dinsdag 18 mei 2010

Dhanxiir muxuu yidhi maanta

DHANXIIR
Waaryaadhaheen UDUB-tii ma ololihii bilaashka ahaa iyo carruurihii ay balwadaha bareen ayaa khasnadeedii faaruqiyey, ilayn waa tan lacagaha soo daabulanaysee, mise mashruucii dhagaxa iyo khalkhalinta ayuu sicirkiisii cirka isku shareeray, markii wejigii Ducaalays-naa ee Ceerigaabo hirgalay, ilayn gunnooyin lama bixin oo waa kuwan guurtidii iyo shaqaalihii bilaa mushaharooyin ka ahe.

Weger; Adeer; nimcada hanagaga qaylin UDUB waa laga cuni oo codna lagu khasaarin maayee, ta kale Aw Rayaale haduu caqli leeyahay olole lacagi kaga biximaysee malaha masaariiftii carruurta ayuu sii xaasilinaaya oo Gasam-ta u soo daabacanaya, mise in ciddi ka dambayso ayuu diidayayoo tii GAM la isaga siin lahaa ayuu soo faraqi, yaa u sheega walaalo ceesh wada cuna caqli xume in aanu kala kaxayn karin!!

Geen opmerkingen:

Een reactie posten