dinsdag 27 juli 2010

Degmada Cusub ee Arabsiyo oo ka Hoos Baxday Gacanta Maamulka Maayarka Gabiley

Gaadhi ma raaco, ummaddaydana gaadhi la’aan ayaan ugu shaqaynayaa” Maayirka Degmada Cusub ee Arabsiyo


Arabsiyo (Jam)- Degmada cusub ee Arabsiyo, ayaa markii ugu horreysay toddobaadkan si rasmi ah uga madaxbannaanaatay gacanta maamulka maayirka Gabiley oo ay hore ugu hoos jirtay.


Magaalada Arabsiyo oo degmanimada qaadatay lix cisho ka hor maalintii codbixinta doorashada madaxtooyada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 26-kii June 2010, waxay ka mid tahay degmooyinkii ugu danbeeyey ee xukuumadda madaxweyne Rayaale ee maanta talada dalka wareejinaysaa ku soo khatintay barnaamij baaxad leh oo ay labadii sannadood ee u dambeeyey ku magacowday nus-darsin gobollo ah iyo boqollaal degmo oo cusub.
Badhasaabka Gobolka Gabiley Mr. Maxamed Axmed X.Cabdi (Xabiib), ayaa maalintii Axaddii si rasmi ah masuuliyada maamulka Arabsiyo ugu wareejiyey duqa degmada Gabiley Md. Aadan Muxumed Bade, isla markaana xilka ugu tiriyey maayarka degmada cusub ee Arabsiyo Mr.Sitiin Ibraahim Nadiif.




Xilwareejinta maamulka degmada cusub ee Arabsiyo, ayaa ka danbaysay, ka dib markii maayirada labada magaalo ee lakala madaxbannaaneeyey dhowaan isku farasaareen maamulidda dakhli-maalmeedka cashuuraha uga soo xerooda degmada Arabsiyo oo xisaab-socod gaar ah looga furay Baanka Gabiley, arrintaas oo xiisad ka dhex abuurtay labada maamul ee Arabsiyo iyo Gabiley.


Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey xilwareejinta labada maayar iyo kala madaxbannaanaynta maamullada magaalooyinkaas oo ka dhacday Axaddii hudheelka Dalxiis ee Arabsiyo, ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiinta sare ee Gobolka Gabiley, maayirada xilka kala tirsaday, madax-dhaqameedyo, cuqaal, waxgarad iyo dhallinyaro ka tirsan bulshada degmada cusub ee Arabsiyo oo dhawaan loo samayn doono munaasibad weyn oo loogu wanqalayo degmonimadeeda.


“Waxaan ahay nin waayo-arag ah oo muddo dheer soo shaqaynayey, waligayna hanti ummadeed ma cunin oo wax cunis layguma xanto sida ragga qaarkii.


Anigu ma jecli oo baabuurta ma raaco, waayo wuu dhib badan yahay, waxaanan jeeclahay inaan dadkayga, si aan u kala ogaado ka jilicsan iyo ka dhibaataysanba.”


Sidaa waxa yidhi maayirka degmada cusub ee Arabsiyo Mr. Sitiin Ibraahim Nadiif oo hadal kooban ka jeediyey xafladdii uu xilka maamulka degmadiisa kagala wareegay Duqa Gabiley.


“Inkasta oo xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee laga guulaystay degmonimada siisay Arabsiyo, haddana shacabka reer Arabsiyo oo ah ilbax waxay si buuxda codkooda u siiyeen doorashadii Madaxtooyada Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aan u diray hambalyo iyo bogaadin aad u weyn, xukuumadda cusubna waxaannu ka sugaynaa inay gacan ka geysato horumarinta adeegyada bulshada ee magaalada Arabsiyo,” ayuu yidhi Maayar Sitiin.


Badhasaabka Gobolka Gabiley MR. Maxamed Axmed Xaaji Cabdi (Xabiib) oo isagu si rasmi ah labada maayar xilka ugu kala wareejiyey, ayaa tafaasiil ka bixiyey xaaladda guud ee gobolka, waxaannu sheegay in Gobolka Gabiley ku tallaabsaday horumar muuqda muddadii yarayd ee ka dambaysay markii gobolnimada la siiyey badhtamihii sannadkii 2008.

Badhasaabku waxa kaloo uu ka warramay taariikhda degmada cusub ee Arabsiyo oo uu ku tilmaamay magaalo qadiimi ah oo dhinac kasta kaga horreysa magaalo-madaxyo gobolnimo la siiyey, sidaa darteed waxa u maayar Sitiin ugu baaqay inuu ka shaqeeyo midnimada shacabka iyo horumarka degmada Arabsiyo oo uu xusay inay leedahay wax-soo-saar iyo dhaqaale ku filan haddii si habboon looga faa’iidaysto.


Waxa ka oo Mr. Xabiib uu kula dardaarmay maayarka cusub ee degmada Arabsiyo inuu waxqabadkiisa ugu horreeya ka bilaabo wax-ka-qabasha dhibaatooyinka culus ee dooxa Arabsiyo ku hayo shacabka degaanka iyo gaadiidka safarka ah, waxaannu kula taliyey inuu sii xoojiyo xidhiidhka jaaliyadda reer Arabsiyo ee dibadaha, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin kuwa ugu fiican qurbo-joogga Somaliland, marka la eego jacaylka iyo waxtarka magaaladooda.


Ugu dambayn, badhasaabku waxa uu ballanqaaday in maamulkiiisu taageero buuxda la garab tagnaan doono hirgelinta horumar kasta oo degaanka Arabsiyo higsanayso.


Sidoo kale, waxa munaasibadda xilwareejinta oo lagu qabtay hudheelka Dalxiis ee magaalada Arabsiyo ka hadlay maayarka degmada Gabiley ee xilka wareejiyey Md. Aadan Muxumed Bade, Boqor Muxumed Geelle Seed iyo xubno ka tirsan cuqaasha iyo odayaasha reer Arabsiyo, kuwaasoo dhammaantood muujiyey siday ugu faraxsan yihiin magacaabista degmonimada cusub ee Arabsiyo, iyagoo dhinaca kalena dardaaran iyo talooyin muhiim ah u jeediyey masuuliyiinta maamulka degmada Arabsiyo ee talada magaalada gacantooda lagu wareejiyey.

Degmada cusub ee Arabsiyo oo xukunta degaan ballaadhan oo hodan ku ah wax-soo-saarka beeraha, waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu dhaqaalaha badan Gobolka Gabiley, sidoo kalena waxay ka mid tahay magaalooyinka loo tago nasashada iyo dalxiiska, waxana ku yaal dhismeyaal casri ah oo aad u badan, kuwaasoo sii xoojiyey baaxadda iyo muuqaallada bilicdasan ee ay caanka ku tahay Arabsiyo, maamulka dawladdana waxa uga soo xerooda dakhli buuran oo lagu qiyaasay bishiiba ku dhawaad ilaa shan milyan oo ah dakhli-maalmeedka ka soo hoyda cashuuraha.


Jamhuuriya Online

Geen opmerkingen:

Een reactie posten