maandag 17 mei 2010

iidamada qaranka

Ciidamo Ka Tirsan Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya Oo Dhaqdhaqaayo Milateri Ka Wada Hawdka Fog Ee Gobolka Sool Iyo Cabsi Soo Wejahaday Maleeshiyaad Somaliland Diid Ah Oo Isku Urursanaya Dharkeyn Geenyo.

Hargeysa(Ramaas) May15, 2010 - Ciidamo ka tirsan dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhaqdhaqaayo ciidan ka bilaabay deegaamo ka tirsan gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle oo ka mid ah goboladdii uu dhawaan madaxweyne Rayaale magacaabay.
Dhaqdhaqaayadan ay sameeyeen ciidamada Itoobiya iyo Somaliland ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu sugayo amaanka jiidaha xuduuda ah ee u dhaxaysa dalalka Ibtoobiya iyo Somaliland, gaar ahaan deegaamada ku teedsan dhinaca xuduuda ee ka ag dhow Buuhoodle, taas oo la sheegay in maalmihii u dambeeyey ay isku urursanayeen maleeshiyaan Somaliland diid ah, kuwaas oo doonaya inay carqaladeeyaan hawlaha doorashada iyo qaadashada kaadhadhka cusub.
Ciidamada qaranka ee Somaliland ee ku sugan jiida Gobolka Sool ayaa lagu soo waramayaa in ay shalay u dhaqaaqeen dhinaca galbeed ee Gobolka Sool, halkaas oo ay ka wadaan dhaqdhaqaayo xoog leh oo ay doonayaan in ay ku kala daadiyaan maleeshiyaad Somaliland diid ah oo isku urursanaya Tuulada lagu Magacaabo Dharkeyn Geenyo oo 80 Km Laascaanood u jirta Maleeshiyooyinkaa oo ka soo jeeda deegaanka Sool, isla markaana doonaya inay khalkhal geliyaan geedi socodka hawlaha doorashada Somaliland ee la filayo inay dalka ka dhacdo dhawaan.
Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Mudane Saleebaan Warsame Guuleed ayaa sheegay inay Ciidamadda Dalkam Itoobiya ay isku baahiyeen jiidaha Xuduudka ee ay labada Dal wadaagaan, si ay u adkeeyaan amaanka labada Dal oo wakhtigan ay ka jiraan Doorashooyin.
Wasiirka Gaashaan-dhigu waxa uu sheegay in ay wax caadiya tahay marka Doorashooyin ay jiraan in ciidamadu ay tagaan meelo kala duwan si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa deegaamadaa. Sidaa darteed saaka ay ciidamdoodu gaadheen Hawdka Fog ee Gobolka Sool, oo ay gaadhsiiyeen hawl-wadeenadii Komishanka iyo qalabkoodiiba, isla markaana inta ay hawsha Doorashooyinku socoto hawl-galkaasi ku jiri doonaan.
Dhinaca kale, maleeshiyaadka Somaliland diidka ah ee isku urursanaya deegamo ka tirsan gobolka Sool ayaa cabsi soo food saartay, ka dib markii ay ka war heleen dhaqdhaqaayada ay wadaan ciidanka Somaliland ee u darban inay dhirbaaxo kulul u geystaan cidii ka hortimaada hawlaha doorashada.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.

Yaldo mOnline

Geen opmerkingen:

Een reactie posten