vrijdag 28 mei 2010

Buuhoodle oo dhawaan Ciidamada qaranku la wareego doonaa.

Ciidamada Jamhuuriyada Somaliland oo ku Dhow Inay la Wareegan Buuhoodl
WidhWidh, Somaliland (SF) - Ciidanka Jamhuuriyada Somaliland ayaa ku dhow inay la wareegan Magaalada Buuhoodle, Boqolaal ciidamada Qaranka ah ayaa soo degay degaanka Dhalama Cune oo in ka yar 20 KM u jirta magaalada Buuhoodle

Ciidamada Jamhuuriyada ayaa la sheegay inay Habeenimadii xalay halka soo degeen iyaga oo wota Gawaarida dagaalka iyo Weliba Hub Cul Culus

Maleeshiyo ku sugna Buuhoodle oo u badna Qaad-Wolayaal ayaa la sheegay inay magaalada Isaga baxeen, waxana la filaya in ciidamada Jamhuuriyada Somaliland aay Saacadaha soo socda La Wareegan Magaalada

Wariye ku sugan Buuhoodle oo ka gabsaday in Magaciisa la xuso Ayaa u sheegay  yaldo  in Magaalada Buuhoodle aay xilligan ka jirto Cabsi xoog leh, iyada oo dadka qeybtiina Bilaabeen barakac xoog leh
Siyaasiyiin Iyo Wasiiro ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa iyagu la sheegay inay dagaalkan Amarkiisa Bixiyeen kadib markii ay ka War heleen in Degmada Buuhoodle laga yaabo inay la wareegan ONLF oo Taageero ka heleysa Maleeshiyad u woto Nin lagu magacaabo Keyse Cabdi Yusuf

Yaldo Online

Geen opmerkingen:

Een reactie posten