dinsdag 8 juni 2010

Siilaanyo oo Gobolka Gabiley si weyn loogu soo dhaweeyey

Dadweynaha Reer Allay-baday oo si gaar ah u soo Bandhigay Dabaal-deg ay Farxadi ka muuqato

Gabbiley (Waaheen) Amaanka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj: Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoo ay Shalay ilaalinayeen Ciidamo ka tiro badan intii hore u ilaalin jirtay kuwaasoo gaadiid iyo lugba ku socday.

Adkayntan Amaanka Gudoomiyaha waxa laga dareemay shalay mar uu Gudoomiyahu Booqasho la xidhiidha ololaha Doorashada ku soo maray Gobolka Gabilay iyo Deegaanada hoos yimaada.

Xoojinta Amaanka Gudoomiyaha ayaa waxay ku soo hagaagtay iyada oo wakhtigii Dorashada uu xili yari ka hadhsan yahay isla markaana uu socdo ololaha ay wadaan Musharaxiintu, waxaana laga cabsi qabaa in Dad u cadaw ah Somaliland ay Kharbudaan Ololaha Dorashada.

Waxa kale oo ay ka danbaysay mar ay dhawaan Komishanka Doorashooyinku fareen Taliyaha Ciidanka Boliska inay adkeeyaan amaanka Musharaxiinta madaxtinimada, mana cada in talaabadan lagu adkeeyay amaanka Gudoomiyuhu ay la xidhiidho amarka Komishanka iyo inay tahay mid si gaar ah uga timid xisbiga Kulmiye.

Dhinaca kale, Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah e Kulmiye ayaa shalay isu so baxayo aad u balaadhan ka sameeyey Magaalooyinka Gebilay iyo Wajaale,kuwaas oo muujinayey cududa taageerada ay u hayaan Xisbigaasi oo shalay maalintiisii labaad ee ololaha dorashada madaxtooyada si weyn isugu soo baxay guud ahaan dalka, islamarkaana ay ku soo dhaweynayeen Gudoomiye Siilaanyo.

Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee isugu soo baxay magaalada Gabiley oo aad u badnaa, waxaa ugu horeyn khudbad u jeediyey Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], waxaanu taageerayaasha xisbigiisa iyo dadweynaha kale ee reer Gabiley uga mahadceliyey sida fiican ee ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Gabiley iyo guud ahaan deegaanka hoos yimaada Gobolkaas.

Md Axmed Siilaanyo waxaa uu sheegay in aanay xukumada madexweyne Rayaale wax horumar ah ka samayn Gobolka Gabiley iyo guud ahaan Somaliland oo dhan, waxqabad la’aantaas-na waxaa uu ku eedeeyey maamulka Rayaale oo sheegay in aanay ku tallo galin in ay wax horumar ah ka samayso dalka.

Guddoomiyuhu waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay wax uu ugu yeedhay dib u dhac ballaadhan oo ka muuqda guud ahaan kaabayaasha aasaasiga ah ee Gobolka Gabiley. Sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarka kale oo uu sheegay in uu aad u hooseeyo isaga oo dadweynahaas uu sheegay in uu wax weyn ka qaban doono hadii ay codkooda siiyaan oo loo doorto hogaaminta Somaliland.

Sida oo kale waxaa isna taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmada Gabiley la hadlay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaalle, waxaanu sheegay in maanta loo baahan yahay is-bedel dhab ah laga sameeyo dalka, waxaanu xusay in uu isbedelkaas-na uu samayn doono xisbiga uu ka mid ka yahay sida ka muuqata barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu doonayo in uu dalka ku maamul hadii doorashada madextooyada ku guulaysto. isaga oo ugu baaqay shacabka Gobolka Gabiley inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE.

Ugu dambayntii waxaa isna taageerayaasha la hadlay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Muj Muuse Biixi Cabdi, waxaanu u soo jeediyey reer Gabiley iyo guud ahaan dadweynaha reer Somaliland inay codkooda ugu deeqaan xisbigooda uu sheegay in uu horumar la taaban karo ka samayn doono dalka.

Weftigan uu hogaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa waxaa ay soo mareen degmooyinka Wajaale, Kalla-baydh, Alley-baday iyo Gabiley oo dhammaantood ka wada tirsan Gobolka Gabiley

Source Waaheen.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten