vrijdag 28 mei 2010

KOMISHANKA DOORASHOOYINKA OO SHAACA KA QAADAY WAKHTIGA LA SOO SAARI DOONO TIRADA DADKA KA QAYB GALAYA DOORASHADA

Komishanka Doorashooyinka oo Shaaciyey Waqtiga la soo Saarayo Tirada Dadka ka Qaybgalaya Doorashada

Written by  Yaldo Online
May 29, 2010 at 03:10 PM
Yaldo online-Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa ka xog-warramay halka ay marayso wejiga labaad ee hawsha qaadashada kaadhadhka cusub ee codbixinta oo si rasmi ah uga socota dhammaan degmooyinka dalka Somaliland .

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Mr. Maxamed Axmed Xirsi oo shir-jaraa'id shalay ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa, ayaa isagoo warbaahinta uga xog-warramayey wejiga labaad ee beddellaadda kaadhadhka cusub ee codbixinta ee doorashada, waxa uu yidhi; "Waa Ilaahay mahaddii oo si wanaagsan bay innoogu socotaa hawshaasi. Toddobadii casho ee goobaha la dhigayna si wanaagsan bay innoogu dhaceen, tobankan casho ee dambe ee aynu heer degmo dhignayna si wanaagsan bay innoogu socotaa. Si aanaan filayn ayey runtii aad ugu socotaa.

Way jiraan dad meelo fog-fog deggan oo metelan xuduudda agteeda ama meelo ka shisheeya oo ay ku adag tahay inay soo gaadhaan markii aannu degmadii ku soo celinay, laakiin haddana si wanaagsan bay u socotaa oo kormeerkii aannu saaka [shalay] ku soo marnay si caaqiibo leh ayey arrimuhu u socdaan."

Waxa kaloo afhayeenku shaaca ka qaaday in dhowaan la soo saari doono tirada rasmiga ah ee dadka qaatay kaadhadhka codbixinta ee ka qaybgali doona doorashada Madaxtooyada ee soo socota, kadib marka uu dhammaado wejiga labaad ee qaashada kaadhadhka ee hadda dalka ka socda.

Yaldo online

Geen opmerkingen:

Een reactie posten