dinsdag 22 juni 2010

Dalka Imrdka oo lagu qabtay nin soomaali ah oo si qarsoodi ah Xoolo u geliyey


{Dubai}21-06-10Nin Soomaali ah oo si dhuumaalaysi magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka ku geliyey Adhi ka badan Kun neef ayay Wasaaradda degaanka iyo biyaha gacanta ku dhigtay, kadib markii uu si dhuumaalaysi ah kaga soo baxsaday ciidamada ilaalada xuduudadaha ee dalkaas

Warku wuxuu sheegayaa in dowladda Imaaraadka Carabta ay baarayso xoolahaas oo lagu qiyaasay tiradooda kun neef oo adhi oo laga daabulay Soomaaliya, kuwaasoo si sharcidarro ah lagu geliyay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Ninka Soomaaliga ah ee Arigaasi waday oo Soomaali ah uu arrintaasi u xiran yahay kasoo la sheegay inuu isagu ka mas’uul ahaa xoolahaasi sida sharcidarrada ah lagu geliyay dalka Imaaraadka.

Sida ay sheegtay wasaaradda deegaanka iyo biyaha dalka Imaaraadka Carabta Arigan ay gacanta ku dhigtay dowladda Imaaraadku waxaa laga keenay dalka Soomaaliya, waxaana si sharcidarro ah lagu geliyay Imaaradda Dubai, iyadoo la sii marsiiyay mid ka mid ah dalalka dariska la ah waddankaasi.

Wasaaraddu waxay sheegtay in arigaas lagu kala siday saddex baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah, kuwaasoo ay saraakiisha wasaaradda deegaanka iyo biyaha Imaaraadku aad ula yaabeen halka ay gaadiidkaasi ka soo mareen ciidamada ilaalada xuduudda.

Xoolahan laga qaaday Soomaaliya ayaa la sheegayaa in looga shakisan yahay inay xanuunsan yihiin, waxaana arrintaasi ka hadlay sarkaal ka tirsan wasaaradda deegaanka, kaasoo qaabilsan hubinta waxyaabaha dibadda laga keeno, waxaana uu sheegay in xoolaha la qabtay ee adhiga ahi laga qaaday dhiig si loo hubiyo in aysan xanuunsanayn.

Waxaa la sii daayay wadayaashii gawaarida saddexda ahayd ee xoolaha tahriibinayay oo dhalasho ahaan ka soo jeeda waddanka *****aan, waxaana la xidhay oo kaliya ninka Soomaali ah oo ay Booliska sheegeen inuu isagu mas’uul ka yahay xoolahan sida sharcidarrada ah lagu soo geliyay dalka Imaraadka gaar ahaan magaalada Dubai.

Ninka Soomaaliga ahi ayaa u sheegay Booliska in xoolahani uu leeyahay nin u dhashay waddanka *****aan asal ahaana laga keenay dalka Soomaaliya, isaguna uu u xil saarnaa iibintooda marka gudaha loo sii geliyo waddanka Imaaraadka.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten