woensdag 9 juni 2010

Taageerayaashii Xisbga udub oo isku soo bax balaadhan maanta sameeyey.

Taageerayaasha Xisbiga UDUB ee Magaalada Burco oo Isu Soo Bax Balaadhan Fagaaraha Khayriyada Ka Sameeyay+Wasiirka Hawlaha Guud oo Edayn U Soo Jeediyey Xisbiga KULMIYE

BURCO(OODWEYNENEWS)- Waxaa saaka isugu soo baxay fagaaraha Khayriyada ee magaalada Burco kumanaan ka tirsan taageerayaasha xisbiga talada ahaya ee UDUB halkaasi oo ay kala hadleen taageerayaasha masuuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Hawlaha Guud, Madaxtooyada,wasiira dawlaha arimaha Gudaha iyo madax sarsare oo ka tirsan xisbigaasi UDUB .
Saaka banaanbaxan ay dhigayeen taageerayaasha xisbiga UDUB ee Magaalada Burco ayaa ka gedisnaa kuwii hore iyada oo ay jireenba in qaar ka tirsan xafiisyada xisbiga UDUB gaar ahaan Garabada haweenku ay isla subaxii horeba ku waabariisteen fagaaraha khayriyada ee magaalada Burco kuwaasi oo lulaayay astaamaha iyo calaamadaha u gaarka ah xisbiga UDUB.
Markii ay soo gaadheen Weftida wasiirada ahi oo uu Hogaaminayay Mudane Siciid Sulub Maxamed ayay Goobtaasi isbedshay oo taageerayaashii xisbiga UDUB Iyaga oo faraxsan ay sacab iyo damaashaad ku soo dhaweeyeen. Iayag oo ku dhawaaqayay ereyo ay ku taageerayaan xisbiga UDUB.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeenta Somaliand Mudane Siciid Sulub Maxamed oo sheegay inuu u hanbalyaynayo taaageeayaasha xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer sida wanaagsan ee ay ugu soo baxeen inay muujiyaan taageeradooda taasina ay tahay mid ay dhmaanba ka simanyihiin Shacbiweynah reer somaliand ee jecel nabadgalayadu waxaanu taageerayaashiisa ugu bushaareeyay in mudadii todobada cisho ahayd ee ololuhu socday ay 3da xisbi si siman ololaha u wadeen balse waxa sheegay inay iminka muuqata in 3xisbi ay kala baxeen oo xisbiyadii mucaaridka ahaa ayba qaarkood ka baqeen inay fagaaraha ka soo xaadireen isagoo ku sheegay inay xamiliwaayeen Horssednimda iyo awooda Xisbiga UDUB.

Waxaa kale oo uu wasiirku ka hadlay horumarka uu xiligan xisbiga udub u horseeday Somaliland iasaga oo sheegay in Dhanka Dimuqraadiyada horumarka laga gaadhay ay UDUB u sababtahay waxaanu ka codsaday taageerayaashiisa in 5sano ee ay soo socdaana ay doortaan si ay u sii anbaqaadaan wixii ka dhiman dalaka ay ka midyihiin ictiraafka iyo horumarka Dalka.

Wasiir siciid Sulub ayaa uga digay dadka reer Somalaind inay doortaan xisbiga Mucaaridka Kulmiye kaas oo ku sheegay inuu yahay mid la saaxiiba sheikh Xasan Daahir Aways taas oo ay makhraati ka tahay in dhawaan masjid ka mida masaajidada Magaalada Muqdisho jimcihii dhaweyd ka sheegay in dadka reer Somaliland ay u Codeeyaan xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye taasina waxa ay ina tusaysaa xidhhidhka ka dhexeeya xasan Daahir Xisbiga Kulmie.

Dhanka kalae waxaa iayana maanata halakan wasiir siciid Sulub Fariin uga diray Culumawdiinta Reer Somalind oo u sheegay inaanay diinta kaga dayan sheikh xasan daahir aways balse ay dadka uga digaan hawalaha Noocani oo Kale ah.

Waxaa kale oo isna halakani ka ahadaly wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xasan Macalin oo sheegay in wax laga xumaadoay tahay in Xisbiga UCID uu diintii iyo kitaabkii Quraanka ahaa geliyay Boolatiik iyo tartan taas oo diinteena macaan anay ahayn mid loo quudho waxyaabaha caynkaasi oo kale ah waxaanu wasiirku intaas ku daray in maanata halakan uu fariin uga dirayo dhamaan dadweyanaha reer Somaliand ianay si nabadgalyo ah ku codeeyaan si ayuu yidhi Xisbiga UDUB u sii horumariyo dalka kaas oo ku tilmaamay inuu yahay xisbiga keliya ee xilagan dalka horumarinkara.

Waxaa iayana xafaladani ka hadalay Wasiira Dawalaha Arimaha Gudaha Muuse Cabdi,Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamaca C/laahi Biin Gudoomiayaha Gobolka Togdheer ee Xisbiga Ayaanle Cismaan Ibraahim dhamaantoodna waxa ay sheegeen inay farayaan taageerayaasha xisbiga UDUB meelkastay joogaanba inay nabad ku codeeyaan ayna sika cadahay xiligan cida guulaysan karta doorashada oo ay ku tilmaameen inaay tahay UDUB taasina ay tahay mid ay ku kasbatay waxqabadka iyi horumarka ay dalaka gaadhsiisay ianatay talada Hayeen.

Ugu danbatii markii xafaladu soo xidhantay ayaa wasiirka Hawlaha Guud dhex lugeeyay taageerayaashiisa kuwaai oo ku dhaaqayay ereyo ay ka mid ahaayeen Nolow mudane Siciid taasi oo ka turjumaysa waxqabdayada gaarka ah ee wasiirkani ka qabtay dalaka taas oo wasaaradiisa hawalaha guud iyo guryeentu ay ka mid tahay wasaaradaha sida aad wax uga qabtay horumarka laga gaadhay xaga jidadka iyo biriishyada oo kale. Taageerayaasha xisbiga UDUB ee maanta isu soo baxay ayaa ahaa kuwii ugu badnaa dhanka xisbiga UDUB ee isu soo baxa intii ay socdeen ololaha Doorashada Madaxtinimadu.

Source Oodweynnews

Geen opmerkingen:

Een reactie posten