vrijdag 14 mei 2010

Xayeesiis 728x90

--------------------------------------------------------------------------------
Published: 13 May 2010


KN: Xamar caasimad noqon weydey, Hargeysa ayaa haatan isu diyaarineysa taajka magaalo madaxnimada Soomaaliya, mana ahan wax aan ku riyoonayee waa sida ay xaqiiqda tahay

Kaliya waxaa laga yaabaa in aan waxooga ka hordhacayo xog soo bixi doonta, taana waxaan filayaa in aad iga cafin doontaan wax soo socda sheegistood.

Ma ahan in Hargeysa looga magdhabayo duqeyntii arxan darada ahayd ee 1988 dii, mana ahan in looga abaal noqonayo ku biiristii koonfurta 1dii Luuliyo 1960, ee arrintani waxay si kasta u khuseysaa mustaqbalka Somaliland kadib 19 sanno oo ay ku jireen dublamaasiyad aan dhamxanaga dhaafin oo lagu doonayay aqoonsi iyo gooni isu taag.

Haddii ay noqon lahayd in taariikhda dib loo qoro oo mar kale ay Hargeysa noqonaya meesha dhasha xoriyad iyo dowladnimo uu dalka gaaro iyo hadii ay noqon lahayd dadaal kale oo noqda hal bacaad lagu liso, mudooyinka fooda soo ah meel ka mid ah Somaliland waxaa lagu qabanayaa shir weyne dib u heshiisiineed oo lagu soo dhisayo dowlad cusub.
sida aan ku hayo xogo iga soo gaarey illo dublamaasiyadeed, waxaa madasha shirka loo doortey halkii ay diinta kasoo degtey ee Seylac, waxaana ka qeybgalaya dhamaan siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedyada Soomaalida.

Dhaqaalaha shirkani ku baxaya iyo qorshe howleedkiisa waa la dajiyey, haddii Cali Mahdi Maxamed , Cabdiqaasim Salaad Xassan, Maslax Maxamed Siyaad Barre iyo Jeneraal Moorgan aad Seylac ku aragtana haku mashquulin “koodee madaxweynenimo u sharaxan iyo keebaa helaya”, mar kasta maanka ku hay madaxnimada markani waxaa leh Waqooyi, waxa soo raaca waa Puntland.

Sida wararku sheegayaan madaxweynenimada waxaa hubanti looga dhigey madaxweynaha Somaliland halka Ra’isulwasaarenimada la siinayo madaxweynaha Puntland, caasimada waxay noqoneysaa Hargeysa, laakiin waxaa dood ka jirtaa in fadhiga baarlamaanka laga dhigayo magaalo Puntland ka tirsan iyo inkale. Caano daatay dabadooda la qabtaa

Kani waa halku dhiga laga duulayo ee lagu saleynayo shirweynahani dib u heshiisiineed, dadka qabanqaabinayo oo ay hormuud ka yihiin qaramada midoobey iyo Maraykanka waxay rumeysanyihiin in dhamaan isku dayadii hore ee dhowr iyo tobanka ahaa ee koonfurta dowlad looga dhisayay aysan dhalin wax natiijo ah oo aan ka ahayn in god dheer ay ku dhacdo rajadii ahayd in wax nidaam ah yimaado.

Wax kalaba ha joogtee qaska koonfurta ka jira haatan kaliya halis kuma ah nidaamyada ka jira dalka intiisa kale ee xitaa waxa uu halis ku yahay wadamada dariska ah, sidaasi darteed waxaa lasoo gaarey xiligii la taagi lahaa dowlad awood badan oo la garab istaago oo laga dhiso gobolada haatan xasiloon taasoo badbaadisa maamulada jira, isla markaasina ka hor tagta halista soo food leh.

DKMG ah ?

Hadaba sidee laga yeelayaa DKMG ah ? haddii warqada Litmas-ka loo yaqaano la galiyo aashitada waa in ay noqotaa midabkeedu buluug, taasina waa tijaabada asaasiga ah ee cilmiga kimistariga, laakiin ka waran haddii ay noqoto madoow?.

Dowlada uu hogaaminayo Sheekh Shariif waxa ay ku guul daraysatay tijaabada Litmus-ka, halkii laga filayay calan buluug ah oo dalka oo dhan ka babadana wax kasta waxay noqdeen uuro madoow iyo qabuuro, haatan waxay ka talisaa wax ka yar 5 kiilo mitir oo isku wareeg ah.
Laakiin taasi waaba ka weyntahay dhaliilaha loo hayo DKMG ah ee ay markani daruuri u tahay in la dhiso dowlad kale, iskaba dhaaf dalka oo dhane xitaa haddii DKMG ah ay la wareegto caasimada waxaa la xaqiiqsaday in aysan il fiyoow kasoo jeedin oo uu dhalan doono qas iyo lab kale oo xambaarsan magac qabiil iyo kooxeysi hor leh.

haddiiba la qaato go’aanka ah in dowlad kale la dhiso, si sahlan ayaa looga dul talaabsan karaa DKMG ah, kaliya ciidamada AMISOM ayaa Xamar laga saarayaa, 12ka saac ee xigana Villa Somalia waxaa ka khudbeynaya Sheekh Cali Raage ama Macalin Xaashi, kadibna Sheekh Shariif ayaa Zeylac dayuurad loogu duulinayaa, xilkana waa laga tirsanayaa. Waaba wax intaasi ku eg. Seylac “gudaha dalka”

Shirka Seylac waxaa looga jawaabaa dooda ah “maxaa illaa hadda hal shir xitaa dalka gudihiisa loogu qaban la’yahay?” haddiiba shir gudaha lagu qabtey uu inaba wax soo kordhinayo.
Wallow in shir gudaha lagu qabto ay tahay arrin micno badan noogu fadhida, hadana markasta waxa micnaha dhabta ah samaynaya sida loo maamulo, cidda maamuleysa in ay tahay mid ka madaxbanaan danno shisheey, iyo kuwa la dooranayo in ay yihiin dad awood leh oo ugu yaraan wax ka fulin kara meelaha ay ka taliyaan.

Marka la’isku darro Seylac oo dalka gudihiisa ah, Somaliland iyo Puntland oo ah maamula jira oo awoodo leh, iyo ka qeybgalka shirka oo Soomaalida loo xaq sooro, aduunkana garab istaago, waxaa halkaasi kasoo muuqan kara fursad ugu yaraan aan ku heli karno dowlad kala bar dalka ka talisa oo intii muddo ah lagu nasto.

Xuuraan: Waa qormo joogto ah oo laffo gur ah

W/Q: Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com

KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
Ninkani meelna uma socdo


Madaxweynaha iyo Wiilka Madaxweynaha

Godey:Ciidamada UWSLF oo sugaya Amaanka Sheekh Ibraahim!(DAAWO SAWIRADA)


Gaalkacayo oo colaad lagaa abaabulayo


Xisbul Islaam oo la wareegey Xarardheere



Xayeesiis 25x250 All material copyright Kismaayo News
© Kismaayonews.com. All Rights Reserved

Geen opmerkingen:

Een reactie posten