woensdag 19 mei 2010

Maslax Maxamed Siyaad Barre Oo La Filayo In Loo Doorto Raysal Wasaaraha Somalia

Maslax Maxamed Siyaad Barre Oo La Filayo In Loo Doorto Raysal Wasaaraha Somalia

Hargeysa May 18, 2010 -Maslax Maxamed Siyaad Barre, uu Aabo u ahaa madaxweynihii dawladii burburtay ee dalkii la isku odhan jiray Somalia Maxamed Siyaad Barre, ayaa la filayaa in maanta loo doorto Raysal wasaaraha dawlada ku meelgaadhka ah ee Somalia, ka dib markii ay burburtay maalintii doraad dawladii Raysal wasaaraha uu ka ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, islamarkaana uu is-casilay gudoomiyihii baarlamaanka dawlada ku meelgaadhka Sh Aadan Madoobe.

Maslax Maxamed Siyaad Barre, ayaa ka mid ahaa wakhtiyadii Aabihii Madaxweynaha Somalia ahaa Saraakiisha sare sare ee ciidamada xooga, islamarkaana ka mid ahaa xubnaha talada maamulka dalka go’aamiya maadaama Siyaad Barre xilliyadii u danbeeyay u madaxweynaha ahaa caafimaadkiisu aanu wanaagsanayn, taas darteedna uu Maslax ka mid ahaa xubnaha qoyska ugu firfircoonaa ee talada wax ka goysa. Ta kale waxa si weyn loo xaqiijinayaa inuu ahaa madaxdii ka danbeeyay xasuuqii xeebta Jaziira 17 July 1989-kii lagu fuliyay 47-nin oo isugu jira arday dusiyada, ardayda Jaamacadaha shaqaale, dhakhaatiir, aqoonyahano, ganacsato iyo odayaal, dadkaas oo dhamaantood isir ahaan ka soo jeeda Beelaha Isaaq, ayaa habeenkii 17 julay ee sanadkaasi magaalada Muqdisho iyagoo ku sugan guryaha ay deganaayeen ee xaafada Hodan ka soo ururiyeen ciidamo ay wateen saraakiil ka amar qaadanayay Maslax Maxamed Siyaad Barre, islamarkaana dadkaasi oo hurday xaafadahooda si toosa inta baabuurta ciidamada lagu guray la geeyay xeebta Jasiira, ka dibna inta la isku xidhxidhay rasaasta Qoriga loo yaqaan Baroonka lagu xasuuqay, balse waxa ka badbaaday dhacdadaasi oo aan rasaastu ku dhicin Cumar Muuse oo ahaa wiil dhalinyaro ah, isaga oo arrintaasi siday u dhacday ka waramayana waxa ka mid ahaa hadalkiisa “Waxa naloo qaaday meel aan ka fogeyn guriga oo ilaa 30 talaabo u jirtay, halkaasi oo ay joogeen ciidamo kale oo koofiyad cas ah, kuwaas oo ku wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey, waxan markaa arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa, kuwaasi oo kala ahaa: 2 gawaadhida xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan, iyo midkale oo Toyota ah kaasoo uu saaran yahay qori Baroonka ah” .
Cumar waxa uu intaas ku daray in loo qaaday dhanka badda oo ka dib markii la geeyay xeebta jasiira koox koox la isugu xidhay ka dibna si arxan daro ah rasaas loogu furay. Cumar oo sharaxaad ka bixinaya sidii wax u dhaceen ayaa wuxuu yidhi “Waxa amar nalagu siiyey in aanu fadhiisano, kadib koox koox ayaa nalooga daadajiyey carada tuulan korkeeda, iyadoo shan shan naloo wadayo oo nala geynayo meel buurta hoosteeda ah. Waxan dareenay in nala laynayo, hase yeeshee maanaan maqal wax dhawaaq ah. Waxan bilownay xam xam, qaarkayo ayaa ducaysanaya, qaar waa ashahaadanayaan ‘Laa Ilaaha illaLaahu, Muxamadan Rasuulullahi 'Laa Ilaaha illaLaah "Si isdabajoog ah ayaa naloogu cagajuglayanayey, waxan maqlay rasaas. Waxa dadka ku jiray Xasan Nuur Baaruud oon ka gartay. Waxan ahaa qofkii ugu dambeeyey shantii qof ee ugu dambeeysey ee loo qaado buurta dhaadhaceeda. Waxa nala fadhiisiyey meel ku beegan dhaadhaca iyadoo si isdabajoog ah naloo safay madaxayaguna lugahayaga dhexdood ku jiro. Mid ka mida askartii ayaa amarka bixiyey isagoo leh: Maxaad qabanaysaa oo aad sugaysaa? Fur rasaasta.
"Qaylo, oohin iyo humhum sakaraad ayaa la isku daray. Laabta ayaan dhulka saaray anigoo ateero ku jira ilaa intii rasaastu socotay. Hal xabo ayaa iga qabsatay meel ka hoosaysa garabkayga bidix. Cabbaar kadib ayey rasaastii joogsatay, askartii waxay gudogaleen inay dadkii eegaan si ay u hubiyaan in dhamaantood naftu ka baxday. Qofkii sii nool shan xabo ayey laabta kaga dhufanayeen si ay qudha uga qaadaan. Kadib waxay bilaabeen inay gacmahooda maydka ku aasaan. Dhiig badan ayaa igu qubtay oo badhkii ahaa dhiig aniga iga daatay badhkiina dadka igu dul daatay dhiigoodii yahay. Waan gariirayey tiiyoo naxdin, argagax iyo cabsi badan igu wada kulmeen. Askari baa i arkay markaasuu qaylyey oo uu yidhi, kani waa nool yahay, ka dib Mid kale oo ag-joogay ayaa yidhi, waar ma noolee nafta ayaa xarbiyeysa, gariirkii sakaraadka weeyaane inaga keen, ciid baa la igu rogrogay, si fiicana iimay aasin waayo wey degdegsanaayeen”
Cumar oo wakhtigaa da’diisu 25 jir ahaa waxna ka baranayay magaalada Muqdisho, waxaanu ka mid ahaa 47 kaas ruux ee ay askartii faqashtu ku xasuuqeen xeebta jasiira, nasiib wanaagse uu isaga Illaahay ka badbaadiyay inkastoo gabi ahaanba intiii kale xataa raqdooda aan cid la tusin.
Ilaahay ha u naxariistee dadkaasi la gumaaday waxa kaliya ee loo aaneynayay waxay ahayd isirkooda uu Illaahay ka abuuray oo xukuumadii xilligaasi ugu tallo gashay in ay tirtirto, balse dhanka Illaahay aan laga aqblin oo ay ku guul daraysatay, kuwii falkaa geystayna inta ka hadhay maanta ay ku nool yihiin werwer iyo walaac marka ay dib u eegeen dhiiggii iyo dhagartii ay galeen.
Haddaba xasuuqani waxa uu qayb ka yahay falalkii isir nacaybka iyo aargoosiga ahaa ee ay xukuumadii Muqdisho ka amar ku taaglayn jirtay sida joogtada ah ugula kici jirtay shacbiweynaha reer Somaliland marka ay askartoodii naf la caaridka ahayd u babac dhigi waayaan xabada kulul ee mujaahidintii xaqu dirirka SNM.
Dhamaanba intii ku geeriyootay xasuuqyadaasna waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo. Dadka reer Somaliland iyo inta danaysa damiirka dadnimada iyo Islaanimadana waxa la gudboon in ay u hawlgalaan sidii maxkamad cadli ah loo keeni lahaa kuwii ka danbeeyay fallkan arxandarada ah.
dhanka kale Maslax Maxamed Siyaad Barre, ay ahayd in la horgeeyo maxkamad si loogu qaado dambiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha, ayaa dawlada ku meelgadhaka Somalia ee uu hogaamiyo Sh Shariif la filayaa in ay u magacaabaan Raysal wasaare.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten