zondag 15 augustus 2010

{Addisababa}15-08-10 Jeneral Gabre ayaa la rabaa in loo magacaabayo madaxa Amniga iyo howl-galada ciidamada AMISOM.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in la rabo in la Jen. Gabre loo Magacaabo Taliyaha Hawlgelinta iyo Amaanka AMISOM oo ahaa Taliyihii Ciidankii Itoobiya ee hada ka hor soomaliya soo galay.Madaxweyne Melez zenawi ayaa ku riixaya Amisom iyo TFG somaaliya in................

Jen. Gabre ayaa dhowaan si toos ah ula wareegaya qaybta amaanka iyo hawlgelinta ee Ciidamada AMISOM, waana shaqad u badan ee ciidankaasi ay ka hayaan dalka soomaliya ama u joogaan.


Magacaabista Jeneral Gabre ayaa waxa isla gartay Dowlada Itoobiya iyo Midowga Africa, waxana soo dhoweeyay Madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif.


Jen. Gabre ayaa si weyn dadka soomaliyeed u xasuustaa waxana uu ahaa sarkaalkii hogaaminayay ciidamadii itoobiyaanka ahaa ee soomaliya ku riiqday.
Magacaabista Jen. Gabre ayaa dad badan waxay aaminsan yihiin inay kor usii qaadeyso gulufka coladeed ee u dhaxeeya Itoobiya iyo shacabka soomaliyeed

Yaldo on line
Wararkale ayaa sheegaya in Jen Gabre baryahanba Muqdisho ku sugnaa sida laga xaqiijiyay Madaxda Dalka Itoobiya sidoo kale warkan waxa uu ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliya ee Villa Soomaliya ee Sheikh Shariif.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten