dinsdag 7 september 2010

WAR DEG DEG AH

September 07, 2010 War Deg-dega:- Golaha Guurtida Oo Mudo Kordhin U Samayeey Doorashooyinkii Golayaasha
Hargaysa (Waaheen)-Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa kal-fadhi aan caaddi ahayn oo ay maanta ku yeeshay Wasaarada Arrimaha Guddaha JSL Fadhigan maanta ee Aqalka Odayaasha oo uu Guddoominayay Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, kulan kan oo ay kaga arrinsanayeen waxa ay ka yeelayaan muddo kordhin Madaxweyne Siilaanyo uu kaga dalbaday in ay u sameeyaan Golayaasha Baarlamaanka “ Wakiiladda iyo Guurtida” iyo Golayaasha Deegaanka oo qaarkoodana hore wakhtigii la doortay uga dhamaaday qaarkoodna uu bishan ka dhacayo.
Hadaba doodo iyo falanqayn ka dib waxay mudanayaashu u codeeyeen mudo kordhinta golayaasha waxay u dhacday sidan.

1.Aqalka Baarlamaanka waxaa mudadii xilka loo kordhiyey 2 sano iyo 8 bilood (Laba Sano iyo sided bilood.

2.Golaha Guurtida ayaa iyagana xilkii loo kordhiyey 3 sano iyo 8 bilood (Saddex Sano iyo Sideed bilood)

3.Halka iyagana sidoo kale Golaha deegaanka loo kordhiyay muddo 1 sano iyo Badh ah.

vrijdag 3 september 2010

Dhanxiir iyo dib u eegida heshiisyada caalamiga ah
Maansha Allaah; Alleylehe, xukuumaddii Siilaanyo lexejeclo ayey la soo baxday, kol hadday durba shaacisay inay mugdiga ka saari doonto heshiisyadii danaha gaarka ah ku salaysnaa ee Aw Rayaale iyo yeydiisii yaryarayd faylasha ka buuxiyeen, TOTAL-shii dhiigga innaga jaqdayna wasiirul-maaliyihii baa lalkulaytarkiisii daba qaatay oo sannadkaa maanta ah waaba loo yaabaa.
Weger; Adeer, horta waa Illaahay mahaddii haddii reer KULMIYE lexejeclo qabaane, heshiisyadii hore haba ka biyo-diidaane kuwa iyagu ay geliyaan iyo maxjarka Abu Yaasirkan Somaliland-diidka ah ee Siilaanyo saxeexay khadka lexejeclada miyey ka baxsan yihiin, mise tallow odayga oo aan isgoyn ayey niman tolka ahi ka saxeexeen.




Safiirka Itiibiya u fadhiya Soomaaliland oo Shhca ka qaaday Xidhiidhka ITOOBIYA iyo SOMALILAND

Hargeysa(Ramaas) Sept.02, 2010 - Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland General Besfe Taday, ayaa sheegay in xidhiidhka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo wada shaqaynta labada wadan ee Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu Safiirku caddeeyey in xidhiidhka laba dawadan ee Itoobiya iyo Somaliland uu ahaa mid soo jireen ah marba marka kadanbaysana uu sii xoogaysanaayey, isla markaana waxa uu ku dooday inuu u joogo Xafiiskiisa Hargeya sidii caadiga ahayd iyo hawl-maalmeedkiisa shaqoi.