woensdag 30 juni 2010

Wasiirka Daakhiliga Puntland iyo Ciidamo uu hogaaminaayo oo la wareegay Badhan.

Wasiirka Daakhiliga Puntland Iyo Ciidamo Uu Hogaaminayo Oo La Wareegay Xeradii Milatariga Ee Magaalada Badhan

“Qaybo Doorashadu Ka Dhacday Iyo Meelo Aanay Ka Dhicinba Way Jireen, Ilko Jiirna Wuu Joogaa Magaalada” Guddoomiyaha Badhan Maxamed Ibraahin Badmaax

Cabashooyin ka soo baxaya tirinta codadka doorashada

Cabashooyin ka soo baxay tirinta Codadka Doorashada iyo Komishanka iyo Axsaabta oo ka wada hadlaya

Hargeysa,(Qarannews)-Wararka ka soo baxaya tirinta Codadkii Doorashada ayaa sheegaya in xisbiyada qaarkood cabasho u gudbiyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka si wax looga qabto sanaadiiqda cabasahadu ka taagan tahay

maandag 28 juni 2010

Dabaal-degii Jabouti ee sanadka 33aad

Hargeysa -Wadanka Jabuuti ayaa maanta u dabaal degay sanadguuradiisii 33-aad kasoo wareegtay xiligii xoriyada uu qaatay 27.June.1977,waxaana xalay iyo maanta gudaha wadankaasi ka soconaayay damaashaad ay dhigayaan dadweynaha dalkaasi.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaacil Cumar Geelle ayaa ka hadlay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay guriga umada ee dalkaasi.
Wuxuu sheegay in Jamhuuriyada Jabuuti uu maanka ku hayo halyeeyadii u soo halgamay wadanka,isagoo ilaahay uga baryay intii ku dhimatay halganka xornimada in janada fardowso ka waraabiyo.

vrijdag 25 juni 2010

Khubaro reer Norway ah oo sheegay in qaadku dawo ka yahay Kansaerka

Khubaro reer Norwey ah oo sheegaya in Qaadka(Jaadka) uu dawo u yahay xanuunka Kansarka(Cancer)


Khubaro reer Norwey ah oo ay madax u tahay haweenay shahaadada PHD-da ka haysata daawada ayaa baadhitaan ay ku sameeyeen dheecaanka geedka qaadka ayaa waxay ku sheegtay inuu dilayo unugyada xanuunka Kansarka(Cancer Cells)

Qoraal dheer oo ay arinkaas kaga hadlayso oo ay ku soo qortay jaraa'idka "På Høyden" oo ka soo baxa wadanka Norwey ayaa haweenaydaas oo magaceeda la yidhaahdo Dr Therese Bredholt’s (PhD),ayaa baadhitaan ay mudo dheer wadeen waxay ku heshay in maado kun jirta dheecaanka qaadku ay si weyn ula dagaalanto unugyada sameeya kansarka ee loo yaqaano(leukemia).

donderdag 24 juni 2010

Masaajid ku soo rogay ganaax hadii telefoonku soo dhaco wakhtiga salaada


mobile

Masjid ku yaala degmo ku taala dalka Masar ayaa ku soo rogay qofkii isagoo ilawsan uu mobile ku ku soo dhaco lagu ganaaxayo $ 2, taas oo ah markii ugu horaysay ee ganaax noocan oo kale ah lagu arko dalka Masar.

Tiirarka masaajidkan ayaa la sudhay fariin odhanaysa “Haduu mobile-ku kugu soo dhaco, ogaw waxaad bixinaysaa $ 2, oo aad ku caawinayso masaajidka”, balse wasaarada Diinta iyo Awqaafta dalkaas ayaa sheegtay inay lacagtaasi tahay mid aan loo baahnayn, hadii ay dhacdo in la bixiyana ay kala xisaabtami doonaan masuuliyiinta masaajidkaas isaga ah, waxaanu sheegay in wasaarad ahaan aanay diidanayn in dadka ku tukanaya masaajidka lagu amro inay mobiladooda xidhaan, balse aanay ogolayn in lagu soo in laga qaado lacag ka baxsan Zakada iyo Sadaqooyinka kale.

Imaamka masaajidkan oo ka faaloonaya hadalka masuulka ka socda wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegay in ilaa iyo intii ay digniintan ku dhajiyeen masaajidka aanay dib u maqal mobile dhacaya inta salaada lagu jiro dadkuna ay si fiican ugu hogaansameen, isagoo xusay in ujeedadu aanay ahayn in dadka lacag sharci darro ah laga qaado balse ay tahay in nidaamka la ilaaliyo taas oo ay ugu sii darnayn inay dadka qaar mobiladoodu ay ku soo dhacaan heeso aad u dalacan oo sahwi galinaya dadkii masaajidka ku tukanayay.

woensdag 23 juni 2010

Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland C/samada Cali Shire oo ssc ku tilmaamay Fidmo wadayaal.

  Warkii 23-Jun-2010 iyo Qormadii: NEWS

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland C/samed Cali shire oo ku sii jeeda dalka Itoobiya oo war saxaafadeed ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa si kulul u weeraray hogaanka SSC,kaasoo ku tilmaamay fidno wadayaal wadanka qas ka wada,isagoo u diray digniin culus oo uu ku hanjabay inay ciqaabayaan.

Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Dr Maxamed Cab dillahi Cumar waxay soo nooleeyeen saxan saxadii iyo dabayshii aqoonsiga Somaliland

Marka hore waxaan salaan kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan shacabaka xariirta ah ee Somalila nd , ee karaamada,sharafta iyo qadarinataba mudan,meel kast oo ay joogaanba. Mahadda dham maanteed waxaa iska leh Allaha weyn subxaanahu watacaalee,waxaanan idiinka baryayaa dham maantiin inuu idinka yeello kuwii if iyo aakhiraba liibaana.

Waxaa taa ii xiga oo aan hambalyo aan la soo koobi karayn iyana u dirayaa dhammaan sa xaafad da Somaliland,hawsha qiimaha leh ee ay dalkooda iyo dadkooda u hayaan, habeen iyo habeenna heeganka ugu jira , inay u soo gubiyaan bulshada Somaliland xaqaaiqa iyo xaaladda dhabta ah ee Dalka iyo Dadkuba ku sugan yihiin.


Jamhuuriya oo Helay Saamiga Gobol Kastaa ka Helay Codbixiyayaasha Doorashada

Xogtan oo u shaxaysan gobol gobol iyo degmo ee dalka oo dahn, isla markaana salka ku haysa natiijada ka soo baxday...

Hargeysa (Jam)- Wargeyska Jamhuuriya waxa uu akhristayaashiisa halkan ugu so gudbinayaa tirada codbixiyayaasha dorashada Somaliland ee gobol iyo degmo kastaa ka h elay natiijada Komishanka Doorashooyinku soo saaray ee dadweynaha codkooda ka dhiiban doona doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto Sabtida toddobaadkan soo socda.

Xogtan oo u shaxaysan gobol gobol iyo degmo ee dalka oo dahn, isla markaana salka ku haysa natiijada ka soo baxday dadka qaatay kaadhadhka cusub ee codkooda ka dhiiban doona doorashada, ayaa waxa ka muuqda farqi u dhexeeya natiijadii diiwaangelintii codbixiyayaasha ee hore u kala heleen gobolladu.

Natiijada rasmiga ah ee codbixiyayaasha ka qaybgeli doona doorashada Madaxtooyada Somaliland oo u kala shaxaysan lixda gobo lee dalka iyo degmooyinka hoos yimaada, waxay u dhigan tahay sidan:

dinsdag 22 juni 2010

Dalka Imrdka oo lagu qabtay nin soomaali ah oo si qarsoodi ah Xoolo u geliyey


{Dubai}21-06-10Nin Soomaali ah oo si dhuumaalaysi magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka ku geliyey Adhi ka badan Kun neef ayay Wasaaradda degaanka iyo biyaha gacanta ku dhigtay, kadib markii uu si dhuumaalaysi ah kaga soo baxsaday ciidamada ilaalada xuduudadaha ee dalkaas

Warku wuxuu sheegayaa in dowladda Imaaraadka Carabta ay baarayso xoolahaas oo lagu qiyaasay tiradooda kun neef oo adhi oo laga daabulay Soomaaliya, kuwaasoo si sharcidarro ah lagu geliyay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

zondag 20 juni 2010

Komishanka doorashooyinka oo shaaca ka qaaday tirada guud ee kaadhahdka cod-bixinta

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Xirsi Geele,oo maanta shir jaraa,id ku qabtey huteelka EmperialHargeysa Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa,maanta si rasmiya ugu dhawaaqey tirada rasmiga ah ee qaadatey kaadhadhka codbixinta Doorashooyinka, ee guuda ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

Oranje achtst finalist na zage van Denemarken

Vernieuwd: 19-6-2010

Oranje achtste finalist na zege van Denemarken

Oranje achtste finalist na zege van Denemarken

Nederland is als eerste land doorgedrongen tot de tweede ronde van het WK. Zonder zelf te spelen stelde Oranje zijn ticket voor de achtste finales veilig omdat het duel tussen concurrenten Kameroen en Denemarken zaterdag uitmondde in een 2-1 zege voor de Denen. Hierdoor kan Oranje niet meer buiten de top-twee vallen in groep E.

Ra,isal wasaaraha Itoobiya oo ka hadley Xaalada dalka Soomaalia

 Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya

News{ Addis} 19-06-10Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Melles Zenawi ayaa sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay haysato fursad ay ku soo celin karto ammaanka guud ahaan dalka Soomaaliya, sidaasi darted loo baahan yahay in gacan weyn la siiyo.

Waxa uu ugu baaqay beesha calaamka inay taageeraan dowladda KMG Soomaaliya si buu yidhi ay dib ugu soo celiso sharciga iyo kala dambeynta, isagoo xusay in dowladda KMG ay hadda diyaar u tahay in ay wax qabato.

Meles Zenawi waxa uu sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay dagaal kula jirto xoogag hubeysan oo mucaarad ah, kuwaasoo doonaya buu yidhi inay xilka ka tuuraan dowladda, waxaana loo baahan yahay in kooxahaas laga hortago si buu yiri Soomaaliya ay nabad uga dhalato.

zaterdag 19 juni 2010

Nederland oo Budhcad badeed lagu maxkamadeeyey

{Rotterdam} 18-06-10Maxkamad kutaala dalka Netherlands ayaa min shan sano xadhig ah ku xukuntay shan nin oo budhcad badeed soomaali ah kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay afduub la damacsanayen markab laga lahaa dalka Netherlands sanadkii 2009.

Budhcad badeedda soomaalida ah oo in muddo ah xabsi lagu hayay ayaa dhowr jeer maxkamadda la horkeenay waxayna diideen eedeynta, ayagoo sheegay in ay ahaayeen kuluumeysato, hase yeeshee xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay in raggan gacanta lagu soo dhigay ayagoo weerar ku qaadayey markab Netherlands laga leeyahay isla markaana ay hubeysnaayeen.

