiib-darro dadweynahaasi may lahayn wax awood ah oo ay ku caawin karaan maxbuuska SNM oo iyaga ayaaba xasuuq iyo xadgudub lagu hayey.

Cabdillaahi Askar waxa markiiba loo qaaday xarunta Miiska saraakiisha oo dhinaca galbeed kaga beegan huteelka dawladda ee Hargeysa Kilaab, waxana lagu wareejiyay ciidan xoog u hubaysan oo laga soo kala qaaday xeryihii kala duwanaa ee Qaybtii 26aad ku lahayd magaalada Hargeysa.

Waxa markiiba Cabdillaahi lagu bilaabay jidh-dil iyo garaacid aad iyo aad u daran, taas oo xannuunkeeda aannu qiyaasi karin qof aan gacanta u gelin askartii naxariista darnayd ee loo carbiyey ku tumashada xuquuqda aadamaha. “Markeliya ayey igu boobeen qoriga dabadiisa iyo caaradiisa, waxay igu garaaceen kabahii waaweynaa ee ay xidhnaayeen, daqiiqado gudahoodna jidhkayga oo dhan dhiig ayaa ka dareerayey, waxaanan dhulka galgalanayay anigoo miyir doorsoomay.” Sidaa waxa yidhi marxuum Cabdillaahi Askar oo aan ka waraystay sidii loo jidh-dilay ee loola dhaqmay markii Faqashtu qabatay.

Waxa jidhkiisa lagu gubay dab ololaya. Waxa laga garaacay ilkaha, iyadoo markiiba laga tuuray toddoba ilig, waxana la jebiyey shan feedhood, iyadoo si naxariista ka fog looga garaacay xididdada iyo xubnaha dareenka. Waxa taas u dheeraa tiiq-tiiqsi iyo ku digasho uu Gaanni la dul-yimi Cabdillaahi oo dhiig ka da’ayo, “Waxaad ahayd sarkaal billad haysta oo xorayntii Goday masuul ka ahaa, waxaanad ka tagtay ciidankaagii kulliyadda millatariga ee Ameerika kuu diray ee maxaad iga filanaysaa?” Sidaa waxa yidhi gacan-ku-dhiigle Gaanni oo ul yar gacanta ku haysta, waardiyayaashiisiina la socdaan.

Cabdillaahi Askar oo taahaya jidhkiisuna aad u damqanayo ayaa ugu jawaab-celiyay, “Billadda geesinimo ayaan ku helay ee been-been la iima siin, waxbarashada Maraykan la iigu dirayna imtixaankii aan baasay ayaan ku tegay ee garab iyo qabyaalad toona la iiguma dirin, Ilaahay ayaanan wax ka fishaa ee aadami waxba kama fisho,” ayuu Cabdillaahi cod hoose ku yidhi.

Waxa markiiba uu Gaanni wargeliyay afartii waaxood ee Hargeysa ka koobnayd, waxaannu u sheegay inuu gacanta ku dhigay ‘Boqorkii Shinnida’ ee SNM, isagoo dadweynihii reer Hargeysa u ballanqaaday Gaanni inuu maxbuuskaas keeni doono Golaha Murtida iyo Madadaalada ee magaalada Hargeysa oo lagu qaban jiray xafladda debbaaldegga wixii loo yaqaanay xuskii 12ka April oo ahayd maalintii la aasaasay Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee majaro habawsanaa.

Xilligaas oo dadweynaha reer Hargeysa isu diyaarinayay inay xafladdaas ka qaybgalaan waxay badidoodu sii diyaarsadeen dhagxaan, budhadh iyo mindiyo si ay ugu dagaal galaan habeenkaas intii taaggooda ah, taasina waxay ahayd tallaabo is-miidaamin ah oo halis ahayd.

Xadhigaas Cabdillaahi Askar waxa uu ka cadhaysiiyey geesigii Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo ahaa gaashaanle/dhexe ka tirsanaa Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaannu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM.

“Ilaah ha u naxariistee Ibraahim Koodbuur wuxuu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM, waxaannu ahaa nin haybad leh oo ay tixgalin jireen ciidammadii dawladdu.” Sidaa waxa yidhi marxuum Cabdillaahi Askar oo aan weydiiyay su’aal ku saabsanayd in Ibraahim Koodbuur uu xidhiidh hore la lahaa SNM iyo inkale.

Xaaladda rajo ama filasho ee Cabdillaahi filanayay waxa cawaaqibkiisu noqon doono markii uu Miiska Saraakiisha ku xidhnaa oo aan su’aal ka weydiiyay marxuumka waxa uu ku jawaabay; “Qaddarka Ilaahay waa meeshiisa, laakiin anigu waxaan ahaa oo filanayay in jeelkan aan ka bixi doono, iyadoo aan ku kalsoonaa inaan leeyahay rag awood u leh inay naftooda u huraan badbaadintayda.” Waxa uu mujaahid marxuum Cabdillaahi Askar ii sheegay inuu mar walba sugayay goorta ay albaabka ka soo gali doonaan geesiyaal badbaadiyaa.

Laba casho markii uu Cabdillaahi ku xidhnaa Miiskii Saraakiisha, taariikhduna ahayd 11kii April sannadkii 1993kii, saacadduna ahayd 5:30 galabnimo ayaa waxa rumowday riyadiisii.

Waxa xeradii daf-yidhi ciidan uu horkacayey Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo uu la socdo Cabdisalaan Turki Maxamuud oo isaga markii hore ay wada socdeen Cabdillaahi Askar, waxana markiiba bilaabmay muran gaaban oo dhexmaray ciidankii Ibraahim Koodbuur watay iyo kuwii dawladda ee Miiska Saraakiisha ilaalinaayay, daqiiqado gudahoodna waxa bilaabantay xabbad aad u kulul oo dhexmartay labadii ciidan.

Waxa goobtaas ku naf-waayay soddomeeyo askari oo ciidankii Faqashta ka tirsanaa, halka ciidankii Ibraahim Koodbuur horkacayaena uu ka shahiiday AIlaah naxariistii janno ha siiyee geesigii Biixi Xaaji Xasan oo ku dhintay meel ku qabsan huteelka Hargeysa Kilaab, waxana ku dhaawacmay geesigii kale ee Siciid Cabdi Dalabay.

Markiiba qolkii uu ku jiray Cabdillaahi ayey kala baxeen, waxaanay ku qaateen gaadhigii ay wateen, iyagoo kor u qaaday waddada tagta Isha Boorama iyaga oo ka soo dhex-dhacay dalcadda Ina Naxar, wax yar kadibna waxay uga sii gudbeen Masallaha, halkaas oo dhinaca koonfureed kaga beegan garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaanay goobtaas ku tukadeen laba ragcadood oo salaatul-shukri ah.

Haddana waxay kor u sii qaadeen dhinaca jidka Gumburaha, iyagoo u sii gudbay dhinaca tuulaha Gummar, halkaas ayaanay isaga horyimaaddeen ciidankii dawladda oo ka soo kala baxay tuulooyinka Balli-cabane iyo Balli-gubadle, goobtaas ayaanay dagaal la galeen ciidammadii Faqashta, waxaanay halkaas ku dileen lix askari oo ciidankii dawladda ka tirsanaa.

Markii dambe ayey gaadheen tuulada Xarshin oo ku taal gudaha waddanka Itoobiya, halkaas ayuu ku dhintay geesigii dhaawaca ahaa ee Siciid Cabdi Dalabay isagana Rabbi naxariistii janno haka waraabiyee, halkaas ayaana geesigii Ibraahim Koodbuur iyo kooxdii la socotay ka sii wadeen halgankii xaq-u-dirirka ahaa ee SNM, waxana uu Ibraahim Koodbuur ku geeriyooday tuulada Ramaso ee dalka Itoobiya sannadkii 1987kii Rabbi naxariistii janmo ha ka waraabiyee, waxaannu noqday oo uu muujiyay geesinimo aad u sarraysa oo taariikhda reer Somaliland baal dahab ah ka gashay.

Waxa qalbi-jab iyo naxdini ku dhacday Gaanni iyo maamulkii Siyaad Barre oo ku fashilmay in Cabdillaahi Askar qabashadiisa ay ku faanaan. Cabdillaahi Askar Allaah ha u naxariistii waxa uu shalay ku geeriyooday caasimadda Somaliland ee Hargeysa, halkaas oo si heer qaran ah loogu aasay. Cabdisalaan Maxamuud Turki waxa uu isna ku nool yahay waddanka UK.

Jamhuuriya Online

Printable versionUrurkii SNM waxa uu go’aansaday inuu tallaabooyin millatari ku fuliyo qaar ka tirsan madaxdii dhagarqabayaasha ee shacbiga xasuuqaysay, waxaanay markaas SNM gudaha dalka u dirtay saraakiil millatari. Bishii December sannadkii 1982kii ayaa tuulada Gaashaamo oo bariga Itoobiya ku taal ay SNM ka dirtay laba sarkaal oo kala ahaa Allaah ha u naxariistee Cabdillaahi Askar Barkhad iyo Cabdisalaan Turki Maxamuud. yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-70428386033696761952010-08-28T10:07:00.000-07:002010-08-28T10:07:54.709-07:00

Wakiilkii Itoobiya U Joogay Somaliland Oo Dalka Iskaga Baxay

Written by Qaran News

Aug 28, 2010 at 11:01 AM

Hargysa,(Qaran News)- Warar rasmi ah oo aanu ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in safiirkii dalka Itoobiya Somaliland u joogay uu dalka ka baxay, wararka aanu helaynaa may noo xaqiijinin sababta rasmiga ah ee uu safiirkuu dalka uga baxay hase ahaatee ayaamahihii u danbeeyay waxa ay warbaahinta Somaliland qaarkeed soo bandhigayeen khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland kaasi oo la isku mari laa waxyaabahii la isku hayay.

Wararka qaar ayaa sheegaaya in safiirka xaga Addis Ababa uu u tagay la tashi, taasi oo ay ka danbaysay markii madaxweyne Siilaanyo uu xafiiska Itoobiya ee Addis Ababa uu ku wargaliyay in ay la xidhiidhaan wasaarada arimaha gudaha oo ay ku xidhnaadaan xagaasi.

Wararka kale ee aanu helaynaa waxa ay aad uga dayrinayaan xidhiidhka wacnaa ee u dhaxeey labada dal in uu sii xumaanaayo taasi oo arimaha la isku hayna ay ugu badantahay arimaha aminiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dal ee dhan walba leh.

Siilaanyo ayaa dalka ugu yimid hal xafiis diblamaasiyadeed kaasi oo aad moodo in wada shaqayntiisuna ay sii damayso, waxa ay dadku rajaynayeen in uu Siilaanyo kaga faa'iidaysto doorashadii xorta ahayd ee uu ku yimid isla markaasina ay ahayd in la iibiyo qadiyada Somaliland si dalka looga saaro dhibka ka haysta aqoonsi laanta ku habsatay, hase ahaatee waxa aad moodaa in Siilaanyo uu ishii sii bidhiiqaysay uu isha ka sii ridaayo isaga oo aan xukunakaba fadhiyin wax badan.

Sida ay doontaba ha ahaatee wax war ahi kama soo baxin xaga xukumada Somaliland iyo xaga Itoobiya toona oo ku saabsan socdaalka wakiilkii xafiiska ganacsiga ee Itoobiya uu uga baxay dalka mana jiraan warar rasmi ah oo qeexaaya bixitaanka wakiilkaasi oo ahaa wakiilka kaliya ee dal shisheeye ah oo Somaliland ku sugnaa hase, wararkaasi oo aanu ku daba jirnana waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararkeena kale.

Dhanka kalena waxa dalka ku soo badanaaya qabyaalada iyo beelaysiga iyada oo ay jiraan shirar ay beelaha qaarkood ay si gooni gooni ah ugu qabsanyaan magaalooyin ka mid ah dalka oo ay ku jirto caasimadu.

Beelahahaasi shirarka isugu imanaaya ama shirayba qaarkood ayaa ayaa siyaabo kala gadisan u dhigaaya kulamadooda xaga qaar ay ka cabnayaan habka uu Siilaanyo xukumadiisa u qaybiyay oo ay u arkayaan cadaalad daro iyo xaga beelo kalana ay kulamadooda iyo shirarkooda ku saleeyeen in xukumada Siilaanyo ay iska indho tirtay saami qaybsiga khayraadka dalka oo ay cid gaar ah ugu adeegayso xagii ay ahayd in ay ka dhabayso balan qaadkeedii ahaa suuqa xorta ah iyo tartanka xorta ah.

Xaalada dalka ayaa hada ku socota mid u eeg tii horaantii sagaashamaadkii ee uu Siilaanyo odhan jiray dalka dawladi kama jirto, hadii aan si deg dega h aan dhabada loogu soo celin habkii dimuquraadiyadii iyo maamuus wanaagii Siilaanyo dalka loogu wareejiyayna waxa dhici doonta in dalku ku dhaco dib u dhac iyo maamul xumadii ugu waynayd ee abid soo marta, Siilaanyo iyo inta ku hareeraysan ee la talinaysana waxa la haboon in ay dalka ku hagaan dhabo toosan oo ka saaraan qabyaaladan inagu soo laabtay ee mudo laga raystay

yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-55955265407307314842010-08-23T12:01:00.000-07:002010-08-23T12:02:15.552-07:00

Hargysa,(Qarannews)- Sheekada ugu hadal haynta badan tan iyo shalay ayaa ah, gacan ka hadal madaxtooyada ku dhe maray Chief of Cabinet-ka Siilaanyo Mr Xirsi Ali Haji Xasan iyo mid ka mid ahaa shaqaalahii inbadan ka soo shaqaynaayay madaxtooyada Somaliland ahaana shaqaale dawladeed oo aan ku lug lahayn wax siyaasad iyo xisbi toona.

Dagaalkani oo gaadhay in Xirsi uu qaato mindi dulsaarnayd miis ka mid ah miisaanta dhexyaala madaxtooyada, kadibna kula dhaqaaqay oo ku weeraray Yaasiin Nuur Mooge oo ay is af dhaafeen kadib markii uu Xirsi shaqada ka caydhiyay isaga iyo laba shaqaale oo kale, taasi oo ay ku andaccoodeen in xuquuqdoodii la siiyo madaama oo laga fadhiisiyay shaqadii ay in mudo ah soo hayeen.

Qaar ka mid ah dadweynahii aanu mikirifoonka la dhex qaadnay waxa ka mid ahaa hadaladoodii.

Waa yaab hadii madaxii dalka loo dhiibay ay dadka qalanyaan, xaga ruux dumar ahi ay tidhi madaxtooyadii dadqal ayaa galay, ee odayga amaankiisa ma la hubaa, waa in madaxweynaha la adkeeyaa amaankiisa marba hadii meelhaasi ay ka ag dhawadahay mindi wax lagu weerari karaa.

Xaga qaar dhalinyaro ah oo aanu la kulanay ay noo sheegeen in Xirsi uu Yaasiin ka urinaayo wasiirkii hore ee arimaha gudaha xaga labada kale ee shaqaalahana uu ka kala urinaayo la taliyihii madaxweynaha mudane Nuux ka sadexaadna uu ka urinaayo madaxweynahii hore oo iska shakisanyahay uun oo ay sheegeen waa sida ay hadalka u dhigeene in aanu dalku sidaasi ku sii socon doonin hadii aan la joojin waxyaabaha foosha xun ee ay ugu horeeyaan talaabooyinka uu qaaday Xirsi.

Shalay ayaa dhamaan wargaysyada ka soo baxa magaalada Hargysa waxa ay ka sinaayeen oo boga hore u sudhnaa dagaalka Xirsi iyo shaqaalaha uu caydhiyay.

Taasi oo sii shiday dareenka shicibka iyo argtiyaha ay ka qabaan Chief of Cabinet-ka madaxweyne Siilaanyo Mr Xirsi Ali Haji Xasan oo ay dad badani u arkaan in uu yahay shaqsi ku dheeraad ah xukumada Siilaanyo.

La soco barnamijka dareenka shicibka oo si joogto ah halkani uga bixi doona, inaga oo mar walba soo qaadan doona waxyaabaha ugu hadalhaynta badan maalin walba, gaar ahaan waxyaabaha ugu waaweynXiligaasi Xirsi waxa laba dible u qabtay shaqaalahii kale ee ku hareeraysnaa oo ka badbaadiyay Yaasiin in ayna mindidaasi ku dhicin.Hadaba sheekadani ayaa ah ilaa shalay sheekada ugu hadal haynta badan magaalada Hargysa oo meesha aad martaba lagaga sheekaysnayaa, taasi oo ay dadweynaha reer Hargysa ay dareeno kala gadisan ka bixiyeen.yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-28663226337048305462010-08-21T01:04:00.001-07:002010-08-21T01:04:38.466-07:00Dhanxiir iyo Itoobiya

Maansha Allaah; Alleylehe duq-xigeenkii Hargeysa iyo golihiisii deegaanku waa kuwaa ka gubtay xeerkii caasimadda ee wakiilladu laaleen; kol hadii uu ku yidhi; ‘Adeerayaal danihiinaad labtop-yo u sidataane maxaad ka uriseen caasimadda, mise Hargeysa weyn baad ka hinaasan tihiin oo dhinaca barigaa saar idiin hayaa.’ Jiciirkan safarka ku khafiifay intaana wuu odhan kari waayey, qolyahan wakiilladuna xeerkaa dib ha u soo abaabulaan si ceebtu uga maydhanto.

Weger; Adeer, Ina Uurcadde waa nin iska ciyaaraya oo hadii lexejeclo caasimadeed hayso wax kale iska daayoo ishaarooyinkii Cawl kumay dul burbuireene, waxaad ka warantaa qoladii Itoobiyaanka ee Hargeysa joogay xagay u caayeen, mise tallow hadalkii Cabdillaahi Shaani ee ahaa Xirsi Caga-baruur waa Al-shabaab ayey rumaysteen oo taaga waabay qaxeen, Amxaarana fulaynimo iyo inay sheeko Huu-haa-da rumaystaan looga taag heli maayo.

yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-64381766702976222752010-08-15T11:34:00.000-07:002010-08-15T11:35:14.407-07:00{Addisababa}15-08-10 Jeneral Gabre ayaa la rabaa in loo magacaabayo madaxa Amniga iyo howl-galada ciidamada AMISOM.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in la rabo in la Jen. Gabre loo Magacaabo Taliyaha Hawlgelinta iyo Amaanka AMISOM oo ahaa Taliyihii Ciidankii Itoobiya ee hada ka hor soomaliya soo galay.Madaxweyne Melez zenawi ayaa ku riixaya Amisom iyo TFG somaaliya in................

Jen. Gabre ayaa dhowaan si toos ah ula wareegaya qaybta amaanka iyo hawlgelinta ee Ciidamada AMISOM, waana shaqad u badan ee ciidankaasi ay ka hayaan dalka soomaliya ama u joogaan.

Magacaabista Jeneral Gabre ayaa waxa isla gartay Dowlada Itoobiya iyo Midowga Africa, waxana soo dhoweeyay Madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif.

Jen. Gabre ayaa si weyn dadka soomaliyeed u xasuustaa waxana uu ahaa sarkaalkii hogaaminayay ciidamadii itoobiyaanka ahaa ee soomaliya ku riiqday.

Magacaabista Jen. Gabre ayaa dad badan waxay aaminsan yihiin inay kor usii qaadeyso gulufka coladeed ee u dhaxeeya Itoobiya iyo shacabka soomaliyeed

Yaldo on lineWararkale ayaa sheegaya in Jen Gabre baryahanba Muqdisho ku sugnaa sida laga xaqiijiyay Madaxda Dalka Itoobiya sidoo kale warkan waxa uu ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliya ee Villa Soomaliya ee Sheikh Shariif. yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-23277233713624372402010-08-15T11:10:00.000-07:002010-08-15T11:11:17.909-07:00Haatuf-ka Maanta: Tallow nimankan yaa ugu dhaarta inay meeshu tahay Madaxtooyadii Somaliland ee dadk

Haatuf-ka Maanta: Tallow nimankan yaa ugu dhaarta inay meeshu tahay Madaxtooyadii Somaliland ee dadka u dhaxaysay?

Walee nin kastaaba ha iska hadlee ninkii Xirsi Gaab shaqadiisii ka soo bax oo durtaba waakan isku duba riday hawlihii Xafiisyadii Madaxtooyada. Laakiin maxay kuugu taalaa sawtan ninkiiba ay nafta iskugu keeneen Beeshan Haraadan ee hadh iyo habeenba socota iyo Dhuxulaysatadan yaryar ee siddii Xab-xabka ku soo jabay Madaxtooyadii oo mar aad moodayso inaad Yiroobe joogto marna Baarkii Rayaan ee Hargeysa ee ay Baagamuudayaasha Kulmiye kuududi jireen. Tallow nimankan yaa ugu dhaarta inay meeshu tahay Madaxtooyadii Somaliland ee dadka u dhaxaysay?

Source: Wargeyska Haatufyaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-34062268557512224782010-08-08T06:59:00.000-07:002010-08-08T07:02:11.874-07:00Itoobiya oo la sheegay in ay shuruud adag ku xirtay wada shaqeyn buuxda oo ay la yeelato maamulka Cusub ee Somaliland uguna baaqday.

Dawladda Itoobiya ayaa markii u horaysay ka hadashay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud iyo caqabado ay sheegtay inay horyaalaan.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa warbixin ay toddobaad kasta mar soo saarto waxay habeen hore ku soo qaadatay xil wareejintii Somaliland ka dhacday ee uu talada maamulkaasi kula wareegay Axmed Maxamed Maxamud {Siilaanyo} oo ku guuleystay doorashadii dhacday bishii June 26-keeda.

Dowladda Itoobiya waxay ka hadashay talaabooyinka ay tahay in maamulka cusub ee Somaliland uu ka qaado la dagaalanka waxa ay ugu yeertay argagixisada si ay ugu guuleysato kalsoonida dowladaha deriska la ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxay hoosta ka xariiqday siday muhiim u tahay in xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ay mawqif cad iska taagto la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo xag jirka.

Sidoo kale wasaaraddu waxay shaaca ka qaaday caqabadaha soo waajahaya dawladda cusub ee Somaliland iyo guud ahaan gobalkuba aad ayey u badanyihiin, si loo gaaro rajooyinka, dowladda cusubi waxay u baahantahay inay kasbato ixtiraamka iyo kalsoonida dalalka la deriska ah, iyadoo taas u maraysa inay u muujiso sida ay diyaar ugu tahay ugana go’anatahay ka hortagga caqabadahaasi.

Dowladda cusubi waa inay muujisaa awooda ay u leedahay hab dhaqankeeda siyaasadeed ee gudaha iyo dibaddaba, si ay u gaarto rajooyinka ay qabaan dhammaan dhinacyadii dedaalkeeda ku weheliyay, waxaa iyaduna muhiim ah inay dowladdu ku dhegenaato mabdi’ii jaar wanaaga ahaa, iyo inay laasimto, nabadda iyo dhexdhexaadnimada, sidaasi si la mid ah jaararka Somaliland si kalsooni leh waxay uga rajaynayaan dowladda cusub inay sii wado mawqifkii aan gorgortanka laheyn ee ka dhanka ahaa waxa loogu yeero argagixisada iyo xag jirka sidii maamulkii ka horeeyey ee Daahir Rayaale ayey tiri wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo intaasi ku dartay gaabis kasta oon laga gaabiyaa waxay raad xun ku yeelanaysaa aaminista maamulka cusub ee Axmed Siilaanyoyaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-77283589438504433592010-08-03T12:20:00.000-07:002010-08-03T12:22:26.737-07:00Madaxweyne Siilaanyo oo la filaayo inuu xilkii Gudoomiyanimo ku wareejiyo Muuse Biixi

Hargeysa(Waaheen)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhowaan la filayaa dhowaan inuu ku wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga ku-xigeenkiisii Muuse Biixi Cabdi, sida uu dhigayo Xeerka Xisbiga tallada dalka ku guulaystay ee Kulmiye oo wax laga bedelay Shirweynihii Xisbiga ee ugu dambeeyay.

Arrintaasi oo looga gl-leeyahay in lagu kala saaro Xisbiga iyo Xukuumada sidii Xisbiga UDUB oo dhaawac ku keentay hawlihii Xisbigii talada hore u hayay, waxaanay Xisbiga Kulmiye kaga gaashaamanayaan inuu dhaawac la mid kii UDUB uu soo gaadho.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ayaa marka uu la wareego Guddoomiyenimada waxa ku wehelin doona oo talada Xisbiga ay wada hoggaamin doonaan Ku-xigeenkiisa labaad Md. C/raxmaan Cabdiqaadi, Ku-xigeenka saddexaad C/raxmaan Talyanle iyo Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Mr. Kayse Xasan Cigeh.

Madaxweynaha Talada dalka ku guulaystay Md. Siilaanyo oo dhowaan soo saaray Liiska Xubnaha Golihiisa Wasiiradda ayaa haba yaraatee aan ku soo darin xubnihiisii ay wada-hogaamin jireen Xisbiga Kulmiye, taasi oo bedelkeeduna noqon doonta in ay u hadhaan socodsiinta iyo hoggaaminta Xisbiga.

Tallaabada uu Axmed Siilaanyo kaga reebay hogaanka Xisbiga xukuumadiisa ayaa maalmihii u dambaysay si wayn loo hadal hayay waxa ay kala yeeli doonaan ama ay isugu biyo shuban doonto sababaha uu uga tagay, arrintanise waxay muujinaysaa in uu Xisbiga Kulmiye ku kala saarayo hawl-wadeenadiisa Xukuumada iyo kuwa Xisbiga.yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-59145747115887758542010-08-03T01:07:00.000-07:002010-08-03T01:08:15.387-07:00
Wasiirka Cusub Ee Maaliyada Oo Balan Qaaday In Jaadka Ka Soo Gala Ethiopia Loogu Bedeli Doono Milixda Iyo Kalluunka Somaliland

Hargeysa, August 2, 2010 (Haatuf)- Wasiirka Cusub ee wasaarada Maaliyada, Eng.MaxamedXaashi Cilmi ayaa sheegay inay dawlada Ethiopia kala hadli doonaan siddii ka ganacsiga Jaadka Somaliland looga soo waarido dhanka Ethiopia taas bedelkeeda milixda iyo kalluunka siddii Somaliland ay Ethiopia ugu iib geyn lahayd.

Wasiirka Maaliyada,Eng.Maxamed Xaashi waxa kale oo uu sheegay in shaqaalaha maaliyada oo uu sheegay in aanay qaadan jirin mushahar ku filan la siin doono mushahar iyo gunooyin daboola baahiyahooda si ay u nabad gasho hantida umaddu leedahay ee ay masuulka ka yihiin.

Wasiirka Maaliyadu waxa kale oo uu sheegay inay guddi soo baadha u saarayaan dayn uu sheegay wasiirkii hore ee maaliyadu,Cawil Cali Ducaale, in lagu leeyahay wasaarada.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale, ayaa maalintii doraad la sheegay inuu ka muquurtay xil wareejintii wasaaradaasi uu xilka u tirinayay wasiirka cusub ee loo soo magacaabay Eng Maxamed Xaashi Cilmi, iyada oo la sheegay inuu Cawil fariin soo diray la leeyahay wuu xanuunsanayaa., iyada oo Maxamed Xaashina uu ku sugnaa xarunta maaliyadda oo uu sugayay inuu Cawil xilka wasaarada u tiriyo.

Shalay subaxdii hore ayaa waxa xarunta maaliyadda ku soo diyaar garoobay Eng Maxamed Xaashi Cilmi, si xilka uu ugala wareego wasiirkii hore ee maaliyada Cawl Cali Ducaale oo muddo dhawr saacadood ah kaddib soo gaadhay xarunta wasaarada, ayaa wasiirkii hore waxa uu saxaafada oo goobtaas diyaar ku sii ahayd ku wargeliyay in aanay soo galin xafiiska xil wareejintu ka dhacaysay, ka dibna saxaafada madaxa banaan intoodii badneyd ayaa halkaas ka dareertay oo Haatuf ka mid ahayd.

Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyadda Cawil Cali Ducaale oo goobtaas xilka ay kula kala wareegayeen wasiirka cusub Eng Maxamed Xaashi Cilmi ay goob joog ahaayeen saraakiil ka tirsan wasaaradaasi, ayaa hadal dheer oo Cawil halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay, in dayn farabadan oo wasaarada lagu leeyahay uu ku wareejinayo wasiirka cusub.

Wasiirka cusub ee maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isaguna hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay sheegay inuu Cawil yahay nin weyn, islamarkaana jaanis uu ku hadlo aanu ii reebin oo wakhtigii uu isagu (Cawil) wada qaatay, dayntaasi uu Cawil sheegayna ay tahay in guddi soo baadha loo saaro.

Wasiirka cusub ee maaliyada,Eng.Maxamed Xaashi iyo wasiirkii hore,Cawil Cali Ducaale, ayaa lagu tilmaami jiray rag xaga siyaasada deeradu dhex miran jirtay, taasoo inta badan eedo musuq maasuq iyo jawaabo ay isku marin jireen saxaafada
yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-79269853975979749182010-07-28T05:02:00.000-07:002010-07-28T05:02:47.782-07:00Silanayo oo magaacabay golihiisii wasiiradda ee Xukuumaddiisa cusub

Madaxweyne dhawaan la doortay ayaa saaka magaacabay golihiisa wasiiradda oo ka kooban dhawr iyo labaatan xubnood oo isku jira jira rag iyo dumaraba Liiska golaha wasiirada xukuumada cusub ayaa waxay noqonayaan sidatan:

1. Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar - Wasiirka Arimaha Dibedda & Xidhiidhka Caalamiga Ah.

2. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose – Wasiirka Arimaha Gudaha.

3. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi – Wasiirka Maaliyadda.

4. Dr. Sacad Cali Shire - Wasiirka Qorshaynta & Horumarinta

5. Xusseen Axmed Caydiid – Wasiirka Hawlaha Guud & Gaadiidka

6. Samsam Cabdi Aadan – Wasiirka Waxbarashada &. Tacliinta Sare.

7. Dr. Xuseen Axmed Maxamed – Wasiirka Caafimaadka

8. Axmed X. Cali Cadami – Wasiirka Gaashaandhiga

9. Cabdirisaaq Khaliif Axmed – Wasiirka Ganacsiga & Dalxiiska

10. Dr. Axmed Xaaji Oday – Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga

11. Cabdirisaaq Ibraahin maxamed – Wasiirka Boosaha & Isgaadhsiinta

12. Prof. Ismaaciil Muumin Aar – Wasiirka Caddaalada & Garsoorka

13. Sh. Khaliil C/Laahi Axmed – Wasiirka Diinta & Awqaafta

14. Ilhaan Maxamed Jaamac – Wasiirka Shaqada & Arimaha Bulshada

15. Dr. Maxamed Yaasiin Xasan – Wasiirka Kaluumaysiga, Khayraadka Badda & Maamulka Dekedaha

16. Dr. Xusseen Cabdi Ducaale – Wasiirka Macdanta, Biyaha & Tamarta.

17. Maxamed Xaashi Magan – Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha & Dhaqanka

18. Prof. Faarax Cilmi Maxamed – Wasiirka Beeraha.

19. Maxamuud Xaashi Cabdi – Wasiirka Duulista & Hawada

20. Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire – Wasiirka Warfaafinta

21. Cali Xaamud jibriil – Wasiir ku Xigeenka waxbarashada & Tacliinta sare

22. Maxamed Yoonis Cawaale – Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Dibeda

23. Cismaan Garaad Soofe – Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha.

25. Warsame Siciid Cabdi – Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda

26. Nimco Xusseen Qawdhan – Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadkayaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-65262851455986897402010-07-27T23:23:00.000-07:002010-07-27T23:23:38.790-07:00Degmada Cusub ee Arabsiyo oo ka Hoos Baxday Gacanta Maamulka Maayarka Gabiley

“Gaadhi ma raaco, ummaddaydana gaadhi la’aan ayaan ugu shaqaynayaa” Maayirka Degmada Cusub ee Arabsiyo

Arabsiyo (Jam)- Degmada cusub ee Arabsiyo, ayaa markii ugu horreysay toddobaadkan si rasmi ah uga madaxbannaanaatay gacanta maamulka maayirka Gabiley oo ay hore ugu hoos jirtay.

Magaalada Arabsiyo oo degmanimada qaadatay lix cisho ka hor maalintii codbixinta doorashada madaxtooyada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 26-kii June 2010, waxay ka mid tahay degmooyinkii ugu danbeeyey ee xukuumadda madaxweyne Rayaale ee maanta talada dalka wareejinaysaa ku soo khatintay barnaamij baaxad leh oo ay labadii sannadood ee u dambeeyey ku magacowday nus-darsin gobollo ah iyo boqollaal degmo oo cusub.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Mr. Maxamed Axmed X.Cabdi (Xabiib), ayaa maalintii Axaddii si rasmi ah masuuliyada maamulka Arabsiyo ugu wareejiyey duqa degmada Gabiley Md. Aadan Muxumed Bade, isla markaana xilka ugu tiriyey maayarka degmada cusub ee Arabsiyo Mr.Sitiin Ibraahim Nadiif.

Xilwareejinta maamulka degmada cusub ee Arabsiyo, ayaa ka danbaysay, ka dib markii maayirada labada magaalo ee lakala madaxbannaaneeyey dhowaan isku farasaareen maamulidda dakhli-maalmeedka cashuuraha uga soo xerooda degmada Arabsiyo oo xisaab-socod gaar ah looga furay Baanka Gabiley, arrintaas oo xiisad ka dhex abuurtay labada maamul ee Arabsiyo iyo Gabiley.

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey xilwareejinta labada maayar iyo kala madaxbannaanaynta maamullada magaalooyinkaas oo ka dhacday Axaddii hudheelka Dalxiis ee Arabsiyo, ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiinta sare ee Gobolka Gabiley, maayirada xilka kala tirsaday, madax-dhaqameedyo, cuqaal, waxgarad iyo dhallinyaro ka tirsan bulshada degmada cusub ee Arabsiyo oo dhawaan loo samayn doono munaasibad weyn oo loogu wanqalayo degmonimadeeda.

“Waxaan ahay nin waayo-arag ah oo muddo dheer soo shaqaynayey, waligayna hanti ummadeed ma cunin oo wax cunis layguma xanto sida ragga qaarkii.

Anigu ma jecli oo baabuurta ma raaco, waayo wuu dhib badan yahay, waxaanan jeeclahay inaan dadkayga, si aan u kala ogaado ka jilicsan iyo ka dhibaataysanba.”

Sidaa waxa yidhi maayirka degmada cusub ee Arabsiyo Mr. Sitiin Ibraahim Nadiif oo hadal kooban ka jeediyey xafladdii uu xilka maamulka degmadiisa kagala wareegay Duqa Gabiley.

“Inkasta oo xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee laga guulaystay degmonimada siisay Arabsiyo, haddana shacabka reer Arabsiyo oo ah ilbax waxay si buuxda codkooda u siiyeen doorashadii Madaxtooyada Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aan u diray hambalyo iyo bogaadin aad u weyn, xukuumadda cusubna waxaannu ka sugaynaa inay gacan ka geysato horumarinta adeegyada bulshada ee magaalada Arabsiyo,” ayuu yidhi Maayar Sitiin.

Badhasaabka Gobolka Gabiley MR. Maxamed Axmed Xaaji Cabdi (Xabiib) oo isagu si rasmi ah labada maayar xilka ugu kala wareejiyey, ayaa tafaasiil ka bixiyey xaaladda guud ee gobolka, waxaannu sheegay in Gobolka Gabiley ku tallaabsaday horumar muuqda muddadii yarayd ee ka dambaysay markii gobolnimada la siiyey badhtamihii sannadkii 2008.

Badhasaabku waxa kaloo uu ka warramay taariikhda degmada cusub ee Arabsiyo oo uu ku tilmaamay magaalo qadiimi ah oo dhinac kasta kaga horreysa magaalo-madaxyo gobolnimo la siiyey, sidaa darteed waxa u maayar Sitiin ugu baaqay inuu ka shaqeeyo midnimada shacabka iyo horumarka degmada Arabsiyo oo uu xusay inay leedahay wax-soo-saar iyo dhaqaale ku filan haddii si habboon looga faa’iidaysto.

Waxa ka oo Mr. Xabiib uu kula dardaarmay maayarka cusub ee degmada Arabsiyo inuu waxqabadkiisa ugu horreeya ka bilaabo wax-ka-qabasha dhibaatooyinka culus ee dooxa Arabsiyo ku hayo shacabka degaanka iyo gaadiidka safarka ah, waxaannu kula taliyey inuu sii xoojiyo xidhiidhka jaaliyadda reer Arabsiyo ee dibadaha, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin kuwa ugu fiican qurbo-joogga Somaliland, marka la eego jacaylka iyo waxtarka magaaladooda.

Ugu dambayn, badhasaabku waxa uu ballanqaaday in maamulkiiisu taageero buuxda la garab tagnaan doono hirgelinta horumar kasta oo degaanka Arabsiyo higsanayso.

Sidoo kale, waxa munaasibadda xilwareejinta oo lagu qabtay hudheelka Dalxiis ee magaalada Arabsiyo ka hadlay maayarka degmada Gabiley ee xilka wareejiyey Md. Aadan Muxumed Bade, Boqor Muxumed Geelle Seed iyo xubno ka tirsan cuqaasha iyo odayaasha reer Arabsiyo, kuwaasoo dhammaantood muujiyey siday ugu faraxsan yihiin magacaabista degmonimada cusub ee Arabsiyo, iyagoo dhinaca kalena dardaaran iyo talooyin muhiim ah u jeediyey masuuliyiinta maamulka degmada Arabsiyo ee talada magaalada gacantooda lagu wareejiyey.

Degmada cusub ee Arabsiyo oo xukunta degaan ballaadhan oo hodan ku ah wax-soo-saarka beeraha, waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu dhaqaalaha badan Gobolka Gabiley, sidoo kalena waxay ka mid tahay magaalooyinka loo tago nasashada iyo dalxiiska, waxana ku yaal dhismeyaal casri ah oo aad u badan, kuwaasoo sii xoojiyey baaxadda iyo muuqaallada bilicdasan ee ay caanka ku tahay Arabsiyo, maamulka dawladdana waxa uga soo xerooda dakhli buuran oo lagu qiyaasay bishiiba ku dhawaad ilaa shan milyan oo ah dakhli-maalmeedka ka soo hoyda cashuuraha.

Jamhuuriya Onlineyaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-36601713118695247402010-07-26T10:34:00.000-07:002010-07-26T10:34:57.616-07:00Dagaalo Culus Oo Ka Dhex Qarxay Cidanka Puntland Iyo Al-Shabab

Bosaaso,(QRN)-Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaad ka amar qaata wadaadka lagu magacaabo Shiikh Maxamed Siciid Attam ayaa saaka waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degaanka Karin iyo Laag ee gobolka Bari, isla markaana ah meel aan wax badan ka fogeyn magaalada Bosaso.

Dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa lagu waramayaa inuu ka dhashey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la ogyahay ayaa waxaa ku dhintey dagaalka saddex askari iyadoo ay ku dhaawacmeen shan kale,waxaana dhamaantood lasoo gaarsiiyey Isbitaalka weyn ee magaaladda Bosaaso. Khasaaraha gaaray maleeshiyada weerarka soo qaaday ayaa ah mid aan la ogeyn.

Dhanka kale Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay nin jidka laamiga ah dhinaceeda ku aasayey walxa qarxa saaka gudaha magaaladda Bosaaso.Goobta uu ninkaas ku aasayay walxa qarxa ayaa waxaa ay ku taalla agagaarka Masjidka Faadumo ee wadada laamiga,waxaana la dhigay xabsiga iyadoo laamaha amniga ay baaritaan ku wadaan isla markaana aan wax faahfaahin ka bixinin.

Wadada laamiga ayaa waxaa xilligaas maraayay ciidan gurmad ah oo kusii jeeday halka uu iska horimaadka ka dhacay.Xaaladda Gobolka Bari ayaa u muuqata mid aad u kacsan, oo xaalad dagaal ah ciidamada ka amarqaata wadaadka Shiikh Maxamed Siciid Attam ee xiriirka la leh al-Shabaab oo horey loo aaminsanaa in ay Bosaso ka fuliyaan weeraro gaadmo ah ayaa hadda u beddalay hawlgaladoodi weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waxaana ay tani muujineysaa awoodda ay ku leeyihiin Buuraha ku gadaaman Magaalada Bosaso.

Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu sheegay in al-shabaab ay ku sugan yihiin gudaha Puntland isla markaana ay isku urursadeen buuraha Gobolka Bari, waxaa dhan walba ka jira ciidankeena, dhawaana dagaal ayaan ku qaadeynaa ayuu yiri Faroole mar uu la hadlaayey warbaahinta, inkasta oo dagaalkii iyo gacanqaadkii ay la hormareen, malayshiyadii isku urursatey buuraha gobolka Bari ee uu hoggaamiyo Shiikh Attam.

Source TVSLEIska hor imaadka ayaa dhacay subaxnimadii hore ee saaka, waxaana weerar gaadmo ah ciidanka Puntland la beegsadey kooxda ka amarqaadatada Shiikh Attam kuwaas oo xiriir la leh xarakada al-shabaab ee ka dhisan Koonfurta Soomaaliya.yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-89921663467572836362010-07-24T00:05:00.000-07:002010-07-24T00:06:06.619-07:00Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka oo Maanta Gaadhaysa Go’aan Jidaynaya Madaxbannaanida Dalal Somaliland ka mid Tahay

“Fikirkayga, maxkamaddu waxay beddeli doontaa qaabka aynu ula dhaqano kuwa gooni-isu-taagaya mustaqbalka, taasina waxay furaysaa in dalal cusubi soo baxaan” Mr. James

Hague (Jam)- Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo (ICJ), ayaa la filayaa in ay go’aan rasmi ah Khamiista maanta ka gaadho dacwad xasaasi ah oo jidaynaya sharciyadda xaqa qarannimada dalalka aan la aqoonsan ee raadinaya madaxbannaanida oo Somaliland ku jirto.

Go’aanka maxkamadda ICJ maanta ka soo saarayso qaddiyadda madaxbannaanida dalalka aan la aqoonsan, waxa uu ka dambeeyey dacwad ku saabsan sharcinimada go’aankii Jamhuuriyadda Kosovo ee aan sida buuxda loo aqoonsan ku gaadhay inay ka go’day dalka Serbia sannadkii 2008.

Haseyeeshee, dawladda Serbia oo go’aankaasi ka cadhootay, ayaa dacwad u gudbisay Qaramada Midoobay, waxaana maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda adduunka laga dalbaday inay ka garnaqdo muranka u dhexeeya Serbia iyo Kosovo, gaar ahaan sharcinimada go’aanka madaxbannaanida ee ay ku dhawaaqday Kosovo, isla markaana waxay qiimaynaysay dhukumentiyo arrintan la xidhiidha oo Qaramada Midoobay gudbisay iyo waxa ay ka qabaan sharciyadda caalamiga ahi.

Maxkamadda oo maanta magaalada Hague saacaddu markay tahay 2:00pm ku dhawaaqi doonta go’aankeeda, ayaa noqonaya saddex qodob midkood, kuwaas oo kala ah in maxkamaddu sharciyeyso madaxbannaanida Kosovo, in ay ku tilmaanto mid sharci-darro ah iyo in aanay labadaa qodob midna ku dhawaaqin ee ay dib u celiso.

Haddii go’aanka maxkamaddu uu noqdo in madaxbannaanida Jamhuuriyadda Kosovo tahay mid sharci ah, waxa uu guul u noqonayaa dalal Somaliland ka mid tahay oo madaxbannaanidooda ku dhawaaqay, balse aan la aqoonsanayn, kuwaas oo xaqa gooni-isu-taagoodu noqon doono mid sharciyad ku fadhiya.

Waddamada goonida u go’ay, laakiin aan la aqoonsanayn ee go’aankan maxkamaddu faa’iidada wayn u leeyahay, waxa ka mid ah Somaliland, Qubrus, Nagorno-Karabakh iyo koonfurta Ossetia, Abkhazia iyo Transnistria.

Dadweyne fara badan oo adduunka ka tirsan ayaa si gaar ah isha ugu haya dhawaaqa ka soo yeedhi doona Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ), kaasoo loo arkayo inuu kala furdaamin doono dalal badan oo is haysta.

Mr. James Ker-Lindsay oo ah khabiir wax ka dhiga dugsi dhaqaalaha lagu barto oo ku yaala magaalada London, ayaa go’aanka maxkamaddu ku dhawaaqi doonto ku tilmaamay kii ugu muhiimsanaa abid ee la horkeeno maxkamadda caddaaladda.

“Fikirkayga shakhsiyeed maxkamaddu waxay beddeli doontaa qaabka aynu ula dhaqano kuwa gooni-isu-taagaya mustaqbalka, haddii maxkamaddu go’aanka ugu dhawaaqdo Kosovo, waxay furaysaa in dalal cusubi soo baxaan,” ayuu idhi Mr. James.

Maxkamadda Caddaladda Adduunka waxa la aasaasay sannadkii 1922-kii, waxaana sameynteeda ku heshiiyey dalalkii xubnaha ka ahaa Qaramada Midoobay oo waqtigaasi loo yaqaanay League of Nations

Jamhuuriyayaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-29606887040712899952010-07-22T06:40:00.000-07:002010-07-22T06:41:06.849-07:00Duuliyeyaashii Shisheeye iyo Kuwii Somalida ee ka Qayb Qaatay Duqayntii Cirka ee Somaliland

Taariikhdu waxbay hagtaa, dadkuna wuu haybiyaa......Dhacdo kasta oo dunida ka dhacdaa raad ayey ka tagtaa, siiba dhacdooyinka murgada leh ee ay ka mid yihiin Xasuuqa iyo dil wadareedka lagu bartilmaamaysto Isir iyo Qoomiyad gaara oo aan waxba galabsan. sida caadiga ah wax kasta oo la qariyaa ma qarsoomaan, wakhti kasta ha qaadatee wax badan ayaa la ogaadaa marka muddo ka soo wareegto. Waxa jira Hadal Murtiyeed uu yidhi abwaan Abdi-Gahayr oo iminka lagu maahmaaho, kaas oo ah*Cuqub halkii lagu galay ayey Caw Ku hurudaa* Dulucda Murtidu xambaarsantahay ayaa ah Danbi kasta halkii lagu galay ayaa laga Ogyey, cid kasta oo gashayna waa la ogyey ama waa la ogaan-doonaa. Waxa aan xasuutaa muddo iminka ku dhaw labo sano ayaa xaflad soo dhaweyn ah lagu qabtay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland, Xafladaa ayaa lagu maamuusay oo lagu soo dhaweeye Duuliye Soomaaliyeed oo diiday in duqeeyo Hargeysa iyo Hareeraheeda oo markaas ay wadhnaayeen Shacab diifaysan oo ka sii qaxaayey dagaalkii ka socda Magaalada. Duuliyaha ayaa hubkii uu dayaarada ku siday ku daadiyey Badda, Dayaaradiina fadhiisiyey Jabuuti. Duuliyahaa Soo dhaweynta iyo Xafladaha ay taariikhdu ku xustay, waxa ka dhaw oo iyana ay taariikhdu maanta xusaysaa Duuliyeyaashii Soomaaliyeed iyo kuwii Shisheeye ee sida Axmaqnimada ah ugu garaacay Bambooyinka iyo hubka culus Maatadii iyo Caruurtii qaxaysay, kuwaas oo Magacyadoodii iyo meelaha ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen aan ku bayaamindoono Qoraalkan badhtankiisa iyo Gabogabadiisa-ba.

Sooyaalka Taariikheed ee ka waramaaya colaadii bahalnimada ahayd iyo Xasuuqii Isirnimo ee Kacaankii Dhiig yacabka ahh uu ka gaystay Gayiga somaliland maaha mid hal qormo lagu soo koobi-karaayo. Haddaba waxa aan qormadan ku soo qaadanaynaa maanta Kaalintii Ciidankii Cirka ee Somalia iyo Calooshood u Shaqaystayaashii Shisheeyaha ahaa ay ka qaateen Duqayntii cirka ee lagu Burburiye Somaliland.

Sanadkii-1983...Dowlada Imaaraadku *UAE* waxay Somalia deeq ahaan u siisay 14 Dayuuradood oo noocoodo kala ahaa:10 dayaaradood oo ahaa Hunters iyo 4 dayaaradood oo ahaa nooca loo yaqaano Islander. Ciidankii cirka ee Somalia wuxuu u baahday khubaro aqoon u leh dayaaradaha dagaalka ee Hunters-ka, kuwaas oo la doonaayey in ay tababar siiyaan saraakiil Soomaliya. Ganacsade La yidhaado Jama Guuleed Abdi (Jama Buluug) oo Xigto hoose yihiin Ahmed Saleebaan Dafle, si gaarana ugu xidhnaa Siyaad Bare iyo inta ka ag dhow ayaa hawshii keenida khubarada Hunters-ka loo xilsaaray. Mr. Jama-Buluug oo Xaruntiisu Nairobi ahayd waxa uu qandaraas Naas-nuujin ah ku helay dabayaaqadii 1982 Keenista Shiidaalka Dayaaradaha yar-yar ee noocoodu yahay*Seimarcceti super petrol nooca Avion-cento ottoni* Waxa kale oo Qandaraas lagu siiyey Jama-Buluug in South Africa iyo Zimbawi ka soo kireeyo 4 Duuliyeyaal iyo 4 Farsamoyaqaan oo ku shaqeeya qaab calooshood-u-shaqaystenimo ah, ku darso oo waliba waxa South Africa wakhtigaa Gacnta ku hayey Xukunkii Cunsuriga ahaa ee la odhan jiray Aparthied. Jama-Buluug oo qaab musuq ah ugu milmay Taliskii Ciidankii Cirka ayaa xafiis ka furtay saldhigii dayaaradaha ee Balidoogle oo u dhawaa Baydhabo, halkaas waxa laga abaabulay tababarkii ugu horeeyey ee Caddaankii South Africa laga keenay ay u fureen Saraakiishii kala ahaa:

Gaashaanle Sare: Duuliye Ali Ibrahim Ahmed.....Banaadiri.

Gaashaanle:Duulie Mohamed Warsame Mooto....Dhulbahante.

Gaashaanle: Duuliye Maxamuud Mad Khaliif.....Raxanweyn.

Sida ku cad warqad ka soo baxday taliskii Ciidankii Cirka, waxa Sherkedii Jama-Buluug loo hormariyey Mushaharkii Calooshood-u-shaqaysteyaasha oo dhamaa 600,000 US Dollor. lacagtaas waxa lagu shubay Account-kii Sherkeda Jama-Buluug oo la odhan jiray Dhoodi-Meer LTD COMPANY oo ku taalay London. Dhoodi-Meer waa magacii Faraskii Sayid Mohamed Cabdille Hassan. Isticmaalka Magaca Dhoodimeer waxa uu ka turjumayaa Qabyaaladii qaawanayd iyo isla weynidii dalka jirtay sebenkaas.

Accountkii Dhoodi-Meer ee lacagta lagu shubi jiray waa kan hoos ku qaran...

Dhoodi-Meer LTD COMPANY

Account Number 140/1/02494515

National Westminster Bank

1-4 BERKELEY SQUARE HOUSE

BERKELEY SQUARE

LONDON W1X 6AX

UNITED KINGDOM

Taliskii Siyaad Bare bilowgii hore ee dagaalka, wuxuu Caalamka ka qariyey isla markaana si qayxan u dafiray in uu dagaal kula jiro Jabhadii SNM. Wuxuu isku deyey in uu ka hortago wax kasta oo beentaa qaawan ka shifaaya. Gaashaanle Sare Duuliye Faarax Siciid (Majeerteen) oo ahaa taliyihii ciidanka cirka ee Hargeysa iyo Gaashaanle sare Mohamed Adan Dirir (Mareexaan) oo isna ahaa Taliyihii Ciidanka cirka ee Berbera ayaa ku dalbaday Duuliyayaashii dayaaradaha Mig 17 iyo Mig 19 in ay duqeeyaan oo si culus u Bamgareeyaan dad iyo wixii ay arkaan, si ay u horjoogsadaan Qaxoontiga ku sii qulqulaaya dhinca Xadka Ethiopia. Ujeedada Siyaad Bare waxay ahayd in uu Dunida ka qariyo xaqiiqda jiritaanka ee dagaalka.

Gaashaanle Sare Farah Siciid (Majeerteen) Taliyihii ciidanka cirka ee Hargeysa oo isagu ahaa ninkii gacanta ku hayey hawlgelinta Dayaaradaha ayaa markii hawshii ku balaadhatay u habarwacday taliyeyaashii saldhigyada ciidanka cirka ugu waa-weynaa ee ku yaalay Ballidoogle iyo Baydhabo.

Gaashaanle Sare Duuliye khaliif Ciise Yuusuf /Majeerteen) taliyihii ciidanka Cirka ee Ballidoogle oo hogaaminaaya Raxan dayaaradaha noocoodu yahay Mig 17 & Mig 19 iyo Gaashaanle sare Duuliye Ali Ibrahim Ahmed (Banaadiri) taliyihii ciidanka cirka ee Baydhabo oo isna horkacaaya raxan dayaaradaha loo yaqaan Hunters ayaa si deg-deg ah uga soo deg Garoonka Hargeysa, kuna biiray hawlgalkii duqaynta ahaa ee hore u socday.

Ciidankii hore ee dagaalka waday oo ku sugnaa welwel iyo walbahaar ayaa markay arkeen ama ka war heleen Gurmadka Dayaaradaha ah niyadoodii si la yaab leh kor ugu kacday, waxaanay aamineen in iminka ay Jabhada SNM Cagta maridoonaan. waxa la abaabulay duulaan cir iyo dhul ah oo lagu qaado goobihii dadka shacabka ahi u qaxeen iyo meelihii ay ku tuhmaayeen dagaalyahanada SNM, waxa markiiba sahan loo diray dayaaradaha CESNA oo ay wadeen duulliyeyaasha kala ahaa:

1-Duuliye Ahmed Mohamed MaHamoud (Mareexaan)

2-Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani)

3-Faarax Xaaji Salaad (Majeerteen)

4-Yuusuf Juseeb (Majeerteen)

5-Xasan Yare.....(Ogaadeen)

Sahankii ka dib waxa la qaaday weerarkii lagu doonaayey in lagu soo afjaro halgankii SNM., Duqayntii cirka iyo dhulkaba waxa ay si xidhiidha oo aan kal-g'olahayn habeen iyo maalinba u socotay muddo dhowr bilood ah. Gaashaanle Sare Duuliye Yuusuf Maxamed Maxamoud *Yuusuf yare (Majeerteen) oo waday Mig 17 waxa uu duqeeyey goob kasta oo uu ku arkay Bidhaan dad iyo duunyo, Xataa Xoolaha nool ee Miyaga daaqaaya muu dhaafi jirin. ninkaas oo Gacan-ku-dhiigle Moorgan ku abaal mariyey lacag faro badan iyo Gaadhi *Landcruiser* ah waxa loo aqoonsaday in uu yahay Sarkaalkii Kaalinta kowaad ka qaatay Burburkii dhinaca cirka ee loo gaystay Somaliland iyo Shacabkeedii.

Gaashaanle dhexe Duuliye Maxamud Xaaji Warsame *Mooto* (Dhulbahante) ayaa isna qaatay kaalinta labaad ee duqayntii dhinaca Cirka. Kaalinta seddexaad waxa qaatay Gaashaanle Sare Duuliye Mursal Muufo (Hawiye..Abgaal). Mursal waxa uu ku duuli jiray Mig 19.

Guud ahaan Xasuuqii Ciidankii Cirka ee Somalia ay ka fuliyeen Gayiga Somaliland waxa ka qayb qaatay Saraakiishan hoos ku qoran.....

1-G/sare Khaliif Ciise Yuusuf (Majeerteen) Taliyihii Ciidankii Cirka ee Balidoogle.

2-G/sare Faarax Siciid(Majeerteen) Taliyihii Ciidankii Cirka ee Hargeysa.

3-G/sare Maxamed Adan Dirir (Mareexaan)Taliyihii Ciidankii Cirka ee Berbera.

4-G/sare Yuusuf Maxamud Maxamed (Majeerteen)....Duuliye Mig 17.

5-G/sare Mursal Xaaji Axmed *Muufo*( Abgaal)........Duuliye Mig 19.

