zaterdag 22 mei 2010

Barnaamijka siyaasadeed,ee xisbiga Kulmiye

Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye ee Doorashada Madaxtooyada ee 2010 Q.1'aad by Mingiste Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye ee Doorashada Madaxtooyada ee 2010 Q.1'aad by Mingiste



Written by Abdi M.Saleiman Mingiste

May 22, 2010 at 06:49 AM

Waxaan akhriyey barmaamijka ololaha Doorashada ee Xisbiga Kulmiye,kuman arag haba yaraatee wax aad is idhaahdo dalka iyo dadka ayaa faaiido ugu jirtaa,wuxuuna u eg yahay, qoraalo luqado kale laga soo turjumay,laga soo minguuriyey) Waxaan miyir leh u akhriyey,qoraalka loogu magac daray "Barmaamujka Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye ee Doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland 2010.Qoraalku wuxuu ka kooban yahay 53 bogg,balse waxaad aad u yar DUXDA hadal ee ku jirta qoraalka,mana aha mid laga helayo wax ku soo jiita,ku xiiso geliya amase guud ahaan faaiido u leh dadka iyo dalka Somaliland.Marka aad akhrido qoraalka waxaa markiiba si fudud u fahmaysaa in shaqsiga/shaqsiyaadka qoray qoraalkan ay ka muuqato:-
1. CADHO aad u weyn,oo uu qabo qaar ka mid ah madaxda Somaliland ee xiligan xilka haysa,waxaa ku jira aflegaado fara badan iyo shaqsi diid.
2. Waxaa ka muuqata Ragga qoray qoraalka in ay yihiin qaar aan wax qorshe ah/waxqabad iyo talo midna u haynin shacabka reer Somaliland,meel kasta oo ay joogaanba.
3. Waxaa ka muuqata shaqsiyaadka qoraalkan qorayXukun jcayl ,weliba deg deg ku jiro,waxaad moodaa in waqtigu cidhiidhi ku yahay.



4. Waxaa ka muuqda qoraalka HAMUUN aad u weyn oo ah sidii hantida ummadda loo qaadan lahaa,waxaa ku badan qoraalka "WAX BAA LA CUNAA"runtii waxaan xasuustay gabaygii ahaa "QUDHAC BAY KU TAAGEEN---- SANQADHI QOW KA LEEDAHAYE".



5. Shaqsiyaadka qoraalkan qoray waxaa ka muuqda FIKRADO QARSOON,meelaha qaarkood markaad akhriyeyso,waxaa u baahan tahay in aad sharaxaad dheeri ah hesho sababtoo ah waxbaa qarsoon.



6. Intii aan qoraalka akhriyey ,waxaam marar badan ii DHADHAMAY ,Somaliweyntii aynu ka tagnay mudo hadda laga joogo 19 sanadood,runtiina waan yaabay markuu ii muuqaday erayga Somaliweyn.



7. Qoraalka waxaa si fudud looga dheehan karaa in ay jiraan KOOXO fikirka ku kala duwan,balse ku heshiiyey wax aan jirin --wax laysu balan qaaday .



8. Shaqsiyaadka qoraalkan qoray waxaa laga arki karaa CADAALAD xumo aad u weyn.



9. Waan hubaa,qoraalkana way ku cadahay in shaqsiyaadka qoraalka diyaariyey ay ka mid yihiin shaqsiyaad XILAL kala duwan ka soo qabtay Somaliland(Wasiiro soo ahaan jiray--- xilkii ummadda gudan kari waayey,weliba xilka laga qaaday----shaqada laga eryey.



10. Hadal iyo dhamaan shaqsiyaadka qoray qoraalkan dheer waxaa ka muuqda, HURGUFKII UDUB--HUGUFKII KA DUULAY,sheekaduna waxay la mid tahay uun "waxba kuma tare---meesha kama tage"



mahadsanid -------- la nsoco qaybta 2aad---



Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)



abdi_saleiman@hotmail.com



Last Updated ( May 22, 2010 at 07:32 AM )

Next>

Back

Geen opmerkingen:

Een reactie posten