maandag 31 mei 2010

Habar Saado Cali oo Waxjigabax kala kulantay Soomaalida Denmark

 
May 30, 2010

Copenhagen, (Yaldo Online-) Bandhig Fanaaded aay Saado Cali ku qabatay magaalada Copenhagen ee Caasimadda Denmark ayaa la sheegay inay ku Fashilantay, kadib markii dadkii ka soo qeyb galay Xaflada qaar ka mid ah aay ku fooriyeen, iyaga oo ku qaylinaya ''Dooni meyno Habar Walan Heesaheeda'' Iyo Eryo kale oo la mid ah
Habar Saado Cali ayaa la sheegay inay Dhamaan Heestii aay halka ku duubtay aay noqotay mid Socon weysa iyada oo Koox yar oo ka mid ah Jaaliyaddu dib u qorsheyn sidaa la sheegay inay Xaflad kale u qabtan oo noqon doonta mid gaar ah, madama tii hore lagu soo galayay lacag qofkasta oo Lacag heysatana aay u sahlaneed inu soo galo Xaflada

Habar Saado ayaa ka mid ahan jirtay Fanaanintii hore, In kasta oo Sanadahan dambe aay u muuqato qof u Dilaacday Siyaasada Iyo Isku dirka Beelaha Somaliyeed.

zaterdag 29 mei 2010

Ethiopia oo Xafiis hoos tegi doona Safaaradda Hargeysa ka furtay Garoowe

‏May 29, 2010 at 4:06 PM
 - Magaalada Garoowe ee Xurunta Maamul Goboleedka Waqooyi Bari (Puntland) ayaa maanta laga furay Xafiis aay yeelan doonto Dowladda Federaalka ee Ethiopia, Xafiiskan ayaa waxa xariga ka jaray Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Garoowe Col Cabdisamad cali Shire, isaga oo sheegay inay ku faraxsan yahiin in Maamulkooda markii ugu horreysay laga furo Xafiis Metela Dowladda Ethiopia taasina waxa u sheegay inay u tahay Puntland Guul weyn.

Madaxa Xafiiska EThiopia Ato Asmalash Ayaa isaguna sheegay in Xafiiskan u Puntland kala shaqeyn doono Nabadgelyada Iyo weliba Arrimaha Horumarinta dalka, Waxana u ku Ammaanay Puntlan la dagaalanka Argagaxisada Iyo Weliba Amniga aay gaartay
Xafiiskan ayaa noqon doona sidaa la sheegay mid Hoos Yimada Safaarada Ethiopia ku leedahay Caasimadda jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa

Yaldo

vrijdag 28 mei 2010

KOMISHANKA DOORASHOOYINKA OO SHAACA KA QAADAY WAKHTIGA LA SOO SAARI DOONO TIRADA DADKA KA QAYB GALAYA DOORASHADA

Komishanka Doorashooyinka oo Shaaciyey Waqtiga la soo Saarayo Tirada Dadka ka Qaybgalaya Doorashada

Written by  Yaldo Online
May 29, 2010 at 03:10 PM
Yaldo online-Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa ka xog-warramay halka ay marayso wejiga labaad ee hawsha qaadashada kaadhadhka cusub ee codbixinta oo si rasmi ah uga socota dhammaan degmooyinka dalka Somaliland .

Bal hala yara kala aragti duwanaado dee ilayn dadku waa xor'e

"Bal hala yara kala aragti duwanaado dee ilayn dadku waa Xor-e!"


- Saado Cali Warsame waa gabadh, gabadh iyo Siyaasadina xiligan aan ku jiro ee kala xayashada iyo wada xajiinta ah isma gayaan oo inay kala warwareegaan ayaa haboon! Hadiiba ayse dhacdo in gabadhu ( Saado iyo gabadh kasta) wax tabato oo dareenku ku dirqiyo inay xifaaltanto, in ragu u xaytaan xaasha' e ma' aha.

Buuhoodle oo dhawaan Ciidamada qaranku la wareego doonaa.