Budhcad badeedda oo da’dooda u dhaxeysay 25 jir ilaa 45 jir ayaa midkiiba lagu xukumay shan sano oo xarig ah , iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo maxkamad ku taalla yurub ay ku xukun ku rido burcad badeed soomaali ah.

Yaldo on line.

vrijdag 18 juni 2010

Magacaabits degmooyinka cusub gobolka Gabiley.

Anaga oo ah akhyaarta magacayoodu hoo ku qoran yihiin , waxaanu si buuxda ugu farax-sanahay una taageersanahay, go,aanka ka soo yeedhay
Xuskuumada somaliland, ee ah magacaabista 3dexda Degmo ee kala ah GEED-BALAADH, ARAB-SIYO IYO AGABAR. oo dhamaantood ka tirsan Gobolka
Gabiiley.Waxanu leenahay ciyi waa ka baryey hore ayaa loo cuney, kan maanta waa horumar kale  waananu ku faraxsanahay.
1- Cali Cumar Xasan
2 Maxamed Yuusuf Buux.
3-Odey suweys.
4- Cali Xasan Guray.
5 Dr. Axmed Ibrahim Obolos.
6-Rashiid Xaaji Cabdi.
7- Axmed Maxamuud Bookh.
8-Axmed Maxamed Yuusuf.
9-Suldaan Agaasimaha wasaarada macdanta iyo Biyaha.
10- Xuseen Xaaji Cabdi
11- Nuux asker Caateeye.
12-Maxamed Maxamuud Xuseen.
13-Cabdisamad nuux cute
14- bide yare
iyo dhamaan odayaasha iyo wax garadka degmooyinka la magacaabay.

Maxamed Yuusuf Buux.


De nieuwste Internet Explorer: snel, eenvoudig en veilig. Download nu!

Voeg eenvoudig je Hyves vrienden toe aan je Hotmail en Messenger.

donderdag 17 juni 2010

Madaxweyne Riyaale oo si weyn loogu soo dhaweeyey Gabiley

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo waftigii uu hogaaminayay eeXisbigiisa ayaa galabta si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaaladda Gabiley

Waftigu waxa uu ka soo kicitimay magaaladda Boorame oo uu muddo laba maalmood ah ku sugnaa isagoo ka qayb qaatay kaltanka Ololaha Doorashada ee xisbiyada oo xisbigoodu u lahaa, waxaanu halkaasi kula kulmay soo dhaweyn balaadhan isagoo fagaaraha khayriyada kala hadlay dadweynaha reer Awdal sidoo kalena Odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi kulamo gaar gaar ah la yeeshay

Madaxweyne Rayaale iyo waftigiisa waxa si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha reer gabilay oo hareero tunaa jidka isku xidha kalabaydh ilaa gabiley waxaanu u hoyday guriga martida isagoo isla caawaba kulamo la yeeshay odayaasha, ganacsatada iyo waxgaradka

Madaxweyne Rayaale waxa u qorshaysan siada uu noo xaqiijiyay Af-hayeenka Madaxtooyadu inuu beri dadweynaha reer gabiley kala hadlo fagaaraha khayriyada isla markaana uu u sii dhaafi doono Wajaale, Allay-baday, Balli-gubadle ugu danbayntana safarkiisa uu ku soo gabagabayn doono Gobolka Saaxil

Dhinaca kalena Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isna maanta u anbabaxay Oodweyne isagoo u sii dhaafi doona Gobolka Togdheer iyo Sool halkaasi oo uu taageerayaashooda kala qayb gali doono isku soo baxyada Ololahooda oo ay laba maalmood oo kaliyi u hadhsan yihiin

Tartanka Doorashada ayaa maraya meel xaasaasi ah iyadoo ay maalmo yar oo koobani ka hadhsan yihiin Doorashadii, waxaana durtaba soo if-baxaya inay adkaato saadaasha cida ku guulaysan doonta

Waaheen.

Masuuliin ka tirsanaa Xisbiga UDUB oo u diga rogtay UCID

Hargeysa (Waaheen) Xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa shalay xaflad ballaadhan oo soo dhawayn u sameeyey masuuliyiin iyo taageerayaal miisaan culus ku lahaa xisbiga UDUB, oo shaaca ka qaaday inay taageeradadoodii iyo xafiisyadoodiiba ku soo wareejiyeen xisbiga UCID.


Xafladaas oo lagu qabtay Hotel Scadanevian ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Ciro], Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga UCID Md. Aadan Maxamed Mire Waqaf, Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee xisbiga UCID Maxamed Ibraahim, masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga UCID, madaxda iyo taageerayaasha faraha badnaa ee ku soo biiray xisbiga UCID ee hore uga tirsanaa xisbiga UDUB.

woensdag 16 juni 2010

Ololaha Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo hada maraya meel aad u kulul


Ololaha Doorashadda Madextooyada Somaliland Oo Hada Maraya Meel Aad U Kulul

HARGEYSA - iyada oo lagu gudo jiro wareeg shanaad ee ololaha doorashada madextooyada Somaliland ka dhici doonta 26-ka bishan juun, ayaa waxaa mar marka ka sii dambaysa sii kululaanaya ololaha ay samaynayaan sadexda xisbi qaran ee UCID, UDUB Iyo KULMIYE ee ay ugu tartamayaan sidii mid kasta hogaanka dalka ugu guulaysan lahaayeen.

dinsdag 15 juni 2010

Afhayeenka UDUB oo Sheegay in beesha subeer awal gurmad maanta u baahanatahay


AFHAYEENKA UDUB CALI-GURAY OO SHEEGAY BEESHA SUBEER-AWAL INTA AY AXMED YUUSUF YAASIIN KURSIGA KA KICIYAAN AANAY C/RAXMAAN-SAYLICI FADHIISIN DOONIN

Gabilay(TNN):- Afhayeenka Xisbiga-talada haya ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ay aa sheegay inaanay Beesha Subeer Awal inta ay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin kursiga ka kiciyaan, aanay fadhiisin doonin Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenk a Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Cabdiraxmaan-Saylici).

