woensdag 9 juni 2010

Faroole Kooxda SSC ayaa masuul ka ah dagaalada iyo dhibka Somaliland.

Faroole:"Kooxda SSC ayaa masuul ka ah dagaaladii iyo dhibkii ka dhacay Widhwidh iyo Buuhoodle"

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland mudane C/raxmaan Faroole oo safar mudo dibada ugu maqnaa ayaa soo guryo noqday maanta,waxaana shir jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada uu ka hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen budhcad badeeda,amniga iyo weliba dagaalada iyo colaadaha ka soo cusboonaaday gobolka Buuhoodle iyo Widhwidh.
Faroole ayaa sidoo kale dawlada Itoobiya ka codsaday inay soo celiyaan hantidii ay ka qaateen dadka reer Buuhoodle,xasuuqa halkaas ka dhacayna ay ka xun yihiin,arintaasna ay Itoobiya aanay si fiican u maarayn,loona baahan yahay inay kala shaqayso dawlada Puntland amniga deegaankaas,dhowaan ay wafti u dirayaan kililka shanaad ee Itoobiya,si ay ugala soo xaajoodaan arimhaas.

Sidoo Kale madaxweyne Faroole ayaa sheegay in intuu uu joogay wadanka Turkiga ay u qabsoomeen arimo badan,kulana ay yeesheen madax badan oo ka tirsan caalamka aduunka,oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomalaiya Shariif Axmed.

Faroole oo wax laga weydiiyey mawqifka maamulkiisa ee colaada ka aloosan gobolka Cayn ayaa waxa uu sheegay in wixii dhib halkaas ka dhacay ay masuuliyadeeda leedahay kooxda SSC,oo uu ku tilmaamay,koox fidno wadayaal ah,kuwaasoo sida uu sheegay ay sameeyeen koox yar oo ka mid garaada,intii badanayd isimaduna ay maamulkiisa ogol yihiin.

"Waxa masuuliyada wixii halkaas ka dhacay oo dhan leh kooxda SSC,waxaana kooxdaas ka danbeeya rag xilal ka soo qabtay Puntland oo horay dawladihii hore uga mid ahaan jirey,iyo laba garaad oo ka mid ah garaadada Puntland"sidaas waxaa yidhi madaxweyne Faroole oo sidoo kale uga digay maamulka Somaliland inay sii haystaan dhulka ka maqan Puntland,masuuliyada soo celinta dhulkaasna ay leedahay xukuumada Puntland,oo ay hayaan qorshe ay dhulkaas ku soo celinayaan.

"Puntland gudaheeda waa nabad aad iyo aad ayaana ahmiyad iyo kalsooni loogu hayaa laakiin dhib baa lala doonayaa ragbaa fidno la wareegaya oo inaga ah iyadoon runta laga gabanayn jabhad yar ma matali karto dowlad iyo shacab midaysan ee waa in laga xishoodaa waxyaabaha qaar ee lagu dhaqaaqayo, hadaba waxaanu leenahay wixii meesha ka dhacay iyagaa ka masuul ah qoladaa oo aan la ogayn cida ay matalaan kuna hamiyey xataa in ay yiraahdaan inaga ayaa Laascaano soo celin doona ma ahan Dowlad ee waa faquuq siyaasadeed iyo fidno lala damacsan yahay shacabka Puntland iyo Dowladooda," Sidaas waxa mar kale yidhi Madaxweyne Faroole.

" Raga qaska ka wada Gobollada Sool iyo Caynay wax hogaamiya rag hore Somaliya xil uga soo hayey iyo kuwo kale oo xataa ku taliyay in hubka lagala baxsado Puntland, si ay u waydo wax ay amnigeeda ku sugato waxaanase u gartay in ay tahay wax lacag un lagu aruursanayo lagana faa'iidaysanyo dadkaa qurbaha ku nool ee qaarkood ay caadifadu qaaday, Lascanood waa dhulka mid ah Puntland anaga ayaana soo celinayna siday doontaba hadana diyaar uma ihi in aan saxaafada ka sheego Balse midnimada halaga shaqeeyo ayaan oran lahaa" ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey Faroole,isaga oo sidoo kale sheegay in ay dawladiisu ansixisay in la mamnuuco ururka SSC,dhowaana ay u gudbin doonaan baarlamaanka,si loo ansixiyo.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten