woensdag 26 mei 2010

Osmaan hindi oo Gacanta loola Tegey.

War Deg-deg ah Guddoomiyaha Ololaha Doorashada Xisbiga UDUB oo lagu Dilay Xafiiskiisa Hargeysa.-Guddoomiyaha Ololaha Doorashada ee Xisbiga UDUB Cismaan C/laahi Cigaal "Cismaan Hind" ayay goor dhaweyd niman la soo abaabulay ku dhex garaaceen Xafiiskiisa, waxaanay soo gaadhsiiyeen dhaawacyo badan, waxaana imika lagu daweynayaa Cisbitaalka Guud ee Hargeysa Dilka Cismaan Hindi ayaa loo aanaynayaa inuu yahay mid qorshaysnaa isla markaana loogu talagalay in lagu khaarajiyo, laakiin Askarigii Ilaalinayay oo Albaabka laga galo Irrida Xafiiskiisa Ololaha Doorashada furayay ayaa rasaas ooda kaga qaaday kadib markii uu arkay Cismaan Hindi oo niman badan oo hubaysani ay garaacayaan

Ilaa hada ma cada sababta ay nimankaasi ku dileen Cismaan laakiin waxa ay wararka soo baxayaa sheegayaan in loolanka dhinaca Siyaasada ee wakhtigan ay isaga iyo Mucaaradku Saxaafada isku marinayaan inay sababtay, gaar ahaana waraysi uu ku weeraray Siilaanyo iyo Maxamed Kaahin, kuwaasoo isaga hore Saxaafada ugu weeraray

Source Waaheen. 26-5-2010

Geen opmerkingen:

Een reactie posten