Maayir ku-xigeenka Gabiley oo sheegtay inaan Xuquuqda Maamulka Gabiley aan loo sineyn

Maayar K/Xigeenka Gabiley Khadra X.Gaydh oo Sheegta In Xuquuqda Maamul ee Gabiley aanay u sinayn iyada iyo Maayarku, Waliba Faragalinta ugu Badani kaga Socoto Qasriga Madaxtooyada.


Khadra X.Gaydh oo ah Marwadii Koowaad ee Dumar ah ee ka Soo baxday Golayaashii Deegaanka Somaliland....

Maayar ku Xigeenka Degmada Gabiley Marwo Khadra X.Ismaaciil yoonis (Khadra X.Gaydh) oo ah Marwadii Koowaad ee Dumar ah ee ku Soo baxda Cod, kana Soo Baxday Golayaashii Deegaanka Somaliland oo Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya ay La yeelatay Nimco Muxumed Ibraahin oo ka Tirsan Hawlwadeenada Shabakadda wararka ee Gabiley News

Maayar ku Xigeenka Gabiley Waxay hadalkeeda ku Bilawday “Marka hore waxaan Aad u salaamayaa Shabakadda Wararka ee Gabiley News sida Fiican ee Wararka Dhexdhexaadka ah u soo tabiyaan iyo Akhristayaashu Ku Xidhan”

maandag 14 juni 2010

Muran ka dhex Aloosan Maamulkan Degmada Wajaale oo sababay gacan ka hadel

Wajaale(Ramaas) June13, 2010 - Maamulka degmada Wajaale, ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhex aloosan yahay muran xoog leh, ka dib markii xoghayihii fulinta ee dawlada hoose ee degmada Wajaale Jaamac Daa’uud, ayaa la sheegay in xilkii looga qaaday sifo aan sharciga waafaqsanay, iyada oo wararku sheegeen in masuulkani lagu xidhiidhiyey in uu xidhiidh dhow lahaa Cali Gobonimo oo ahaa xubin miisaan Culus ku lahaa Xisbiga UDUB iyo madaxtooyadda Somaliland, kaas oo dhawaan shaaca ka qaaday Inuu ka baxay Xisbiga UDUB.

Salaadiinta Beesha Subeer Awal oo Go,aamiyey meesha ay dantu ugu jirto beeshooda

Salaadiinta Beesha Subeer Awal Oo Go’aamiyay Meesha Ay Dantu Ugu Jirto In Beeshooda

Hargeysa (Oodweynenews)-Salaadiinta beelaha Subeer Awal ayaa si buuxda u go’aamiyay in beeshu taageeradeedii isugu geyso xisbiga ugu weyn mucaaridka ee Kulmiye.

Drawalkii Sheekh Shariif oo la dilay

Darewaalkii Sheekh Shariif Oo la dilay


KAMPALA - Darewaalkii gaarka aha ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in la dilay 3 Bishan, Ninkan oo lagu magacaabi jiray Eriya Kabuye ayaa aha 33 Sano jir

Askaarigan Ayaa ka tirsana Ciidamada Ugandha, Waxana la sheegay inu ku dhacay Madfac aay soo tuuren Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda Isaga oo ka soo laabtay garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho, Kuna sugan Xilliga Xurunta Madaxtooyadda ee Villa Somaliya

Kabuye ayaa loo qaday dhanka wadankiisi Ugandha isaga oo lagu Aasasay magaalada u ka soo jeedo ee Kibula oo ku taala Gobolka Luwero

zondag 13 juni 2010

FW: [New post] Xisbiga KULMIYE Oo Xog-waran Ka Bixiyey Kulan Ay Maanta La Yeesheen Wefti Sare Oo Ka Socday Dalka Ingiriiska


Date: Sun, 13 Jun 2010 17:11:54


Xisbiga KULMIYE Oo Xog-waran Ka Bixiyey Kulan Ay Maanta La Yeesheen Wefti Sare Oo Ka Socday Dalka Ingiriiska

Yusuf Cali | June 13, 2010 at 7:11 PM | Categories: Wararka | URL: http://wp.me/pik52-6XE
Hargeysa, (Somalifans Online) - Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, ayaa maanta kulan muhiim ah Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa kula yeeshay wefti sare uu hogaaminayey Safiirka waddanka Ingiriiska u qaabilsan midawga Afrika ee fadhigiisu yahay magaalada Adis-ababa.
Sidan-na waxa u xaqiijiyey shabakada wararka ee Oodweynenews.com Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo aanu maanta waraysi kula yeelanauy Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, isaga oo tafaasiil dheer ka bixiyey waxbaayihii ay weftiga ka wada hadleen iyo ujeedada ay u yimaadeen Somaliland.

13 Sababood Oo UDUB Ku Mutaysatay Codkaaga


Date: Sun, 13 Jun 2010 10:45:20
13 Sababood Oo UDUB Ku Mutaysatay Codkaaga


13 Sababood Oo UDUB Ku Mutaysatay Codkaaga

Muwaadinow waxaan halkan kuugu hayaa 13 sababood oo xisbiga UDUB ku mutaystay codkaaga maalinta 26 June 2010, haddii aad nasiib u yeelatay inaad ka mid noqoto dadka xaqa u leh inay codeeyaan maalintaas.
Waxaan Muwaadinow ku leeyahay codkaaga UDUB sii haddii aad doonayso 5-ta sannadood ee soo socda:
  • In hantida qaranku ahaato wax nin leeyahay oo siduu doono ka yeelo
  • In ax xisaab-xidh-sannadeed ah aan golaha wakiilada la horkeenine golahaas isaga ah marba loogu hanjabo in albaabada loo xidho, sidii hore laysugu dayay inuu ee dadweynuhu kaga horjoogsadeen muwaadiniinta qaarkoodna naftoodii qaaliga ahayd ku waayeen
  • In xoolo dhaqatada danyarta ah ee u dhabarjabay xoolahooda isla markaana dalka soo geliya lacagta adag ee dibedaha ka timaada, in laga xidho tartanka oo khasab lagaga dhigo inay xoolahooda ka iibiyaan dad maamulku kula shuraakoobay qaybsiga lacagta ka soo baxda dhoofka xoolaha
  • In batroolku u xidhnaado shirkad shisheeye oo cuno-qabataysa shirkadaha waddaniga ah, shirkadaas oo maamulku la leeyahay gacansaar hoose
  • In aan qandaraasyada mashaariicda qaranka loo samayn wax tartan ahe toos looga soo magacaabo madaxtooyada
  • In aan golaha wakiilada laga ansixin heshiisyada lala galo shirkadaha ajanabiga ah ee Total, ka carabka xoolaha loo xidhay, kuwa leh doonyaha xeebaheena ka kalluumaysta iyo kuwo kaleba
  • In goleyaasha qaranka aan dib loo soo doorane ay iska dhex fadhiyaan dad aan ku metelin oo codkooda lagu iibsado hantida adiga lagaa qaado
  • In hantida ma guuraanka ah ee dalka laga iibiyo dad gaar ah lacagaha ka soo baxana la lunsado
  • In maalinta codka lagaa doonayo laguu akhriyo warqad maalintaas codkaaga la rabo laguula soo baxo oo ay ku qoranyihiin ballanqaad-beenaadkii 8 sannadood ka hor lagugu khiyaamay
  • In aan wax horumar ah laga samayn aqoonsiga raadiska ee xaaladda dalku iska ahaato sida ay imika tahay
  • In muwaadiniinta markii la doono lagula kaco xadhig iyo jidh-dil aan loo soo marin nidaamka sharciga ah ee maxkamadaha
  • In ciidanka booliisku noqdo kuwo siyaasad loo adeegsado oo u shaqeeya wasiirada iyo madaxda oo amarkooda ku xidhi kara uguna hanjabi kara muwaadinkii la doono
  • Ugu dambayn haddii aad la dhacsantahay wax qabadka madaxweyne Daahir Riyaale iyo wasiiradiisa oo aad diyaar u tahay in dalku aanuu samayn isbeddel dhinacnaba, adigana lagugu qanciyay in dunidu dhabarka inoo soo jeedisay oo aan layna ictiraafi karine aan iska aaminno midnimo dambe oo Soomaalya dib laysugu noqdo, markaa codkaaga sii UDUB Allaylehe xisbigaasi wuu u qalmaaye
Xasan Ibraahim
Berbera
Somaliland
WordPress WordPress.com | Thanks for flying with WordPress!
Manage Subscriptions | One-click Unsubscribe | Publish text, photos, music, and videos by email using our Post by Email feature.
Trouble clicking? Copy and paste this URL into your browser: http://subscribe.wordpress.com/


De nieuwste Internet Explorer: snel, eenvoudig en veilig. Download nu!

FW: [New post] Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Marti-qaad Loogu Sameeyey Deegaanka Xaraf (Daawo Sawiro)




Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Marti-qaad Loogu Sameeyey Deegaanka Xaraf (Daawo Sawiro)

Admin | June 12, 2010 at 11:02 PM | Categories: Sawiro & Warar | URL: http://wp.me/pik52-6WR


Xaraf, (Somalifans Online) - Dadka ku dhaqan Deegaanka Xaraf ee dulkeedka Galbeed ee Caasimadda Hargeysa, ayaa Casuumad qado ah maanta ku qaabillay Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna Guddoomiyaha Xisbigaas iyo Madaxda kale ee KULMIYE. Waxaama Casuumaddaas ka qaybgalay Wefti culus oo uu hoggaamiyey Axmed-Siilaanyo oo barqadii maanta ka ambabaxay Hargeysa.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo oo horkacayay Wefti culus oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE, Xoghayaha guud ee Xisbigaas, Guddoomiyaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta u qaabilsan KULMIYE iyo Saraakiil Xisbiga ka tirsan oo aan tira lagu soo koobi karin, qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Xisbiga KULMIYE laga soo doortay, gaar ahaan kuwa deegaankaas ka soo jeeda dhalasho ahaan oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Axmed-Wayne iyo masuuliyiin kala duwan oo aan tira lagu soo koobi karin oo Xisbiga ah.Dadkii Xafladdaas abaabulay ee Casuumay Madaxda KULMIYE waxa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo dabayaaqadii toddobaadkii inna dhaafay ku biiray Xisbiga KULMIYE, dhalasho ahaanna deegaanka Xaraf ka soo jeeda. Waxaana Weftiga tuulada Xaraf loogu diyaariyey Casuumad,iyada oo Geel loo sii qalay.
Ciise Cismaan oo ka mid ah Odayaasha Deegaanka Xaraf, ayaa ugu horreyn hadal soo dhawayn ah ka jeediyey Madashashii Weftiga lagu soo dhaweeyey oo ahayd Geed aad loo rusheeyey,. "Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo iyo Weftiga culus ee uu hoggaaminayo waxaan leeyahay Xaraf waa magaaladdiinii Gacmo-furan baannu idinku soo dhawaynaynaa, soo dhawaada ayaannu idin leenahay, waxaanan idiinka mahadceliyanaa haddii aad tihiin Siilaanyo iyo Weftigiisa sida aad nooga aqbasheen marti-qaadkii aannu idiin fidinnay ee wakhtigiinna noogu soo horteen." Sidaa ayuu yidhi Oday Ciise Cismaan oo ku hadlayay afka dadka ku dhaqan deegaanka Xaraf, Boqol-jire iyo Xagal. Waxaanu Axmed-Siilaanyo u soo jeediyey inuu caddaalad, sinnaan iyo wax-qabad muujiyo haddii Illaahay talada dalka ku guuleeyo doorashada madaxtooyada ee 26-ka bishan Juun dalka ka dhacaysa. Isaga oo Oday Ciise madashaa ka ballan-qaaday inay dadweynaha reer Xaraf, Xagal iyo Boqol-jire codkooda diyaar ula yihiin inay Xisbiga KULMIYE Siiyaan maalinta doorashada loo dareero.

Xildhibaan Axmed-Wayne oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland Xisbiga KULMIYE ugu jira, isla markaana Deegaankaas laga soo doorto, ayaa sidoo kale, u mahadceliyey Weftiga uu hoggaamineyey Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo) iyo dadweynaha beesha ee is xilqaamay, gartayna inay casuumad u fidiyaan Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE. Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo deegaanka Xaraf ka soo jeeda, ayaa si weyn ugu mahadceliyey dadweynaha deegaannada Xaraf, Xagal iyo Boqol-jire sida fiican ee ay Weftigooda u soo dhaweeyeen awgeed. Waxaanu sheegay inay maanta tahay maalin ololaha doorashada aanu Xisbiga KULMIYE u lahayn ee Xisbiga UDUB u leeyahay, sidaa daraadeedna aanu Weftigu ahayn mid olole halkaas u tagay, balse yahay mid ajiibay marti-qaad dadka deegaanku u fidiyey.

Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE uga sharraxan Axmed-Siilaanyo, oo aad ugu faraxsanaa soo dhawaynta, qaabbilaadda iyo marti-qaadka loo sameeyey isaga iyo Weftigiisa, ayaa si weyn ugu mahadceliyey dadweynaha deegaannada Boqol-jire, Xagal iyo Xaraf. "Walaallayaal aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, sida qaddarrinta leh, qiimaha leh ee sharafta leh ee aad maanta noogu soo dhaweyseen Xara. Walaallayaal maanta maaha maalintii aynu KULMIYE ahaan ololaha u lahayn, maadaamoo aynaan ololaha u lahayn khudbado dhaadheer halkan isagama jeedin karno, waayo Sharciga iyo heshiiska anshaxa doorashada ee Xisbiyadu kala saxeexdeen ayaa inna qabana oo waxaynu noqonaynaa dad sharcigii jabiyey. Sidaa daraadeed, isugumaynaan iman arrin olole marti-qaadka aad nagu sharafteed, aad iyo aad baan idiinku mahadcelinayaa, sida quruxda badan ee aad noo karaamayseen, ee noo sharafteen Illaahay ha idiin sharfo, waana mahadsan-tiin."

Si kastaba ha ahaatee, Geed Damal ah oo ku dhex yaalla gudaha Tuulada Xaraf oo aad loo sii rusheeyey xattaa nawaaxigiisa, ayaa dadka deegaannadaasi si diiran ugu soo dhaweeyeen Axmed-Siilaanyo iyo Weftigiisa, kaasoo hoostiisa loogu diyaariyey kuraas, Miisaan lagu sharraxay Qudaar kala duwan iyo caleemaha qudaarta, maadaamoo deegaanka Xaraf yahay mid ku caan ah Wax soo saarka Beeraha, gaar ahaan noocyada kala duwan qudaarta. Waxa Guddoomiyaha iyo Weftigiisa soo dhaweeyey boqollaal qof oo isugu jiray Rag, Haween, Dhalinyaro iyo Waayeel, kuwaasoo lulayey Caleemo qoyan, Calanka Astaanta u ah KULMIYE oo dadka qaar Maryo ka tasheen. Waxaanad arkaysay Hablo Xijaabyo, Dallado iyo Duruuc ka toshay Calanka KULMIYE iyo sidoo kale, Wiilal ka toshay Shaadhadh, kuwo madaxa ku xidhan iyo kuwo lulaya intaba. Waxaanay dadkaasi ku dhawaaqayeen weedho kala duwan oo ay ka mid ahaayeen. "KULMIYE ha guulaysto, Siilaanyo ha guulaysto,codkeenna waa inaynu KULMIYE siinnaa, soo dhaweeye Madaxweynaha Mustaqbalka…" Kuwaas iyo eryo nuxur ahaan la macno ah ama ku macna dhaw ayay ku dhawaaqayeen dadka deegaannada Xaraf, Xagal iyo Boqol-jire.

Cabbaar ka dib markii Weftigu halkaas ka qadeeyey, kuna dul-qadeeyey Gogol Geed weyn oo Cudbi laygu sheegay, aadna u hadh-qabaw hoostiisa loo dhigay, ka dib waxay u soo baqooleen Siilaanyo iyo Weftigiisa oo Baabuur tira badan watay dhinaca Magaalada Hargeysa oo ay galinkii hore ee maanta ka ambabaxeen, waxaanay Hargeysa soo gaadheen abbaaro 3:00-dii Galabnimo ee maanta galinkii dambe.
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa, Somaliland
WordPress



SaudinArabia Gives Israel Clear skies to attack Iranian nuclear sites.

Saudi Arabia has conducted tests to stand down its air defences to enable Israeli jets to make a bombing raid on Iran’s nuclear facilities, The Times can reveal. In the week that the UN Security Council imposed a new round of sanctions on Tehran, defence sources in the Gulf say that Riyadh has agreed to allow Israel to use a narrow corridor of its airspace in the north of the country to shorten the distance for a bombing run on Iran.

Ugu yaraan 9 Soomali ah ayaa ku dhintay Dooni quustay

Ugu Yaraan 9 Soomaali ah ayaa ku Dhimatay Dooni Quustay


{Muzambque}11-06-10Waxaa la xaqiijiyey in ay ugu yaraan ku dhimatay 9 Soomaali ah dooni ku dagtay xeebta dalka Muzambque. Waxaana afhayeen u hadlay booliiska dalka Muzambque uu xaqiijiyey in ay dooni waday dad gaadhaya 82 Tahriibayaal Soomaali ah ay ku dagtay xeebaha dalka Muzambque.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Pedro Cossa ayaa sheegay in ilaa hada la soo badbaadshay 33 Soomaali ah waxaana la weeysanyahay 40 ruux. Waxa uuna afhayeenku sheegay in wali lagu raadjoogo dadka la weeysanyahay ayna baadigoobayaan raqdood iyo ruuxdoodba.

Waxaa la sheegay in dadkaan Soomaaliyeed ay ku siijeedeen dalka Koofur Afrika.Waxaana soo kordhaysa Soomaalida ku leanaysa badaha Caalamka.

Yaldo online

zaterdag 12 juni 2010

Waraaqihii cod-bixinta ee doorashada oo soo gaadhay dalka

Waraaqihii Cod bixinta ee Doorashada Oo soo gaadhay Somaliland
Hargeysa - Waxa si rasmi Caasimada Hargeysa u soo gaadhay waraaqihii Codbixinta Doorashada Madaxtooyada oo 26 Bishan ka dhici doonta Guud ahaan Somaliland, Komishanka Doorashooyinka Ayaa sheegay inay Waraaqaha Codeyntu ka soo degeen garoonka Diyaaradaha ee Berbera

donderdag 10 juni 2010

Boliska Burco oo qabtay hub ito Waxyaalaha qarxa.

Booliska Burco Oo Qabtay Hub Iyo Waxyaalaha Qaraxa

Burco- Magaalada Burco ayaa maanta waxaa ka dhacay iska hor imaad rasaas la adeegsaday oo dhex maray booliiska iyo nimaan la rumeysan yahay inay xidhiidh la leyahiin Kooxaha Xagjirka ah Ee Somaliya ka dagaalama, Iska Hor imaadkan ayaa ka bilowday Xaafada Actober ee Magaalada, Waxana intaa la Ogyahay ku dhintay Hal Askaari, Sidoo kale waxa dhaawac ka soo gaaray Taliyeyaashi Boliska iyoTaliyihii Saldhiga Bariga Burco.

woensdag 9 juni 2010

Madaxweyne Riyaale oo Doorashada uga soo Ijaaso qaadanaya Awowyaashii

June 10, 2010 Madaxweyne Rayaale oo Doorashada uga soo Ijaaso Qaadanaya Awowyaashii Beelaha Somaliland

Waxa la Filayaa in uu meel Fagaare ah kala Hadli doono Dadweynaha ku nool Ceerigaabo

Ceerigaabo (Waaheen) - Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefti uu Hogaaminayo, ayaa shalay galab u ambabaxay xarunta Gobolka Sanaag ee Magaalada Ceerigaabo.

Taageerayaashii Xisbga udub oo isku soo bax balaadhan maanta sameeyey.

Taageerayaasha Xisbiga UDUB ee Magaalada Burco oo Isu Soo Bax Balaadhan Fagaaraha Khayriyada Ka Sameeyay+Wasiirka Hawlaha Guud oo Edayn U Soo Jeediyey Xisbiga KULMIYE

BURCO(OODWEYNENEWS)- Waxaa saaka isugu soo baxay fagaaraha Khayriyada ee magaalada Burco kumanaan ka tirsan taageerayaasha xisbiga talada ahaya ee UDUB halkaasi oo ay kala hadleen taageerayaasha masuuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Hawlaha Guud, Madaxtooyada,wasiira dawlaha arimaha Gudaha iyo madax sarsare oo ka tirsan xisbigaasi UDUB .

Faroole Kooxda SSC ayaa masuul ka ah dagaalada iyo dhibka Somaliland.

Faroole:"Kooxda SSC ayaa masuul ka ah dagaaladii iyo dhibkii ka dhacay Widhwidh iyo Buuhoodle"

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland mudane C/raxmaan Faroole oo safar mudo dibada ugu maqnaa ayaa soo guryo noqday maanta,waxaana shir jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada uu ka hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen budhcad badeeda,amniga iyo weliba dagaalada iyo colaadaha ka soo cusboonaaday gobolka Buuhoodle iyo Widhwidh.

dinsdag 8 juni 2010

Feysal Cali Waraabe oo sheegay in hadii laga guuleysto doorashada ianaanu dib isku soo sharixi doonin.