Ciidamada Jamhuuriyada Somaliland oo ku Dhow Inay la Wareegan Buuhoodl
WidhWidh, Somaliland (SF) - Ciidanka Jamhuuriyada Somaliland ayaa ku dhow inay la wareegan Magaalada Buuhoodle, Boqolaal ciidamada Qaranka ah ayaa soo degay degaanka Dhalama Cune oo in ka yar 20 KM u jirta magaalada Buuhoodle

Ciidamada Jamhuuriyada ayaa la sheegay inay Habeenimadii xalay halka soo degeen iyaga oo wota Gawaarida dagaalka iyo Weliba Hub Cul Culus

Maleeshiyo ku sugna Buuhoodle oo u badna Qaad-Wolayaal ayaa la sheegay inay magaalada Isaga baxeen, waxana la filaya in ciidamada Jamhuuriyada Somaliland aay Saacadaha soo socda La Wareegan Magaalada

Wariye ku sugan Buuhoodle oo ka gabsaday in Magaciisa la xuso Ayaa u sheegay  yaldo  in Magaalada Buuhoodle aay xilligan ka jirto Cabsi xoog leh, iyada oo dadka qeybtiina Bilaabeen barakac xoog leh
Siyaasiyiin Iyo Wasiiro ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa iyagu la sheegay inay dagaalkan Amarkiisa Bixiyeen kadib markii ay ka War heleen in Degmada Buuhoodle laga yaabo inay la wareegan ONLF oo Taageero ka heleysa Maleeshiyad u woto Nin lagu magacaabo Keyse Cabdi Yusuf

Yaldo Online

donderdag 27 mei 2010

Sir Culus

Maamulka Puntland oo Wareegto sir ah soo saaray lagu qabanayo xubnaha ama hogaanka SSC
yaldo oo ay u hirgashay waraaqadaas oo sir ah inay gacanta ku dhigto (Warqad sir ah)

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka puntland Oo Soo Saaray Wareegto Lagu Xidhayo Ciddii Hogaanka SSC La Shaqaysa, Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Garoowe C/samad Cali Shire ayaa warqad uu ku saxeexan yahay waxa lagu amrayaa ciidamada nabad galyada in ay qabqabtaan cidii la shaqaysa ama taageerta Hogaanka u heelan soo celinta deegaanka Sool, Sanaag Iyo cayn. Warqadan oo ah warqad ku

woensdag 26 mei 2010

Osmaan hindi oo Gacanta loola Tegey.

War Deg-deg ah Guddoomiyaha Ololaha Doorashada Xisbiga UDUB oo lagu Dilay Xafiiskiisa Hargeysa.-Guddoomiyaha Ololaha Doorashada ee Xisbiga UDUB Cismaan C/laahi Cigaal "Cismaan Hind" ayay goor dhaweyd niman la soo abaabulay ku dhex garaaceen Xafiiskiisa, waxaanay soo gaadhsiiyeen dhaawacyo badan, waxaana imika lagu daweynayaa Cisbitaalka Guud ee Hargeysa Dilka Cismaan Hindi ayaa loo aanaynayaa inuu yahay mid qorshaysnaa isla markaana loogu talagalay in lagu khaarajiyo, laakiin Askarigii Ilaalinayay oo Albaabka laga galo Irrida Xafiiskiisa Ololaha Doorashada furayay ayaa rasaas ooda kaga qaaday kadib markii uu arkay Cismaan Hindi oo niman badan oo hubaysani ay garaacayaan

Ilaa hada ma cada sababta ay nimankaasi ku dileen Cismaan laakiin waxa ay wararka soo baxayaa sheegayaan in loolanka dhinaca Siyaasada ee wakhtigan ay isaga iyo Mucaaradku Saxaafada isku marinayaan inay sababtay, gaar ahaana waraysi uu ku weeraray Siilaanyo iyo Maxamed Kaahin, kuwaasoo isaga hore Saxaafada ugu weeraray

Source Waaheen. 26-5-2010

dinsdag 25 mei 2010

Xog-hayaha Arrimha Dibeda ee Kulmiye

Marka hore waxaan salaamayaa dhammaan umadda reer Somaliland meel wallba oo ay ku sugan yi hiinba,kuna ciida farxad iyo ray raynta munaasabadda 18 May, oo ay ka soo wareegtay 19 sanno m aalintii aan la soo noqonay karaamadeenii iyo sharftii dalkeenna. Waxaan ilaahay subxaane wataca ale ka baryayaa , inuu dalkeenna ka yeelo kii nabad iyo caano lagu wada nagado, Aamiin.

QARAMADA MIDOOBAY OO QORSHE CUSUB SOO BANDHIGAY

 Ilo wareedyo muhiima ayaa ku xog waramay in Qaramadda Midoobay ay Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed ka saxiixday qorsha Somalia looga hirgelinaa Dowlad ay madax ka noqonayaan 16 Masuul oo ka kala imaan doona garabyada saameeynta leh sida Dowladiisa,Somaliland,Ahlusuna Wal Jameeca,Ganacsatadda,Al-Shabaab,Xisbul Aweys,Bulshada rayidka,Raaskambooni,Puntland iyo Galmudug.

Dabaal dagii 18 May 2010

Fariin Jaaliyada reer somaliland ee degan wadanka Holland ayaa waxay iga codsadeen inaan gaadhsiiyoSalaan qaaliya oo ay  u dirayaan Shabakada Caalimiga ah ee TNN iyo Hogaamiyaheeda Egn. Maxamed Cali Muuse.


Intaaasi dabadeed, waxaa caawa oo ay taariikhdu tahay 15-5-2010 lagu qabtay WadanHolland  Magaalada DEN HAAG . Dabaaldagii Xuska 18 may, waxaana halkaasi ka dhacday Xaflad si wen loo soo abaabuley oo Il-weyntu is qabatay, oo aan hore loogu arag. Waxaa ka soo qayb galey dhamaan dadweynha reer soomaliland ee dagan wadaka oo an  u kala hadhin yar iyo weynba.
Waxaa halkaasi laga soo jeediyey khud-bado dhiiga dhaqaajiyey, oo ka xog warameyey siliciIyo halaagii loo soo maray gobonimda aan maanta hadhsaneyno. Markii ay khubadahaasi socdeen, waxaan dadweynaha ka muuqday dareen murugo iyo cadho leh.
Waxaa is goobtaasi loogu duceeyey in Ilahay naxariistii janno ka waraabiyo MUJAAHIDIINTII ku naf-waayey dagaalkii la galay faqashta.


Waxaa kale oo halkaasi ka heesayey fanaanin uu ka mid yaha nuur Daalacay,  Faaisa iyo qaar kaloo badan.


Halgan Maxamed Yuusuf Buux

maandag 24 mei 2010

Buuhoodle Oo Heshiis laga gaaray.
Indha Cadde Oo ka Soo Horjeestay Ciidamo Kale Oo dowladda Loo Soo tababar.


zondag 23 mei 2010

Ciidamada qaranka oo baabah ka dhigay Cadowgii.

Ciidamada soomaaliland ayaa dabada kaga dhacay,maleeshiyaadkii soomaaliland diidka ahaa ee isku urursanayey meel u dhaw Tuulada widh-widh, waxay gaadhisiiyeen ciidamada qaranku maleeshiyaadkaasi
ama ay ka dhegeen baabah.

zaterdag 22 mei 2010

Barnaamijka siyaasadeed,ee xisbiga Kulmiye

Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye ee Doorashada Madaxtooyada ee 2010 Q.1'aad by Mingiste Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye ee Doorashada Madaxtooyada ee 2010 Q.1'aad by Mingiste

woensdag 19 mei 2010

Daalo oo duulimaayadii dib u furtay


May 19, 2010 Shirkadda Daallo oo Duulimaadyadeeda Caadiga ahaa dib u bilaabaysa Bisha Juun

Hargeysa(Waaheen) Shirkadaha DIyaaradda ee Daallo Airlines ayaa dib u bilawday duulimaadyadeedii caadiga ahaa ka dib markii ay muddo dib habayn ku jirtay.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirkadda Daallo Airlines, xafiiskeeda magaalada Hargeysa, duulimaadkii ugu horeeyay waxa ay shirkadda Daallo 17-18 ku tagtay dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya, waxaanay duulimaadyadeedeedii isku xidhka wadamada Geeska Afrika ee Somaliland, Djibouti Somalia iyo dunida inteeda kale si rasmi ah u bilaabaysaa 3-da bisha June 2010, xilligaasi oo Insha Allaah ay dhammaanba adeeggii duulimaadyada ee Xamuulka (Cargo) iyo Rakaabka (Passangers) ay rasmi ahaan u bilaabmayaan.

Soo noqo-shada dadkii hore Holland uga qaxay.

Waxaan in dhaweyba si xawli ah dib ugu soo noqonaya wadanka Holland dadweynihii Soomaaliyeed ee hore ugu sii qaxay wadanka INGIRIISKA. Marka aad dadakaasi weydiiso sababta kalifatay dib u soo noqoshadooda, waxay dadku kuu sheegayaan in  shaqo la'aan aad u badani ay ka jirto wadanka INGIRIISKA
iyo weliba noloshii oo aad u adkaatay.

Maslax Maxamed Siyaad Barre Oo La Filayo In Loo Doorto Raysal Wasaaraha Somalia

Maslax Maxamed Siyaad Barre Oo La Filayo In Loo Doorto Raysal Wasaaraha Somalia

Hargeysa May 18, 2010 -Maslax Maxamed Siyaad Barre, uu Aabo u ahaa madaxweynihii dawladii burburtay ee dalkii la isku odhan jiray Somalia Maxamed Siyaad Barre, ayaa la filayaa in maanta loo doorto Raysal wasaaraha dawlada ku meelgaadhka ah ee Somalia, ka dib markii ay burburtay maalintii doraad dawladii Raysal wasaaraha uu ka ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, islamarkaana uu is-casilay gudoomiyihii baarlamaanka dawlada ku meelgaadhka Sh Aadan Madoobe.

dinsdag 18 mei 2010

Dhanxiir muxuu yidhi maanta

DHANXIIR
Waaryaadhaheen UDUB-tii ma ololihii bilaashka ahaa iyo carruurihii ay balwadaha bareen ayaa khasnadeedii faaruqiyey, ilayn waa tan lacagaha soo daabulanaysee, mise mashruucii dhagaxa iyo khalkhalinta ayuu sicirkiisii cirka isku shareeray, markii wejigii Ducaalays-naa ee Ceerigaabo hirgalay, ilayn gunnooyin lama bixin oo waa kuwan guurtidii iyo shaqaalihii bilaa mushaharooyin ka ahe.

maandag 17 mei 2010

iidamada qaranka

Ciidamo Ka Tirsan Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya Oo Dhaqdhaqaayo Milateri Ka Wada Hawdka Fog Ee Gobolka Sool Iyo Cabsi Soo Wejahaday Maleeshiyaad Somaliland Diid Ah Oo Isku Urursanaya Dharkeyn Geenyo.

india

Tientallen doden door aanslag India
NEW DELHI - Zeker twintig mensen, onder wie politieagenten, zijn maandag omgekomen toen opstandelingen in het centrum van India onder een bus een landmijn tot ontploffing brachten. Dat hebben lokale media gemeld. Mogelijk zal het aantal doden tot vijftig oplopen.
Ads door Google
Voorkom VerminkingVoor 15 cent per dag helpt u de Leprastichting vrijblijvend!www.Leprastichting.nl
Libresse & Oxfam NovibKoop Libresse en help meisjes als Susanna naar school in Soedan.www.libressehelpt.nl
Safaripark Beekse BergenBoek nu de mooiste bungalows Boek nu voordelig online! OP=OPwww.libemavakantieparken.nlDe aanslag had plaats in Dantewada in de staat Chhattisgarh. In het gebied zijn al veertig jaar maoïstische opstandelingen actief, die verantwoordelijk worden gehouden voor de dood van duizenden mensen.

zondag 16 mei 2010

Xuskii 18 may 2010

Fariin Jaaliyada reer somaliland ee degan wadanka Holland ayaa waxay iga codsadeen inaan gaadhsiiyoSalaan qaaliya oo ay u dirayaan Shabakada Caalimiga ah ee YALDO ONLINE.
Intaaasi dabadeed, waxaa caawa oo ay taariikhdu tahay 15-5-2010 lagu qabtay WadanHolland Magaalada DEN HAAG . Dabaaldagii Xuska 18 may, waxaana halkaasi ka dhacday Xaflad si wen loo soo abaabuley oo Il-weyntu is qabatay, oo aan hore loogu arag. Waxaa ka soo qayb galey dhamaan dadweynha reer soomaliland ee dagan wadaka oo an u kala hadhin yar iyo weynba.
Waxaa halkaasi laga soo jeediyey khud-bado dhiiga dhaqaajiyey, oo ka xog warameyey siliciIyo halaagii loo soo maray gobonimda aan maanta hadhsaneyno. Markii ay khubadahaasi socdeen, waxaan dadweynaha ka muuqday dareen murugo iyo cadho leh.
Waxaa is goobtaasi loogu duceeyey in Ilahay naxariistii janno ka waraabiyo MUJAAHIDIINTII ku naf-waayey dagaalkii la galay faqashta.
Waxaa kale oo halkaasi ka heesayey fanaanin uu ka mid yaha nuur Daalacay, iyo qaar kaloo badan.
Yaldo Online

vrijdag 14 mei 2010

qaadashada kaakdhka

Axmed Siilaanyo Oo Dadweynaha Ugu Baaqay Inay Komishanka La ShaqeeyaanXil Weyna Iska Saaraan Nabadgelyada Iyo Qaadashada Kaadhadhka Cusub
“Waanu Ognahay In UDUB Marmarsiiyo U Raadinayso Inay Doorashada Ka Muquurato Oo Fashiliso, Guurtida Waxan Ka Filayaa Wanaag”Guddoomiyaha Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Hargeysa, May 13, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dadweynaha reer Somaliland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana xil weyn iska saaraan hawsha lagu qaadanayo kaadhadhka cusub, isagoo dhanka kalena ku eedeeyay xisbiga UDUB inay doonayaan carqaladaynta doorashada, taas oo uu sheegay inay tahay wax shacbiga reer Somaliland aanay aqbali Karin.
Guddoomiyaha Kulmiye Mujaahid Axmed Siilaanyo oo xalay khadka tilifoonka ugu waramayay Wargeyska Haatuf waxa uu intaas ku daray in xisbigoodu la shaqaynayo Komishanka, isla markaana Muraaqibiin u joogaan goob kasta, waxaanu intaasi Axmed Siillaanyo raaciyey in Golaha Guurtida uu ka filayo inay si wanaagsan uga qayb qaataan doorashada dalka ka qabsoomi doonta Bisha June ee Fooda Inagu soo haysa.
Su’aalihii iyo Jawaabihii Waraysigaasina Waxa uu u dhacay sidan:-
S: Maxaad Kala Socotaa Sida Ay U Socoto Hawsha Diyaar Garowga Kaadhadhka Cusub Lagu Qaadanayo?
J: Inta aan kala socdo si wanaagsan ayay hawshu u socotaa, anagu hawsha wixii na gala gudboonaa waanu qabanay, waan la shaqeynaynaa Komisanka, waa hawl muhiim ah oo inoo wada taal, muraaqibiin baa noo joogta goob kasta, markaa qayb libaax buu Kulmiye ka qaadanayaa hawsha kaadhadh bedelida.
S: Waxa jira warar ay saxaafada qaarkood qortay oo sheegayay in shirguddoonka Quurtidu qorshaynayaan inay doorashada dib u riixaan, arrintaa maxaad kala socotaa?
J: Arrimo noocaas ah inay Guurtidu ku talaabsanayso u maleyn maayo oo doorashada is hor taagayso, Guurtida waxan ka filayaa waa wanaag.
S: Madaxweyne Rayaale, shalay (doraad) wuxu sheegay in Diiwaangelintii aanay noqon siddii la filayey wixii la doonayayna aanay ka soo bixin, hadalkaa siddee baad u aragtaa?
J: Waanu ognahay in dhawaanahanba UDUB marmarsiiyo u raadinaysay inay doorashada ka muquurato oo fashiliso, taasina shacbiga reer Somaliland ka aqbali maayo, hase ahaatee waxaanu qaadanaynaa hadalkii ka soo baxay ee ahaa diiwaangelinta wixii ka soo baxa waanu ku qanacsanahay doorashadana waan ku galeynaa.
S: Waa Maxay Fariinta Aad Dadweynaha U Gudbinaysaa?
J: Waxan leeyahay dadweynaha, hawshaa xil weyn ha la iska saaro, nabadgelyada ha la ilaaliyo, Komishanka ha lala shaqeeyo, hawshaasi masuuliyadeeda sida ay tahay ha looga soo baxo, cabashooyin way jiri karaan, dadku meelo badan buu iskaga yimid, hawlaha farsamo cida xalin kartaa waa Komishanka, wakhti baa la siin doonaa dadku si ay kaadhadhka u wada qaataan, inagoo qaran isku duuban ah aan hawshaa guul ka soo wada hoyno.
Xayeesiis 728x90

--------------------------------------------------------------------------------
Published: 13 May 2010


KN: Xamar caasimad noqon weydey, Hargeysa ayaa haatan isu diyaarineysa taajka magaalo madaxnimada Soomaaliya, mana ahan wax aan ku riyoonayee waa sida ay xaqiiqda tahay

Kaliya waxaa laga yaabaa in aan waxooga ka hordhacayo xog soo bixi doonta, taana waxaan filayaa in aad iga cafin doontaan wax soo socda sheegistood.

Ma ahan in Hargeysa looga magdhabayo duqeyntii arxan darada ahayd ee 1988 dii, mana ahan in looga abaal noqonayo ku biiristii koonfurta 1dii Luuliyo 1960, ee arrintani waxay si kasta u khuseysaa mustaqbalka Somaliland kadib 19 sanno oo ay ku jireen dublamaasiyad aan dhamxanaga dhaafin oo lagu doonayay aqoonsi iyo gooni isu taag.

Haddii ay noqon lahayd in taariikhda dib loo qoro oo mar kale ay Hargeysa noqonaya meesha dhasha xoriyad iyo dowladnimo uu dalka gaaro iyo hadii ay noqon lahayd dadaal kale oo noqda hal bacaad lagu liso, mudooyinka fooda soo ah meel ka mid ah Somaliland waxaa lagu qabanayaa shir weyne dib u heshiisiineed oo lagu soo dhisayo dowlad cusub.
sida aan ku hayo xogo iga soo gaarey illo dublamaasiyadeed, waxaa madasha shirka loo doortey halkii ay diinta kasoo degtey ee Seylac, waxaana ka qeybgalaya dhamaan siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedyada Soomaalida.

Dhaqaalaha shirkani ku baxaya iyo qorshe howleedkiisa waa la dajiyey, haddii Cali Mahdi Maxamed , Cabdiqaasim Salaad Xassan, Maslax Maxamed Siyaad Barre iyo Jeneraal Moorgan aad Seylac ku aragtana haku mashquulin “koodee madaxweynenimo u sharaxan iyo keebaa helaya”, mar kasta maanka ku hay madaxnimada markani waxaa leh Waqooyi, waxa soo raaca waa Puntland.

Sida wararku sheegayaan madaxweynenimada waxaa hubanti looga dhigey madaxweynaha Somaliland halka Ra’isulwasaarenimada la siinayo madaxweynaha Puntland, caasimada waxay noqoneysaa Hargeysa, laakiin waxaa dood ka jirtaa in fadhiga baarlamaanka laga dhigayo magaalo Puntland ka tirsan iyo inkale. Caano daatay dabadooda la qabtaa

Kani waa halku dhiga laga duulayo ee lagu saleynayo shirweynahani dib u heshiisiineed, dadka qabanqaabinayo oo ay hormuud ka yihiin qaramada midoobey iyo Maraykanka waxay rumeysanyihiin in dhamaan isku dayadii hore ee dhowr iyo tobanka ahaa ee koonfurta dowlad looga dhisayay aysan dhalin wax natiijo ah oo aan ka ahayn in god dheer ay ku dhacdo rajadii ahayd in wax nidaam ah yimaado.

Wax kalaba ha joogtee qaska koonfurta ka jira haatan kaliya halis kuma ah nidaamyada ka jira dalka intiisa kale ee xitaa waxa uu halis ku yahay wadamada dariska ah, sidaasi darteed waxaa lasoo gaarey xiligii la taagi lahaa dowlad awood badan oo la garab istaago oo laga dhiso gobolada haatan xasiloon taasoo badbaadisa maamulada jira, isla markaasina ka hor tagta halista soo food leh.

