zaterdag 29 mei 2010

Ethiopia oo Xafiis hoos tegi doona Safaaradda Hargeysa ka furtay Garoowe

‏May 29, 2010 at 4:06 PM
 - Magaalada Garoowe ee Xurunta Maamul Goboleedka Waqooyi Bari (Puntland) ayaa maanta laga furay Xafiis aay yeelan doonto Dowladda Federaalka ee Ethiopia, Xafiiskan ayaa waxa xariga ka jaray Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Garoowe Col Cabdisamad cali Shire, isaga oo sheegay inay ku faraxsan yahiin in Maamulkooda markii ugu horreysay laga furo Xafiis Metela Dowladda Ethiopia taasina waxa u sheegay inay u tahay Puntland Guul weyn.

Madaxa Xafiiska EThiopia Ato Asmalash Ayaa isaguna sheegay in Xafiiskan u Puntland kala shaqeyn doono Nabadgelyada Iyo weliba Arrimaha Horumarinta dalka, Waxana u ku Ammaanay Puntlan la dagaalanka Argagaxisada Iyo Weliba Amniga aay gaartay
Xafiiskan ayaa noqon doona sidaa la sheegay mid Hoos Yimada Safaarada Ethiopia ku leedahay Caasimadda jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa

Yaldo

Geen opmerkingen:

Een reactie posten