Eng Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In hadii Laga Guuleysto Doorashada Inaanu Dib Isku Soo sharix doonin madaxtinimada Somaliland.
Hargeysa,  - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horreysay ka hadlay waxa u yeeli doono Hadii doorashada loga guuleysto

Isaga oo Arrimaha ka hadlaya Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID ''Anigu maanta jaaniskaa haddaan waayo waxaan u baneynayaa Dadka kale ee igu xiga, laakiin aniga jaaniskaasaa iigu dambeeya oo aan u ordayaa, haddaan doorkaa waayo (Madaxtinimada) mar dambe u ordi maayo, haddaan helana mar labaad waan isu soo taagi karaa. Laakiin, aniga waxa ii muhiim ah inaan Nidaamkayga iyo Rayi’gaygu socdo oo hadafka aan u galay Siyaasada ay Somaliland u hirgasho''

Hadalkan Ayuu Eng Faysal Cali Waraabe ku yidhi Waraysi Dheer oo Dhinacyo badan taabanaya oo u Siiyey laanta Afka Somaliga Ee VOA

yaldo online

Siilaanyo oo Gobolka Gabiley si weyn loogu soo dhaweeyey

Dadweynaha Reer Allay-baday oo si gaar ah u soo Bandhigay Dabaal-deg ay Farxadi ka muuqato

Gabbiley (Waaheen) Amaanka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj: Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoo ay Shalay ilaalinayeen Ciidamo ka tiro badan intii hore u ilaalin jirtay kuwaasoo gaadiid iyo lugba ku socday.

maandag 7 juni 2010

Kenya "Good" mould to the rescue


 


Date: Mon, 7 Jun 2010 10:44
KENYA: "Good" mould to the rescue

The Kenya government announced in May that some 2.3 million 90kg bags of maize were contaminated with aflatoxin - file photo .

NAIROBI, 7 June 2010 (IRIN) - A deadly fungus that has blighted thousands of tonnes of maize in Kenya could be defeated by introducing a less dangerous cousin to crops while still in the field, say scientists.

Saddexda murrashax ee Somalilandd maxay ka faa,iisan karaan Nolosha madx. urguay Jose

Saddexda Murrashax ee Somaliland Maxay ka Faa’iidaysan Karaan Nolosha Madaxweynaha Uruguay Jose Mujica!

Cabdilaahi Beershiya waa suxufi ka tirsan wargeyska Jamhuuriya Madaxweyne kasta oo talo qabta waxay dadkiisu bartaan kartidiisa, waddanimadiisa, aqoontiisa, garaadkiisa iyo inta ay le’eg tahay lexjeclada uu dadkiisa iyo dalkiisa u hayo. Kartidiisa iyo aqoontiisa waxay dadweynuhu ka qiyaasi karaan hadba sida ay yihiin wasiirrada iyo shaqaalaha u dirto iyo aragtiyaha uu ka bixiyo sida uu doonayo inuu dalka u maamulo.

Taageerayaashii Xisbga udub maalintii labaad-Gabiley

Taageerayaasha Xisbiga UDUB oo Maalintii Labaad Iskugu Soo Baxay Gudaha Magaalada Gabiley.
Wasiir Shucayb waxaa kale oo uu ka warmay in tartanku xalaal yahay oo ilaahay (SW) ku sheegay kitaabkiisa quraanka ah ee....

 Wasiiru Dawlaha Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa maanta kala qayb galay taageerayaasha xibiga UDUB isku soo bax balaadhan oo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Gabiley, halkaasi oo uu kala hadlay fagaaraha khayriyada ee Magaalada Gabiley.

Wasiirka oo ay wehelinayeen Maayarka Magaalada Gabiley Aadan Muxumed Badde iyo taageerayaasha xisbiga UDUB ku leeyahay magaalada Gabiley, halkaasi oo uu wasiirku hadal dheer uga jeediyay isla markaana kaga xog waramay taariikhdii xisbiga talada haya ee UDUB iyo waxqabadyadii kala duduwanaa ee ay soo sameeyeen tan iyo intii ay gacanta ku hayeen xukunka madaxtinimada Jamhuuriyada Somaliland.

zondag 6 juni 2010

Waiisrka Hawlaha guud oo sheegay in laga faaiiday geeridii Madaxweyne. Cigaal.



Wasiirka Hawlaha Guud Oo Sheegay In Laga Faa'iiday Geeridii Madaxaweynihii 2-aad Marxuum Cigaal!

Burco (TNN) - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland Siciid Sulub Max amed, ayaa markii ugu horreysay godka ku weeraray Allah ha u naxariistee, Madaxweynihii Geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, oo uu sheegay in laga faa'iiday geeridii sii, ka dib markii uu Madaxweyne Rayaale hoggaaminta dalka qabtay.Isla markaana, waxa uu sheegay Wasiirku in dad Marxuum Cigaal ka biqi jiray markii uu talada hayay ay ku soo dhiirra deen Daahir Rayaale.

Gadh la dooneyey inay tidhaahdo waxaan taageersanaha udub oo mar kale tidhi kulmiye ha noolaado.

 Gabadh la doonayey inay Tidhaahdo ''Waxan Taageersan ahay UDUB, Oo Tidhi Waxan Taageersan ahay KULMIYE''
Hargeysa, - Xisbiga Udub ayaa maanta Wejigii labaad ee Ololaha Doorashada isagu soo baxay Beerta Xoriyada, waxana kala qeyb galay Maanta Isu ssoo baxa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirka arrimaha Dibada, Xoghayaha Xisbiga Udub, Masuuliyiin kala duwan Iyo In yar oo Shacab la soo Laaluushay ah.