maandag 30 augustus 2010

Qoraal-taarikheed ku Saabsan Dhacdadii Mucjisada ahayd ee 1983kii Miiska Saraakiisha Lagagala Baxay Marxuum Cabdillaahi Askar


“Markeliya ayey igu boobeen qoriga dabadiisa iyo caaradiisa, waxay igu garaaceen kabahii waaweynaa ee ay xidhnaayeen, daqiiqado gudahoodna jidhkayga oo dhan dhiig ayaa ka dareerayey…. Qaddarka Ilaahay waa meeshiisa, laakiin anigu waxaan ahaa oo filanayay in jeelkan aan ka bixi doono, iyadoo aan ku kalsoonaa inaan leeyahay rag awood u leh inay naftooda u huraan badbaadintayda”

Mujaahid Cabdillaahi Askar oo ka warramayey xannuunkii jidh-dilka markii uu gacanta u galay taliskii nacabka ahaa ee Afweyne
Waxa diyaariyey Kaysar Cabdillaahi Maxamed, Bristol, UK.


Waxay ahayd dhammaadkii sannadkii 1982kii markii ay Itoobiya ka abuurmeen dhaqdhaqaaqii xaq-u-dirirka ahaa ururkii SNM. Waqtigaas waxa Itoobiya isugu yimi saraakiil door ah iyo siyaasiyiin debadaha ka yimi oo ujeeddadoodu ahayd sidii ay u bilaabi lahaayeen halgan lagaga hortago xukuumaddii halligantay ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa oo xasuuq iyo xumaato ku la dhaqmaysay shacbigii ku noolaa gobollada woqooyi xilligaas.


Si haddaba ururka SNM u helo taageero gudaha ah iyo mid debadda ahba, una muujiyo awooddiisa, waxa uu go’aansaday inuu hawlgallo millatari ka fuliyo dalka gudahiisa, waxana qorshayaasha dagaal ee laga fulinayo gudaha ay ujeeddadoodu ahayd naafaynta cadawga, argagax-gelinta dawladda iyo muujinta la muujinayay inaan ummadda gobollada woqooyi marnaba aanay raalli ka ahayn xasuuqa iyo xadgudubka ay xukuumaddii Siyaad Barre ku haysay shacbigeedii.

zaterdag 28 augustus 2010


Wakiilkii Itoobiya U Joogay Somaliland Oo Dalka Iskaga BaxayPDFPrintE-mail
Written by Qaran News   
Aug 28, 2010 at 11:01 AM
Hargysa,(Qaran News)- Warar rasmi ah oo aanu ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in safiirkii dalka Itoobiya Somaliland u joogay uu dalka ka baxay, wararka aanu helaynaa may noo xaqiijinin sababta rasmiga ah ee uu safiirkuu dalka uga baxay hase ahaatee ayaamahihii u danbeeyay waxa ay warbaahinta Somaliland qaarkeed soo bandhigayeen khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland kaasi oo la isku mari laa waxyaabahii la isku hayay.
Wararka qaar ayaa sheegaaya in safiirka xaga Addis Ababa uu u tagay la tashi, taasi oo ay ka danbaysay markii madaxweyne Siilaanyo uu xafiiska Itoobiya ee Addis Ababa uu ku wargaliyay in ay la xidhiidhaan wasaarada arimaha gudaha oo ay ku xidhnaadaan xagaasi.
Wararka kale ee aanu helaynaa waxa ay aad uga dayrinayaan xidhiidhka wacnaa ee u dhaxeey labada dal in uu sii xumaanaayo taasi oo arimaha la isku hayna ay ugu badantahay arimaha aminiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dal ee dhan walba leh.
Siilaanyo ayaa dalka ugu yimid hal xafiis diblamaasiyadeed kaasi oo aad moodo in wada shaqayntiisuna ay sii damayso, waxa ay dadku rajaynayeen in uu Siilaanyo kaga faa'iidaysto doorashadii xorta ahayd ee uu ku yimid isla markaasina ay ahayd in la iibiyo qadiyada Somaliland si dalka looga saaro dhibka ka haysta aqoonsi laanta ku habsatay, hase ahaatee waxa aad moodaa in Siilaanyo uu ishii sii bidhiiqaysay uu isha ka sii ridaayo isaga oo aan xukunakaba fadhiyin wax badan.
Sida ay doontaba ha ahaatee wax war ahi kama soo baxin xaga xukumada Somaliland iyo xaga Itoobiya toona oo ku saabsan socdaalka wakiilkii xafiiska ganacsiga ee Itoobiya uu uga baxay dalka mana jiraan warar rasmi ah oo qeexaaya bixitaanka wakiilkaasi oo ahaa wakiilka kaliya ee dal shisheeye ah oo Somaliland ku sugnaa hase, wararkaasi oo aanu ku daba jirnana waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararkeena kale.
Dhanka kalena waxa  dalka ku soo badanaaya qabyaalada iyo beelaysiga iyada oo ay jiraan shirar ay beelaha qaarkood ay si gooni gooni ah ugu qabsanyaan magaalooyin ka mid ah dalka oo ay ku jirto caasimadu.
Beelahahaasi shirarka isugu imanaaya ama shirayba qaarkood ayaa ayaa siyaabo kala gadisan u dhigaaya kulamadooda xaga qaar ay ka cabnayaan habka uu Siilaanyo xukumadiisa u qaybiyay oo ay u arkayaan cadaalad daro iyo xaga beelo kalana ay kulamadooda iyo shirarkooda ku saleeyeen in xukumada Siilaanyo ay iska indho tirtay saami qaybsiga khayraadka dalka oo ay cid gaar ah ugu adeegayso xagii ay ahayd in ay ka dhabayso balan qaadkeedii ahaa suuqa xorta ah iyo tartanka xorta ah.
Xaalada dalka ayaa hada ku socota mid u eeg tii horaantii sagaashamaadkii ee uu Siilaanyo odhan jiray dalka dawladi kama jirto, hadii aan si deg dega h aan dhabada loogu soo celin habkii dimuquraadiyadii iyo maamuus wanaagii Siilaanyo dalka loogu wareejiyayna waxa dhici doonta in dalku ku dhaco dib u dhac iyo maamul xumadii ugu waynayd ee abid soo marta, Siilaanyo iyo inta ku hareeraysan ee la talinaysana waxa la haboon in ay dalka ku hagaan dhabo toosan oo ka saaraan qabyaaladan inagu soo laabtay ee mudo laga raystay

maandag 23 augustus 2010

Hargysa,(Qarannews)- Sheekada ugu hadal haynta badan tan iyo shalay ayaa ah, gacan ka hadal madaxtooyada ku dhe maray Chief of Cabinet-ka Siilaanyo Mr Xirsi Ali Haji Xasan iyo mid ka mid ahaa shaqaalahii inbadan ka soo shaqaynaayay madaxtooyada Somaliland ahaana shaqaale dawladeed oo aan ku lug lahayn wax siyaasad iyo xisbi toona.
Dagaalkani oo gaadhay in Xirsi uu qaato mindi dulsaarnayd miis ka mid ah miisaanta dhexyaala madaxtooyada, kadibna kula dhaqaaqay oo ku weeraray Yaasiin Nuur Mooge oo ay is af dhaafeen kadib markii uu Xirsi shaqada ka caydhiyay isaga iyo laba shaqaale oo kale, taasi oo ay ku andaccoodeen in xuquuqdoodii la siiyo madaama oo laga fadhiisiyay shaqadii ay in mudo ah soo hayeen.

zaterdag 21 augustus 2010

Dhanxiir iyo Itoobiya
Maansha Allaah; Alleylehe duq-xigeenkii Hargeysa iyo golihiisii deegaanku waa kuwaa ka gubtay xeerkii caasimadda ee wakiilladu laaleen; kol hadii uu ku yidhi; ‘Adeerayaal danihiinaad labtop-yo u sidataane maxaad ka uriseen caasimadda, mise Hargeysa weyn baad ka hinaasan tihiin oo dhinaca barigaa saar idiin hayaa.’ Jiciirkan safarka ku khafiifay intaana wuu odhan kari waayey, qolyahan wakiilladuna xeerkaa dib ha u soo abaabulaan si ceebtu uga maydhanto.
Weger; Adeer, Ina Uurcadde waa nin iska ciyaaraya oo hadii lexejeclo caasimadeed hayso wax kale iska daayoo ishaarooyinkii Cawl kumay dul burbuireene, waxaad ka warantaa qoladii Itoobiyaanka ee Hargeysa joogay xagay u caayeen, mise tallow hadalkii Cabdillaahi Shaani ee ahaa Xirsi Caga-baruur waa Al-shabaab ayey rumaysteen oo taaga waabay qaxeen, Amxaarana fulaynimo iyo inay sheeko Huu-haa-da rumaystaan looga taag heli maayo.

zondag 15 augustus 2010

{Addisababa}15-08-10 Jeneral Gabre ayaa la rabaa in loo magacaabayo madaxa Amniga iyo howl-galada ciidamada AMISOM.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in la rabo in la Jen. Gabre loo Magacaabo Taliyaha Hawlgelinta iyo Amaanka AMISOM oo ahaa Taliyihii Ciidankii Itoobiya ee hada ka hor soomaliya soo galay.Madaxweyne Melez zenawi ayaa ku riixaya Amisom iyo TFG somaaliya in................
Haatuf-ka Maanta: Tallow nimankan yaa ugu dhaarta inay meeshu tahay Madaxtooyadii Somaliland ee dadk
Haatuf-ka Maanta: Tallow nimankan yaa ugu dhaarta inay meeshu tahay Madaxtooyadii Somaliland ee dadka u dhaxaysay?
Walee nin kastaaba ha iska hadlee ninkii Xirsi Gaab shaqadiisii ka soo bax oo durtaba waakan isku duba riday hawlihii Xafiisyadii Madaxtooyada. Laakiin maxay kuugu taalaa sawtan ninkiiba ay nafta iskugu keeneen Beeshan Haraadan ee hadh iyo habeenba socota iyo Dhuxulaysatadan yaryar ee siddii Xab-xabka ku soo jabay Madaxtooyadii oo mar aad moodayso inaad Yiroobe joogto marna Baarkii Rayaan ee Hargeysa ee ay Baagamuudayaasha Kulmiye kuududi jireen. Tallow nimankan yaa ugu dhaarta inay meeshu tahay Madaxtooyadii Somaliland ee dadka u dhaxaysay?

Source: Wargeyska Haatuf

zondag 8 augustus 2010

Itoobiya oo la sheegay in ay shuruud adag ku xirtay wada shaqeyn buuxda oo ay la yeelato maamulka Cusub ee Somaliland uguna baaqday.


Dawladda Itoobiya ayaa markii u horaysay ka hadashay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud iyo caqabado ay sheegtay inay horyaalaan.


Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa warbixin ay toddobaad kasta mar soo saarto waxay habeen hore ku soo qaadatay xil wareejintii Somaliland ka dhacday ee uu talada maamulkaasi kula wareegay Axmed Maxamed Maxamud {Siilaanyo} oo ku guuleystay doorashadii dhacday bishii June 26-keeda.
Dowladda Itoobiya waxay ka hadashay talaabooyinka ay tahay in maamulka cusub ee Somaliland uu ka qaado la dagaalanka waxa ay ugu yeertay argagixisada si ay ugu guuleysato kalsoonida dowladaha deriska la ah.

dinsdag 3 augustus 2010

Madaxweyne Siilaanyo oo la filaayo inuu xilkii Gudoomiyanimo ku wareejiyo Muuse Biixi

Hargeysa(Waaheen)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhowaan la filayaa dhowaan inuu ku wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga ku-xigeenkiisii Muuse Biixi Cabdi, sida uu dhigayo Xeerka Xisbiga tallada dalka ku guulaystay ee Kulmiye oo wax laga bedelay Shirweynihii Xisbiga ee ugu dambeeyay.
Arrintaasi oo looga gl-leeyahay in lagu kala saaro Xisbiga iyo Xukuumada sidii Xisbiga UDUB oo dhaawac ku keentay hawlihii Xisbigii talada hore u hayay, waxaanay Xisbiga Kulmiye kaga gaashaamanayaan inuu dhaawac la mid kii UDUB uu soo gaadho.
Wasiirka Cusub Ee Maaliyada Oo Balan Qaaday In Jaadka Ka Soo Gala Ethiopia Loogu Bedeli Doono Milixda Iyo Kalluunka Somaliland
Hargeysa, August 2, 2010  (Haatuf)- Wasiirka Cusub ee wasaarada Maaliyada, Eng.MaxamedXaashi Cilmi ayaa sheegay inay dawlada Ethiopia kala hadli doonaan siddii ka ganacsiga Jaadka Somaliland looga soo waarido dhanka Ethiopia taas bedelkeeda milixda iyo kalluunka siddii Somaliland ay Ethiopia ugu iib geyn lahayd.