dinsdag 25 mei 2010

QARAMADA MIDOOBAY OO QORSHE CUSUB SOO BANDHIGAY

 Ilo wareedyo muhiima ayaa ku xog waramay in Qaramadda Midoobay ay Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed ka saxiixday qorsha Somalia looga hirgelinaa Dowlad ay madax ka noqonayaan 16 Masuul oo ka kala imaan doona garabyada saameeynta leh sida Dowladiisa,Somaliland,Ahlusuna Wal Jameeca,Ganacsatadda,Al-Shabaab,Xisbul Aweys,Bulshada rayidka,Raaskambooni,Puntland iyo Galmudug.

Hindisaha cusub ee beesha Caalamka oo Xoghayaha Qaramadda Midoobay Ban ki Moon u bandhigay Shariif Sheekh Ahmed xilli ay shir albaabada u xiran ku yeesheen Magaalada Istanbul waxaa sidoo kale looga codsaday Madaxweynaha Somalia inuu xilka iska casilo laba bil gudahood si loo qabto shirweyne lagu dooranaa 16-ka golaha sare ee Somalia.
Shariif Afgaduud lama ogga go'aanka uu siyaasad ahaan ka qaadan doono hindisaha cusub ee beesha Caalamka laakiin hadii uu aqbalo waxaa Somalia la geeynayaa Ciidamo dheeriya iyo dabaabadyo casriya,waxaana sidoo kale magaca Ciidamadda Nabad ilaalinta Amisom loo bedelayaa Ciidamadda Nabad soo celinta Qaramadda Midoobay.
Dowladaha reer galbeedka oo dhaqaalo iyo maskax badan geliyay Shariif Sheekh Ahmed ayaa laba sano kadib waxaa muuqato inay qoomamo ka joogaan waqtigii ay ku lunsheen Shariifka oo noqon waayay sidii ay moodayeen

YALDO ONLINE

Geen opmerkingen:

Een reactie posten