zondag 20 juni 2010

Komishanka doorashooyinka oo shaaca ka qaaday tirada guud ee kaadhahdka cod-bixinta

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Xirsi Geele,oo maanta shir jaraa,id ku qabtey huteelka EmperialHargeysa Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa,maanta si rasmiya ugu dhawaaqey tirada rasmiga ah ee qaadatey kaadhadhka codbixinta Doorashooyinka, ee guuda ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Xirsi Geele,oo maanta shir jaraa,id ku qabtey huteelka Emperial ee Magaalada Hargeysa,ayaa ku sheegay in ay tahey tirada guud ee qaadatey kaadhadhka ansaxa ah ee Codbixinta Doorashooyinka in ay tahey 1069,9.41 ,oo ah(halmilyan ,sagaal iyo lixdan kun,sagaal boqol iyo kow iyo afartankun) ,waxanu afhayeenku in ay meesha kabaxeen,oo aany kujirin tiradan ay soo saareen kaadhadhka aan wadanin suulka qofka qaatey kaadhka iyo sexeexa ,islamrkaana aan usoo xeroonin Komishanka Doorashooyinka sikasta oo loo qaateyba.

Waxa kale oo Afhayeenka Komishanku carabka ku dhuftey in ay nidaamkan, shaacinta tirada qaatayaasha kaadhadhka Codbixinta ay u ogolaanayso xeerka Komishanka ee qodobka 37aad ,sidoo kalena waxa uu sheegay in Ololaha Xisbiyada ee Doorashada Madaxtooyadu ay, ku egtahey maalinta Khamiista ee todobaadkan, taas oo la sugi doono oo kaliaya codka dadweynaha ee kala saaraya murashaxiinta sadexda Xisbi ee u tartamaya Doorashada Madaxtooyada ee deyrtan.

Sikastaba ha ahaatee Komishanka Doorashooyinka Qaranku xogta dhabta ah ee tirada kaadh qaadshada Gobolada iyo Degmooyinka waxey, u dhiiibeen Xisbiyada tartamaya iyo Wasaarada Arimaha Gudaha .

Geen opmerkingen:

Een reactie posten