dinsdag 6 juli 2010

Warbixin si Qoto-dheer u Lafagurtay Casharada Dunidu Kaga Dayan Karto Guulaha Somaliland ka Gaadhay Xallinta Khilaafaadka iyo Dhisida Na bada

Warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo lagu faafiyey bogga Jaamacad Qaramada Midoobay ku leedahay dalka Costa Rica ee Koonfurta Qaarada Ameerica
Hargeysa (Jam)- Warbixin lagu baahiyey bogga Jaamacad Qaramada Midoobay maamusho oo la yidhaahdo Jaamacada Nabada (University of peace), ayaa si qoto dheer loogu faahfaahiyey qodobada aasaaska u noqday nabada iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hanaqaaday Somaliland iyo casharada la xidhiidha dhinaca nabaynta iyo xallinta khilaafaadka ee beesha caalamku kaga dayan karto.
Waxa warbinta lagu falanqeeyey sida Somaliland uga bogsatay colaadihii iyo nacaybkii cadawtinimada ku salaysnaa ee dawladii Siyaad Barre ku abuurtay beelaha kala duwan ee ku dhaqan dalka, nabadayntaasi oo ay ka shaqeeyeen madaxdhaqameedyada, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Somaliland, iyaga oo habayaraatee aan helin gacan shisheeye ama ergo dhexdhexaadineed oo ajaanib ahi soo faragelin, kuwaasi oo adeegsaday hannaan khilaaf-xalineed oo gunta hoose laga soo bilaabay, ilaa la soo gaadhsiiyey heer qaran.




Warbixintan oo uu Ingiriisi ku diyaariyey Prof. Aadan Xaaji Cali, isla markaana uu qaybo ka mid ah Afsoomaali ku turjumay Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), waxay u qornayd sidan;


“Dalka Somaliland waxa uu leeyahay xeer-dhaqameed xooggan oo ah wadnaha xallinta khilaafaadka, kaasi oo ay jilayaal ka yihiin madaxdhaqameedyada qabiilooyinka kala duwan iyo Guurtidu. Dadka Somaliland waxay muddo dheer u adeegsanayeen xallinta khilaafaadka hannaan ku salaysan xeer-dhaqameedka.


Wada-xaajoodka ku salaysan dhaqanku, waxa weeyaan sababaha ugu waaweyn ee reer Somaliland awooda u siiyey inay isla markiiba xalistaan khilaafaadka dhexdooda ka qarxa, kaasi oo ah hannaan dadka u ogolaanaya inay wada hadlaan oo ay heshiisyo ka gaadhaan muranada dhaca, iyada oo qodobka ugu muhiimsan ee xalka keenaana uu yahay madax-dhaqameedyada iyo hoggaamiyeyaasha beelaha oo aan dhiirigelin colaada dhinacyada ishaya, balse waxay taa beddelkeeda ka shaqeeyaan nabadaynta dhinacyada khilaafku dhex maro, iyada oo dadka aan colaadaha ku lugta lahayni bulshada ku dhexleeyihiin xasaanad, kuwaasi oo kooxaha dagaalamayaa aanay waxyeelo u gaysan Karin, waxaana loo yaqaanaa ‘biri ma gaydo.’


Xeeladaha Somaliland nabada ku dhalisay, waxay ahaayeen qaar isdaba taxnaa ilaa iyo intii dalka lagu soo noqday ee SNM ka guulaysatay ciidamadii Faqashta ee dawladii Siyaad Barre sannadkii 1991kii, waxana ka mid ahaa xabad-joojintii, afjaridii coladaaha, isasaamaxaadii iyo wadaxaajoodkii dhexdhexaadinta ku salaysnaa ee ay ku baaqeen madaxdhaqameedyada iyo ururada bulshada rayidka ahi, iyada oo qalabkii xalinta khilaafaadku ahaa shirar-doceedyo ay yeesheen qabiilooyinka kala duwan ee Somaliland.


Dhaqangelinta waxyaabihii ka soo baxay shirarkii beelaha


Markii uu dhammaaday shirweynihii magaalada Burco, waxa si fiican loo dhaqangeliyey waxyaabihii ka soo baxay shirkaasi, kaasi oo asaas u ah nabada, xasiloonida iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee maanta ka jira Somaliland, waxaanu shirkaasi noqday rukunka ay ku taagan tahay nabada Somaliland, kaasi oo meesha ka saaray dhamamanba tabashooyinkii ay dadku kala tirsanayeen, isla markaana aasaas u noqday hab-siyaasadeedka Somaliland-ta maanta jirta.


Casharada caalamku ka baran karo waaya aragnimada Somaliland


Marka laga hadlayo xallinta khilaafaadka iyo nabadaynta, casharo badan ayey dalalka dunidu ka baran karaan Somaliland iyo sida ay u abaqaashay hannaanka nabadeed ee bulshada, si xal waara loo gaadho waa in halkeeda loogu tago dhibaatada jirta, iyada oo gunta laga soo bilaabayo nabadaynta sida Somaliland oo kale, sababta oo ah hadii la iska indhotiro dadka uu khilaafku saamaynta ku yeeshay iyo dhinacyada kale ee sida tooska ah ugu lug leh khilaafka waligii xal waara la gaadhi maayo, khilaafaadka iyo dagaaladuna way socon doonaan, iyaga oo iska soo daba noqnoqonaya.


Dhibaato kasta oo dhacdaana waxay leedahay meel ay ka bilaabanto iyo cid si gaar ah faraha ugula jira, dhibaatadaasna waxa qudha oo xal ka gaadhi kara cida markii hore abuurtay, sidaa darteed waxa muhiim ah in xallinta khilaafaadka laga talogeliyo dhinacyada ku shaqada leh, ka hor inta aan gacmo shisheeye arrinta soo farogelin. Arrimahaasi oo ah waxyaabaha salka u dhigay nabada Somaliland.


Hadii la raaco hannaanka nabadaynta Somaliland, waxa laga libkeeni karaa oo nabad laga dhalin karaa goobaha ay colaaduhu ragaadiyeen ee dunida, meelahaasi oo ay ugu daran yihiin Ciraaq, Afgaanistaan, Soomaaliya iyo gobolo kale oo khilaafaadyo la xallin kari waayey ka jiraan.”

Sources Jamhuuriya.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten