dinsdag 25 mei 2010

Dabaal dagii 18 May 2010

Fariin Jaaliyada reer somaliland ee degan wadanka Holland ayaa waxay iga codsadeen inaan gaadhsiiyoSalaan qaaliya oo ay  u dirayaan Shabakada Caalimiga ah ee TNN iyo Hogaamiyaheeda Egn. Maxamed Cali Muuse.


Intaaasi dabadeed, waxaa caawa oo ay taariikhdu tahay 15-5-2010 lagu qabtay WadanHolland  Magaalada DEN HAAG . Dabaaldagii Xuska 18 may, waxaana halkaasi ka dhacday Xaflad si wen loo soo abaabuley oo Il-weyntu is qabatay, oo aan hore loogu arag. Waxaa ka soo qayb galey dhamaan dadweynha reer soomaliland ee dagan wadaka oo an  u kala hadhin yar iyo weynba.
Waxaa halkaasi laga soo jeediyey khud-bado dhiiga dhaqaajiyey, oo ka xog warameyey siliciIyo halaagii loo soo maray gobonimda aan maanta hadhsaneyno. Markii ay khubadahaasi socdeen, waxaan dadweynaha ka muuqday dareen murugo iyo cadho leh.
Waxaa is goobtaasi loogu duceeyey in Ilahay naxariistii janno ka waraabiyo MUJAAHIDIINTII ku naf-waayey dagaalkii la galay faqashta.


Waxaa kale oo halkaasi ka heesayey fanaanin uu ka mid yaha nuur Daalacay,  Faaisa iyo qaar kaloo badan.


Halgan Maxamed Yuusuf Buux

Geen opmerkingen:

Een reactie posten