DKMG ah ?

Hadaba sidee laga yeelayaa DKMG ah ? haddii warqada Litmas-ka loo yaqaano la galiyo aashitada waa in ay noqotaa midabkeedu buluug, taasina waa tijaabada asaasiga ah ee cilmiga kimistariga, laakiin ka waran haddii ay noqoto madoow?.

Dowlada uu hogaaminayo Sheekh Shariif waxa ay ku guul daraysatay tijaabada Litmus-ka, halkii laga filayay calan buluug ah oo dalka oo dhan ka babadana wax kasta waxay noqdeen uuro madoow iyo qabuuro, haatan waxay ka talisaa wax ka yar 5 kiilo mitir oo isku wareeg ah.
Laakiin taasi waaba ka weyntahay dhaliilaha loo hayo DKMG ah ee ay markani daruuri u tahay in la dhiso dowlad kale, iskaba dhaaf dalka oo dhane xitaa haddii DKMG ah ay la wareegto caasimada waxaa la xaqiiqsaday in aysan il fiyoow kasoo jeedin oo uu dhalan doono qas iyo lab kale oo xambaarsan magac qabiil iyo kooxeysi hor leh.

haddiiba la qaato go’aanka ah in dowlad kale la dhiso, si sahlan ayaa looga dul talaabsan karaa DKMG ah, kaliya ciidamada AMISOM ayaa Xamar laga saarayaa, 12ka saac ee xigana Villa Somalia waxaa ka khudbeynaya Sheekh Cali Raage ama Macalin Xaashi, kadibna Sheekh Shariif ayaa Zeylac dayuurad loogu duulinayaa, xilkana waa laga tirsanayaa. Waaba wax intaasi ku eg. Seylac “gudaha dalka”

Shirka Seylac waxaa looga jawaabaa dooda ah “maxaa illaa hadda hal shir xitaa dalka gudihiisa loogu qaban la’yahay?” haddiiba shir gudaha lagu qabtey uu inaba wax soo kordhinayo.
Wallow in shir gudaha lagu qabto ay tahay arrin micno badan noogu fadhida, hadana markasta waxa micnaha dhabta ah samaynaya sida loo maamulo, cidda maamuleysa in ay tahay mid ka madaxbanaan danno shisheey, iyo kuwa la dooranayo in ay yihiin dad awood leh oo ugu yaraan wax ka fulin kara meelaha ay ka taliyaan.

Marka la’isku darro Seylac oo dalka gudihiisa ah, Somaliland iyo Puntland oo ah maamula jira oo awoodo leh, iyo ka qeybgalka shirka oo Soomaalida loo xaq sooro, aduunkana garab istaago, waxaa halkaasi kasoo muuqan kara fursad ugu yaraan aan ku heli karno dowlad kala bar dalka ka talisa oo intii muddo ah lagu nasto.

Xuuraan: Waa qormo joogto ah oo laffo gur ah

W/Q: Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com

KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
Ninkani meelna uma socdo


Madaxweynaha iyo Wiilka Madaxweynaha

Godey:Ciidamada UWSLF oo sugaya Amaanka Sheekh Ibraahim!(DAAWO SAWIRADA)


Gaalkacayo oo colaad lagaa abaabulayo


Xisbul Islaam oo la wareegey Xarardheere



Xayeesiis 25x250 All material copyright Kismaayo News
© Kismaayonews.com. All Rights Reserved

doorashooyinska


War farxad leh oo maanta naga soo gaadhay wadankii hooyo ayaa waxa uu sheegaya inaan bisha
soo socot ee Juun 26-6-2010, la qaban doono doorashadii ina dawikhisey, waana guul u soo
hoyeytay dalkeena hoyo. Sida la xaqiijiyey, waxa warkaasi rayn-rayn ku aqbaley labada xibi
mucaarid iyo xukuumadaba.

Wixii warar ah ee ka soo korhda kala soo xidhiidh shbakada YALDO ON LINE.