6-G/sare Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)............Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo dhacday....Cilad-farsamo

7-G/sare Xuseen Aadan Ibrahim (Samaroon)............Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaaya oo SNM soo riday

8-G/sare Ahmed Gurxan Hoori (Ogadeen).............Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday

9-G/sare Maxamed Axmed Xaayow(Abgaal)................Duuliye Mig 19, ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo dhacday.....Cilad-farsamo

10-G/sare Xirsi Maxamed Faarax (Mareexaan).............Duuliye Mig 19

11-G/dhexe Cadulaahi Xaaji (Ogaadeen) Taliye-ku-xigeenkii Salidhiga Baydhabo.

12-G/dhexe Maxamud Xaaji Warsame (Dhulbahante)......Duuliye Hunter.

13-G/dhexe Moxamed Khaliif Isaaq (Raxanweyn)............Duuliye Hunter, ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday.

Jabkii baahsanaa ee ciidankii cirka ka qabsaday dagaalkii ay la galeen Jabhadii SNM, ka sokow waxa Fadeexad iyo ceeb weyni dusha ka fuushay Ciidankii Cirka oo la ogaaday in magac mooyee aanay Aqoon durugsan iyo khibrad toona u lahayn dayaaradaha dagaalka, waxa la ogaaday xataa in ay ku fashileen oo awoodi kari waayeen in ay horjoogsadaan oo dib u celiyaan Shacbkii aan hubaysnayn ee Xadka Itoobiya u qaxaayey.

Wajigii labaad ee Duqaynta dhinca Cirka oo ahaa Kaalintii Shisheeyaha Calooshood u Shaqaystayaasha ayaa furmay, kadib markii Duuliyeyaashii Soomaalidu ku fashilmeen dagaalkii. Jama-Buluug oo Hawshaa u xilsaaraa ayaa si deg-deg ah uga keenay Calooshood-u-shaqaystayaal ka koobnaa (Duuliyeyaal, Farsamo-yaqaano iyo hal dhakhtar) oo dalka lagu soo galiyey qaab dalxiisteyaal. waxa la dajiyey Guri dabaq ah oo ku yaal Degmada Hodan Xaafada Taleex (Tel. 81878) oo uu lahaa Cabdulaahi Cumar Ismaaciil*Casaro* ( Majeerteen). Waxa kale oo jirtay Haweeyne Ragga Calooshood-u-shaqaystayaasha ah la socotay oo la odhan jiray Aggie Robanson oo Duuliye ka ahayd Dayaarada Jama-Buluug lahaa oo nooceedu ahaa CESNA laba Mator-lay oo TAXI ahaan ugu kala gooshi jirtay Mogdisho iyo Nairobi, kuna duuli jirtay Baaq Afgasho...*flight code: five young alpha young* Dayaaradaasi waxa ay qaabilsananayd daabulka Khamriga iyo Hilibka Doofaarka. Calooshood u Shaqaystayaashii laga soo kiraystay South Africa iyo Zimbawi waxa ka mid ahaa lixdan danbiile ee hoos ku qoran.

1- J.R. Blythe Wood......Pilot.

2- M. Shegnuller...........Pilot.

3- D.R Jakson.............. Chie Engineer.

4- K.Jonnes................. Engines.

5- C.D Balfour...............Armaments.

6- J.D. Hurrel................Airframes.

Waxa Saraakiishii Ciidanka Cirku qaarkood cadeeyeen in tirada Calooshood u shaqaystayaashu intaa ka badnayd oo la isku bedbedelijiray. Calooshood u shaqaystayaashu marka ay hawda ku jiraan ee wax duqaynayaan waxay Isticmaali jireen Code Names ahaa Jama iyo Diini.

Inkasta oo Calooshood u shaqaystayaashii Shisheeye ay dad shacab ah Gumaadeen Hanti badan burburiyeen haddan aakhirkii lafahoodii ayey u baqeen oo wey soo carareen. Duuliye Blythe Wood inta uu xakamaha u jaray dayaaradii uu watay ayuu isna Baarashuud ama Dallad kaga booday, Dayaaradiin-na waxay ay ku dhacday meel la yidhaahdo Dallandoolle oo katirsan Degmada Buur-xakabo. Jama iyo Diini mar la weydiiyey in ay ku noqonayaan dagaalkii, waxa ay ku jawaabeen hadal la macno ah Murtida tidhaahda. *Adiguba Caqlaad leedahee Carar Maxaa Dhaama* ........ Dhamaad.

Macloomaadka ay Xambaarsantahay War-bixintani Qayb waxaan ka soo xigtay Buugga la yidhaahdo Sababihii Burburkii Somalia oo uu qoray Qoraaga Magaciisu yahay Cabdiqaadir Oromo, Qaybta kalen

waxa ku deeqay Shakhsiyaada-ka hoos ku qoran.

1-Duuliye Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani)

2-Idiris Shide oo ahaa gacan yarihii Jama-buluug ee hayey xafiiskii Ballidoogle.

3- Xisaabiyihii Sherkedii Dhoodi-Meer ee Nairobi Fadhiyey 1980-tamaadkii.

4-Xoghayihii Taliyihii Ciidanka Cirka: Sare/Guuto...Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi-Caluq).

By Osman Abdillahi Sool- Free Journalistyaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-55889660570514988682010-07-20T00:28:00.000-07:002010-07-20T00:29:16.959-07:00Dawladaha Ethiopia Iyo Uganda Oo Isku Raacay In Dagaal Lagu Qaado Kooxda Al-shabaab Ee Somaliya

Kampala, July 19, 2010 (W.Wararka)-dawldaha Ethiopia iyo Uganda ayaa ku dhawaaqay in dagaal lagu qaado kooxda Alshabaab, iyagoo sheegay in aanu jirin xal kale oo loola tagi karo kooxdaasi.

Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia, Meles Zenawi, waxa uu sheegay in xalka keliya ee Al Shabaab uu yahay in la tirtiro oo saaxada caalamka laga baabi’iyo.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii lala beegsaday dad shacab ah oo Axaddii la soo dhaafay ka dhacay Caasimada wadanka Uganda ee Kampala, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 76 qof, halka 80-kalena ay ku dhaawacmeen.

“Ma jirto wax rajo ah oo laga qabo in waan-waan iyo wadahadal lala galo kooxdan (Alshabaab), ma jiro xal kale, Waa in laga shaqeeyaa siddii kooxdan looga tirtiri lahaa saaxada caalamka” ayuu yidhi Ra’isal wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi mar uu saraakiil ka tirsan QM kala qeybgalayey shir lagaga hadlayey isbedelka cimilida oo ka dhacayey New York maalintii Khamiistii toddobaadkii ina dhaafay.

Waxa uu sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia uu cambaareeyay dawlada Eritria oo uu ku eedeyey inay taageerto kooxda Al Shabaab isagoo dawlada Asmara ku sheegay inay la mid tahay Al Shabaab waxbana aanay is dhaamin.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Musaveni ayaa ururka midowga Afrika ka dalbaday inay u ogolaadaan Ciidankiisa in ururka Al Shabaab ay ku weerareen Magaalada Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay Magaalada Kampala ee Xarunta wadanka Uganda Yoweri Musaveni ayaa waxa uu ka codsaday ururka Midowga Afrika in ay sharciga u bedelaan ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho si ay u weeraraan fadhiisimaha Al Shabaab ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Uganda,Yoweri Moseveni,Waxa uu intaasi ku daray in fursad la siiyo ciidamada AMISOM weerarka ay ku qaadaan xoogaga hubaysan ay jaanis u tahay in Magaalada Muqdisho ciidamadaasi ku soo celiyaan amniga islamarkaana ay ka saaraan xoogaga sida weyn ula dagaalamaya dawladda ku meel gaadhka ah Somaliya.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Moseveni ayaa waxa uu intaasi ku daray in haatan ciidanka Uganda ay ku egyihiin oo kaliya madaarka, Dekedda, xarunta Madaxtooyada iyo fadhiisimo kale oo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, hadii loo ogolaado inay weerar tagaan ay fursad u tahay inay baabi’iyaan kooxda AlShabaab.

Ugu dambeyntii waxa uu madaxweynaha Uganda ku celceliyay inay doonayaan inay adkeeyeen amaanka dalka Uganda, islamarkaana ay AL Shababa kula dagaalamaan meel kasta oo Caalamka ay ka joogaan, isagoo intaasi ku daray in goob walba ay ku beegsan doonaan.

Si kastaba ha ahaatee haldalka madaxweyne Yoweri Moseveni ayaa waxa uu ku soo beegamayaa xili dawlada Uganda khamiistii toddobaadkii ina dhaaftay sheegtay inay diyaar u tahay dirista ciidamo nabad illaalineed oo dheeraad ah kaddib markii xubnaha IGAD ay go’aan ku gaadheen inay ciidamo dheeraad ah oo gaadhaya 2000 askari loo diro Somaliya badhtamaha bisha August ee sanadkan, kuwaas oo haddii la geeyo Somaliya ka dhigaya tirada ciidamada AMISOM ee Somaliya haatan jooga 8100 oo markaas noqoneysa tiradii markii hore la dalbaday in la geeyo Soomaaliya, awoodna u yeelan kara wax ka qabashada kooxaha argagaxisada ah ee Alshabaab ka mid tahay ee halista ku haya ammaanka iyo nolosha dalka Somaliya.“Ma Jirto Wax Rajo Ah Oo Laga Qabo In Waan-Waan Iyo Wadahadal Lala Galo Alshabaab” Meles Zenawiyaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-31124386850857309732010-07-19T08:20:00.000-07:002010-07-19T08:21:10.570-07:00Waxa waajib ah inaynu aqoonsano inaanay weligeed Somalia mar dambe midoobi karaynJul 19, 2010 at 10:07 AM

Warbixin - Aqoonyahano Maraykan ahWashington,(Qaran News)- Aqoonyahano Ameerikaan ah oo dhawaanahanba ka faaloonayay xaaladdaha Soomaaliya, ayaa afkaaro kala duwan u soo jeedinaya dawladooda iyo caalamkaba, isla markaana maqaal cinwaan looga dhigay ‘Maxaynu Somalia ka qaban karnaa’ oo lagu faafiyay shabkad Interet-ka ay ku leeyihiin, ayaa si adag ay talo ahaan ugu soo bandhigeen inaanu xalka Soaomaaliya ahayn ciidamo la geeyo, balse uu yahay in la aqoonsado Somaliland.

Maqaalkaas oo dheeraa waxa lagu bilaabayaa su’aasha ‘Maxaynu u qaban karnaa Somalia?’ “Ka hor intaynaan ka jawaabin su’aashaas, waa inaynu dib u eegnaa waxaynu ka naqaano, taasina waa Istaraatiijiyada maanta lagu shaqeeyo,” ayaa ka mid ahaa qoraalka maqaalkaas. “Xilligan xaadirka ah Qaramada Midoobay, Midawga Afrika iyo Dawladda reer galbeedku taageeraan ee itaalka daran ayaa jooga, balse Al-Shabaab ayaa maamusha inta badan badhtamaha koonfureed ee Somalia.” “Dabadeedna shaki kuma jiro inay Al-Shabaab sii wadayaan qabashada dhulal kale. Joogitaanka ciidamo ajaanib ahina waxay inbadan oo Soomaali ah xusuusinaysaa xilligii ay Itoobiyaanku Maxkamadihii Islaamiga ahaa meesha ka saareen 2006-dii. Markii ay Itoobiyaanku baxeen 2009, ayaa joogitaanka ciidamada Midawga Afrikaanku waxay u muuqdaan uun inay saamaxeen in Al-Shabaab ku guulaysatay qabsashada meelo badan oo kale.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaas.

Qoraalku waxa uu sheegay in marka ugu horaysa la ilaawo waxa loogu yeedho midnimadii Somalia, isla markaana mashkilada ugu wayni ka imanayso ciidamo shisheeye oo dalkaa la geeyo. Hase ahaatee, waxa uu qoraalku ku taliyay in laba arrimood lagu ekaado. “In la taageero xoogag muwaadiniin ah oo ka horjeeda Al-Shabaab, isla markaana si adag loo xakameeyo wax taageero ah oo dibadaha uga yimaada Al-shabaab. Waxaynu sidoo kale soo saaraynaa digniin Al-Shabaab uga digaysa gardarro ay kula kacaan dalalka kale, taasoo ay kala kulmayaan talaabooyin adag, taasoo ku qancin karta inaanay kooxddaasi hawlgallo ku deyin wixii Somalia ka baxsan.”

“Marka ugu horaysa waxa waajib ah inaynu aqoonsano xaqiiqda ah inaanay weligeed Somalia mar dambe midoobi karayn tan iyo xilligii uu dhacay nidaamkii Siyaad Barré 1991-kii. Haddaba, waa inaynu taageernaa dawladda keliya ee xasiloon ee dalka (Somalia) ka jirta, taasoo aan wax taageero ah haynin, waana Somaliland, waa jamhuuriyad xor ah oo si xidhiidh ah dimuquraadiyad ilaa xad aanay inta badan dalalka islaamka ah ee adduunku haysanin. Somaliland waxay leedahay 60,000 oo ciidamo adag ah oo ka soo horjeesanaya Al-Shabaab. Aqoonsi buuxa oo ay Somaliland heshaa oo lagu kabo caawimo adag oo dawlad ahaan iyo millateri ahaanba loogu deeqaa waxay ka dhignaanaysaa xoog adag oo lagaga horjeedo Al-Shabaab, taasoo si muhiimad leh u leexinaysa dareemadoodii waditaanka Jihaad caalamiya.” Ayuu yidhi qoraalkaasi oo intaa ku sii daray, “Isbedellada noocaas ahi siyaasiyan xataa hadii aan lagu cidhib-tirin Al-Shabaab, waxay ugu yaraan caawimo ka geysanaysaa xakamaynta khatarihii gobolka ku soo jihaysnaa.”

Ogaalyaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-33835543096753825812010-07-17T11:14:00.000-07:002010-07-17T11:16:42.918-07:00July 17, 2010 Madaxweyne Siilaanyo iyo John Marshal oo manta kulan ku yeeshay Hotelka Maan-soor ee Hargysa

Hargeysa(Waaheen)Madaxweynaha cusub ee la doortay ee dhawaan xilka la wareegaya Axmed Siilaanyo ayaa manta kulan kula yeeshay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa Safiir ku xigeenka Dalka Ingiriiska u fadhiya Addis-ababa John Marshal

Kulanka labada masuul ilaa hada wax war ah lagama soo saarin balse warar ku dhaw dhaw kulankaasi ayaa sheegay inay qayb ka ahayd wadahadalkooda xil-wareejinta la filayo 27 ka bisha july inay Qasriga Madaxtooyada ka dhacdo iyo arrimo kale oo la xidhiidha xaalada Amni ee Mandaqada iyadoo maalin ka hor uun ay Siilaanyo kulan ku wada yeesheen Gurigiisa Saraakiil ka socotay Sirdoonka Dalka Ingiriiska

Safiir ku xigeenka Ingiriiska ee Safaarada Addis-ababa ayaa la filayaa inuu beri la kulmo Madaxweynaha hada talada sii hay ee xilka Wareejinaya ka hor intaanu Dalka ka ambabixin si dhiniciisana ay uga wada hadlaan dhamaystirka kala wareejinta xilka

John Marshal ayaa ah masuulka EU da u qaabilsanaa arrimaha siyaasad Somaliland gaar ahaan dhinaca Doorashooyinka oo uu qabsoomideeda saamayn badan ku lahaa isagoo Sadexdii Musharax ee u tartamay goob joog ka ahaa heshiiskii ay beesha Caalamku ku dhexdhexaadisay waxaana la filayaa inuu munaasibada xil-wareejintana goob joog ka noqon doonoyaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-10796215944729633812010-07-15T13:23:00.001-07:002010-07-15T13:23:58.847-07:00

Haatufka Maanta

Waxa la sheegayaa Boqolaal dad ah oo ka imanaya Somalia kuna soo socda Hargeysa iyagoo sita Calankii Buluuga ahaa ee Somaliland lagu Gumaaday. Dadkan oo ku marmarsoonaya ka qayb galka Xaflad gaar ah oo lagu sharfayo mahadnaqna loogu jeedinayo shakhsiyaad tiradoodu gaadhayso ilaa Laba kun oo Qof oo ka mid ah taageerayaashii xisbiga Kulmiye iyo marti sharaf kale, waxaanay iska dhaadhiciyeen oo ay filayaan inay dadka reer Somaliland ku Beerla-xawsan karaan Hargeysa oo Soomaali oo dhan Caasimad looga dhigo, kutalagalka sheekada ay ku imanayaana waxa weeyi Soomaali-Qaldaanka haddii farxada aynu u raacino oo aynu ku nidhaa idinkaa Soomaali u talinaya wax yar oo baroordiiqana maqashiino,

Source HAATUF

yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-35329272961753153662010-07-14T23:47:00.000-07:002010-07-14T23:47:32.038-07:00

Caravans in het water door noodweer: een dode

(Novum) - Door het noodweer is woensdagavond op een camping in het Gelderse Vethuizen een persoon om het leven gekomen. Acht mensen raakten gewond, waarvan vier ernstig, toen tien caravans in en over de Kemperplas werden geblazen. Een onbekend aantal mensen liep lichte verwondingen op, meldt de politie.

Het noodweer raasde rond 18.30 uur over de minicamping Kempersplas aan de Hoge Veldweg. Enkele caravans waaiden over de plas, anderen kwamen in het water terecht. Het is onduidelijk of mensen in de caravans zaten toen ze weggeblazen werden. De identiteit van de dode is niet bekend.

De hulpdiensten zijn uitgerukt, maar konden aanvankelijk moeilijk ter plaatse komen omdat omgewaaide bomen op de weg lagen. Ook was een hoogspanningsmast omgewaaid.

De gemeente Montferland heeft de overige campinggasten opgevangen. Om 23.00 uur waren er geen mensen meer vermist. Er is een crisisteam ingericht.

yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0tag:blogger.com,1999:blog-8647459589938825535.post-64652480493514894572010-07-13T02:11:00.000-07:002010-07-13T02:11:41.370-07:00Nalson mandela iyo Goobka aduunka

Somaliland: 2010-Ka iyo koobka aduunka ee lagu qabtay Koonfur-Afrika oo uu dalka Isbaanishku hal gool kaga badiyay dalka Holland, kuna qaaday Koobkii aduunka ee 2010-ka.

Guusha Nelson Mandela u soo hooyay dalkiisa waxa ugu danbaysay Koobka kubada cagta ee aduunka, oo uu loolan u galay sidii loogu qaban lahaa dalkiisa. Taasoo suurtagal u noqotay. Kana dhigtay markii u horaysay ee qaarada Afrika lagu qabto koobka kubada cagta ee aduunka! Waxa tartan adag ka dib koobka dahabka ah ee kubada cagta maanta qaaday dalka la yidhaa Isbaanishka

Source WAAYEELNEWS.yaldo onlinehttp://www.blogger.com/profile/02874856738631692986noreply@blogger.com0