donderdag 27 mei 2010

Sir Culus

Maamulka Puntland oo Wareegto sir ah soo saaray lagu qabanayo xubnaha ama hogaanka SSC
yaldo oo ay u hirgashay waraaqadaas oo sir ah inay gacanta ku dhigto (Warqad sir ah)

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka puntland Oo Soo Saaray Wareegto Lagu Xidhayo Ciddii Hogaanka SSC La Shaqaysa, Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Garoowe C/samad Cali Shire ayaa warqad uu ku saxeexan yahay waxa lagu amrayaa ciidamada nabad galyada in ay qabqabtaan cidii la shaqaysa ama taageerta Hogaanka u heelan soo celinta deegaanka Sool, Sanaag Iyo cayn. Warqadan oo ah warqad ku

soo baxday magaca C/samad Cali Shire oo ah warqadii labaad ee uu C/raxmana Faroole hordhigo C/samad Cali Shire si uu u saxeexo ayaa waxa uu C/samad kaga codsanayaa shacabka SSC in ay ku taageeraan hawlaha Puntland wado, isaga oo sheegay in maamulka Puntland lagu daba faylo.
C/samad Cali Shire ayaa hore warqad uu ku saxeexnaa ayaa waxa lagu amrayey in Madax dhaqameed, iyo hogaanka SSC la qabqabto haday ka soo degaan garoonada Maamulka Garoowe ka taliyo,

Warqadda ayaa sidan u qornayd .
Xeerka K/S Madaxweyne Lr 39 ee May 20, 2010 kuna saabsan Xeer Lagu sugayo Amniga Puntland
K/S Madaxweynaha Dawlada Puntland .
Markuu arkay : Distuurka Dawladda Puntland qodabkiisa 80-aad
Markuu arkay : Daruufaha dalku marayo gaar ahaan Sool,Cayn Iyo Sanaag

Markuu dersay inay jiraan shirqoolo lagu wiiqayo laguna waxyeelaynayo wada jirka, Midnimada iyo madax banaanida Shacabka reer Puntland.
Markuu Tixgaliyey go,aanka golaha xukuumada ee 16/May/2010.
Wuxuu xeeriyey .
1.In dhammaan arrimaha khuseeya difaaca, daryeelka iyo sugidda amniga guud ay tahay waajib dastuuri ah oo saaran Dawladda Puntland.
2. Dhamaan shacabka reer Puntland waxaa looga digayaa in ay ka qayb qaataan siyaasadaha iyo falalka looga soo horjeedo , laguna waxyeelanyanyo isku duubnidooda , Xailoonidooda Iyo Horumarkooda .
3. Kooxkasta /qofkasta oo sameeya/samaysa falal lidi ku ah midnimada Puntland isagoo/iyagoo u adeegayaDawlad/Jabhado kale , waxaa la horgeynayaa hay,adaha shuruucda eek u shaqada leh.

4. Ciidamadda Amniguna arrimaha waa in ay daba gal/ ilk u hayn ku sameeyaan.
5. Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu K/S Madaxweynuhu saxiixo.

Yaldo Online

Geen opmerkingen:

Een reactie posten