zaterdag 24 juli 2010

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka oo Maanta Gaadhaysa Go’aan Jidaynaya Madaxbannaanida Dalal Somaliland ka mid Tahay


“Fikirkayga, maxkamaddu waxay beddeli doontaa qaabka aynu ula dhaqano kuwa gooni-isu-taagaya mustaqbalka, taasina waxay furaysaa in dalal cusubi soo baxaan” Mr. James


Hague (Jam)- Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo (ICJ), ayaa la filayaa in ay go’aan rasmi ah Khamiista maanta ka gaadho dacwad xasaasi ah oo jidaynaya sharciyadda xaqa qarannimada dalalka aan la aqoonsan ee raadinaya madaxbannaanida oo Somaliland ku jirto.
Go’aanka maxkamadda ICJ maanta ka soo saarayso qaddiyadda madaxbannaanida dalalka aan la aqoonsan, waxa uu ka dambeeyey dacwad ku saabsan sharcinimada go’aankii Jamhuuriyadda Kosovo ee aan sida buuxda loo aqoonsan ku gaadhay inay ka go’day dalka Serbia sannadkii 2008.




Haseyeeshee, dawladda Serbia oo go’aankaasi ka cadhootay, ayaa dacwad u gudbisay Qaramada Midoobay, waxaana maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda adduunka laga dalbaday inay ka garnaqdo muranka u dhexeeya Serbia iyo Kosovo, gaar ahaan sharcinimada go’aanka madaxbannaanida ee ay ku dhawaaqday Kosovo, isla markaana waxay qiimaynaysay dhukumentiyo arrintan la xidhiidha oo Qaramada Midoobay gudbisay iyo waxa ay ka qabaan sharciyadda caalamiga ahi.


Maxkamadda oo maanta magaalada Hague saacaddu markay tahay 2:00pm ku dhawaaqi doonta go’aankeeda, ayaa noqonaya saddex qodob midkood, kuwaas oo kala ah in maxkamaddu sharciyeyso madaxbannaanida Kosovo, in ay ku tilmaanto mid sharci-darro ah iyo in aanay labadaa qodob midna ku dhawaaqin ee ay dib u celiso.


Haddii go’aanka maxkamaddu uu noqdo in madaxbannaanida Jamhuuriyadda Kosovo tahay mid sharci ah, waxa uu guul u noqonayaa dalal Somaliland ka mid tahay oo madaxbannaanidooda ku dhawaaqay, balse aan la aqoonsanayn, kuwaas oo xaqa gooni-isu-taagoodu noqon doono mid sharciyad ku fadhiya.


Waddamada goonida u go’ay, laakiin aan la aqoonsanayn ee go’aankan maxkamaddu faa’iidada wayn u leeyahay, waxa ka mid ah Somaliland, Qubrus, Nagorno-Karabakh iyo koonfurta Ossetia, Abkhazia iyo Transnistria.


Dadweyne fara badan oo adduunka ka tirsan ayaa si gaar ah isha ugu haya dhawaaqa ka soo yeedhi doona Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ), kaasoo loo arkayo inuu kala furdaamin doono dalal badan oo is haysta.

Mr. James Ker-Lindsay oo ah khabiir wax ka dhiga dugsi dhaqaalaha lagu barto oo ku yaala magaalada London, ayaa go’aanka maxkamaddu ku dhawaaqi doonto ku tilmaamay kii ugu muhiimsanaa abid ee la horkeeno maxkamadda caddaaladda.


“Fikirkayga shakhsiyeed maxkamaddu waxay beddeli doontaa qaabka aynu ula dhaqano kuwa gooni-isu-taagaya mustaqbalka, haddii maxkamaddu go’aanka ugu dhawaaqdo Kosovo, waxay furaysaa in dalal cusubi soo baxaan,” ayuu idhi Mr. James.

Maxkamadda Caddaladda Adduunka waxa la aasaasay sannadkii 1922-kii, waxaana sameynteeda ku heshiiyey dalalkii xubnaha ka ahaa Qaramada Midoobay oo waqtigaasi loo yaqaanay League of Nations

Jamhuuriya

Geen opmerkingen:

Een reactie posten