Dhanxiir iyo Ingiriiska
Maansha Allaah; Alleylehe, reer Ingiriis sabbankaa maanta ah si fiican bay Land-ta u caashaqsan yihiin, kaalay arag sida hadalkoodii inoogu batay ee markay Afrika ka hadlayaab afku Somaliland uga xaddayo, haddana tusaale ayeyba inaga dhigteen oo waxay meel kasta la taagan yihiin ‘Casharo halaga barto nabadda iyo dimuqraadiyadooda.’ Aqoonsigu wuu iska iman marka carrabkoodu inagu bato.
Weger; Adeer, caashaqa iyo calaamatul shirqoolka ma kala taqaanide afkaaga maad iska haysan, miyaanad ogayn in beryahan dambe lala soo baxay waxa loogu yeedho gobolo-gobolaynta iyo mashruuca isku tolida Soomaaliweyn, goormay Somaliland la meeqaam noqotay Galdumug iyo wax kale oo aan la garanayn, nin baa laga hayey ‘Haddii aan gobtaa laga guurin Gorayo heeryeysana way nagaga soo bixi.’ Imika haddii aan shirqooladda socda la iska waabin hadhawbaa farta dhexda laga qaniini.
yaldo online
donderdag 17 februari 2011
woensdag 20 oktober 2010
Posted by Maxamud Qorshaha Isbaddelka Boqolka Cisho ee Somaliland lagu Dumin Karayo
Wednesday, October 20th, 2010
Farriinta xukuumadda cusubi ay sheegaysaa mid Siyaasad lagu wadi karo maahee waa xafiis sida loo maamulo
A.A. Garas
Xukuumadda cusub ee madaxweyne Siilaanyo ee boqolka cisho baarka ka goynaysa waxa ay ummaddu u sheegtay farriin ay ugu yeedheen “Isbaddelka 100 Cisho”ee ugu horeya laga dareemayo, lama fahmin iyana ma faahfaahin nooca isbaddelka ee boqolka cisho ay samaynayaan ka uu noqonayo ma mid horumaraa mise waa mid dib u dhac ah. Waxase loo qaatay in ay sameynayaan isbaddel horumarineed, waanay fiican tahay in dadku ay had iyo jeer u fakiraan sida wanaagsan, laakiin, marka loo fiirsado dhadhanka kalmaddan ay ku baaqeen iyo tallaabooyinka soo baxay mudadii ay maamulka gacanta ku hayeen.

dinsdag 7 september 2010
WAR DEG DEG AH
September 07, 2010 War Deg-dega:- Golaha Guurtida Oo Mudo Kordhin U Samayeey Doorashooyinkii Golayaasha
Hargaysa (Waaheen)-Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa kal-fadhi aan caaddi ahayn oo ay maanta ku yeeshay Wasaarada Arrimaha Guddaha JSL Fadhigan maanta ee Aqalka Odayaasha oo uu Guddoominayay Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, kulan kan oo ay kaga arrinsanayeen waxa ay ka yeelayaan muddo kordhin Madaxweyne Siilaanyo uu kaga dalbaday in ay u sameeyaan Golayaasha Baarlamaanka “ Wakiiladda iyo Guurtida” iyo Golayaasha Deegaanka oo qaarkoodana hore wakhtigii la doortay uga dhamaaday qaarkoodna uu bishan ka dhacayo.
Hadaba doodo iyo falanqayn ka dib waxay mudanayaashu u codeeyeen mudo kordhinta golayaasha waxay u dhacday sidan.
1.Aqalka Baarlamaanka waxaa mudadii xilka loo kordhiyey 2 sano iyo 8 bilood (Laba Sano iyo sided bilood.
2.Golaha Guurtida ayaa iyagana xilkii loo kordhiyey 3 sano iyo 8 bilood (Saddex Sano iyo Sideed bilood)
3.Halka iyagana sidoo kale Golaha deegaanka loo kordhiyay muddo 1 sano iyo Badh ah.

vrijdag 3 september 2010
Dhanxiir iyo dib u eegida heshiisyada caalamiga ah
Maansha Allaah; Alleylehe, xukuumaddii Siilaanyo lexejeclo ayey la soo baxday, kol hadday durba shaacisay inay mugdiga ka saari doonto heshiisyadii danaha gaarka ah ku salaysnaa ee Aw Rayaale iyo yeydiisii yaryarayd faylasha ka buuxiyeen, TOTAL-shii dhiigga innaga jaqdayna wasiirul-maaliyihii baa lalkulaytarkiisii daba qaatay oo sannadkaa maanta ah waaba loo yaabaa.
Weger; Adeer, horta waa Illaahay mahaddii haddii reer KULMIYE lexejeclo qabaane, heshiisyadii hore haba ka biyo-diidaane kuwa iyagu ay geliyaan iyo maxjarka Abu Yaasirkan Somaliland-diidka ah ee Siilaanyo saxeexay khadka lexejeclada miyey ka baxsan yihiin, mise tallow odayga oo aan isgoyn ayey niman tolka ahi ka saxeexeen.Safiirka Itiibiya u fadhiya Soomaaliland oo Shhca ka qaaday Xidhiidhka ITOOBIYA iyo SOMALILAND
Hargeysa(Ramaas) Sept.02, 2010 - Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland General Besfe Taday, ayaa sheegay in xidhiidhka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo wada shaqaynta labada wadan ee Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu Safiirku caddeeyey in xidhiidhka laba dawadan ee Itoobiya iyo Somaliland uu ahaa mid soo jireen ah marba marka kadanbaysana uu sii xoogaysanaayey, isla markaana waxa uu ku dooday inuu u joogo Xafiiskiisa Hargeya sidii caadiga ahayd iyo hawl-maalmeedkiisa shaqoi.
maandag 30 augustus 2010
Qoraal-taarikheed ku Saabsan Dhacdadii Mucjisada ahayd ee 1983kii Miiska Saraakiisha Lagagala Baxay Marxuum Cabdillaahi Askar
“Markeliya ayey igu boobeen qoriga dabadiisa iyo caaradiisa, waxay igu garaaceen kabahii waaweynaa ee ay xidhnaayeen, daqiiqado gudahoodna jidhkayga oo dhan dhiig ayaa ka dareerayey…. Qaddarka Ilaahay waa meeshiisa, laakiin anigu waxaan ahaa oo filanayay in jeelkan aan ka bixi doono, iyadoo aan ku kalsoonaa inaan leeyahay rag awood u leh inay naftooda u huraan badbaadintayda”
Mujaahid Cabdillaahi Askar oo ka warramayey xannuunkii jidh-dilka markii uu gacanta u galay taliskii nacabka ahaa ee Afweyne
Waxa diyaariyey Kaysar Cabdillaahi Maxamed, Bristol, UK.
Waxay ahayd dhammaadkii sannadkii 1982kii markii ay Itoobiya ka abuurmeen dhaqdhaqaaqii xaq-u-dirirka ahaa ururkii SNM. Waqtigaas waxa Itoobiya isugu yimi saraakiil door ah iyo siyaasiyiin debadaha ka yimi oo ujeeddadoodu ahayd sidii ay u bilaabi lahaayeen halgan lagaga hortago xukuumaddii halligantay ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa oo xasuuq iyo xumaato ku la dhaqmaysay shacbigii ku noolaa gobollada woqooyi xilligaas.
Si haddaba ururka SNM u helo taageero gudaha ah iyo mid debadda ahba, una muujiyo awooddiisa, waxa uu go’aansaday inuu hawlgallo millatari ka fuliyo dalka gudahiisa, waxana qorshayaasha dagaal ee laga fulinayo gudaha ay ujeeddadoodu ahayd naafaynta cadawga, argagax-gelinta dawladda iyo muujinta la muujinayay inaan ummadda gobollada woqooyi marnaba aanay raalli ka ahayn xasuuqa iyo xadgudubka ay xukuumaddii Siyaad Barre ku haysay shacbigeedii.

zaterdag 28 augustus 2010
Wakiilkii Itoobiya U Joogay Somaliland Oo Dalka Iskaga Baxay |
Written by Qaran News | |
Aug 28, 2010 at 11:01 AM | |
Hargysa,(Qaran News)- Warar rasmi ah oo aanu ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in safiirkii dalka Itoobiya Somaliland u joogay uu dalka ka baxay, wararka aanu helaynaa may noo xaqiijinin sababta rasmiga ah ee uu safiirkuu dalka uga baxay hase ahaatee ayaamahihii u danbeeyay waxa ay warbaahinta Somaliland qaarkeed soo bandhigayeen khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland kaasi oo la isku mari laa waxyaabahii la isku hayay. Wararka qaar ayaa sheegaaya in safiirka xaga Addis Ababa uu u tagay la tashi, taasi oo ay ka danbaysay markii madaxweyne Siilaanyo uu xafiiska Itoobiya ee Addis Ababa uu ku wargaliyay in ay la xidhiidhaan wasaarada arimaha gudaha oo ay ku xidhnaadaan xagaasi. Wararka kale ee aanu helaynaa waxa ay aad uga dayrinayaan xidhiidhka wacnaa ee u dhaxeey labada dal in uu sii xumaanaayo taasi oo arimaha la isku hayna ay ugu badantahay arimaha aminiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dal ee dhan walba leh. Siilaanyo ayaa dalka ugu yimid hal xafiis diblamaasiyadeed kaasi oo aad moodo in wada shaqayntiisuna ay sii damayso, waxa ay dadku rajaynayeen in uu Siilaanyo kaga faa'iidaysto doorashadii xorta ahayd ee uu ku yimid isla markaasina ay ahayd in la iibiyo qadiyada Somaliland si dalka looga saaro dhibka ka haysta aqoonsi laanta ku habsatay, hase ahaatee waxa aad moodaa in Siilaanyo uu ishii sii bidhiiqaysay uu isha ka sii ridaayo isaga oo aan xukunakaba fadhiyin wax badan. Sida ay doontaba ha ahaatee wax war ahi kama soo baxin xaga xukumada Somaliland iyo xaga Itoobiya toona oo ku saabsan socdaalka wakiilkii xafiiska ganacsiga ee Itoobiya uu uga baxay dalka mana jiraan warar rasmi ah oo qeexaaya bixitaanka wakiilkaasi oo ahaa wakiilka kaliya ee dal shisheeye ah oo Somaliland ku sugnaa hase, wararkaasi oo aanu ku daba jirnana waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararkeena kale. Dhanka kalena waxa dalka ku soo badanaaya qabyaalada iyo beelaysiga iyada oo ay jiraan shirar ay beelaha qaarkood ay si gooni gooni ah ugu qabsanyaan magaalooyin ka mid ah dalka oo ay ku jirto caasimadu. Beelahahaasi shirarka isugu imanaaya ama shirayba qaarkood ayaa ayaa siyaabo kala gadisan u dhigaaya kulamadooda xaga qaar ay ka cabnayaan habka uu Siilaanyo xukumadiisa u qaybiyay oo ay u arkayaan cadaalad daro iyo xaga beelo kalana ay kulamadooda iyo shirarkooda ku saleeyeen in xukumada Siilaanyo ay iska indho tirtay saami qaybsiga khayraadka dalka oo ay cid gaar ah ugu adeegayso xagii ay ahayd in ay ka dhabayso balan qaadkeedii ahaa suuqa xorta ah iyo tartanka xorta ah. Xaalada dalka ayaa hada ku socota mid u eeg tii horaantii sagaashamaadkii ee uu Siilaanyo odhan jiray dalka dawladi kama jirto, hadii aan si deg dega h aan dhabada loogu soo celin habkii dimuquraadiyadii iyo maamuus wanaagii Siilaanyo dalka loogu wareejiyayna waxa dhici doonta in dalku ku dhaco dib u dhac iyo maamul xumadii ugu waynayd ee abid soo marta, Siilaanyo iyo inta ku hareeraysan ee la talinaysana waxa la haboon in ay dalka ku hagaan dhabo toosan oo ka saaraan qabyaaladan inagu soo laabtay ee mudo laga raystay |
Abonneren op:
Posts (Atom)