zondag 13 juni 2010

FW: [New post] Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Marti-qaad Loogu Sameeyey Deegaanka Xaraf (Daawo Sawiro)




Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Marti-qaad Loogu Sameeyey Deegaanka Xaraf (Daawo Sawiro)

Admin | June 12, 2010 at 11:02 PM | Categories: Sawiro & Warar | URL: http://wp.me/pik52-6WR


Xaraf, (Somalifans Online) - Dadka ku dhaqan Deegaanka Xaraf ee dulkeedka Galbeed ee Caasimadda Hargeysa, ayaa Casuumad qado ah maanta ku qaabillay Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna Guddoomiyaha Xisbigaas iyo Madaxda kale ee KULMIYE. Waxaama Casuumaddaas ka qaybgalay Wefti culus oo uu hoggaamiyey Axmed-Siilaanyo oo barqadii maanta ka ambabaxay Hargeysa.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo oo horkacayay Wefti culus oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE, Xoghayaha guud ee Xisbigaas, Guddoomiyaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta u qaabilsan KULMIYE iyo Saraakiil Xisbiga ka tirsan oo aan tira lagu soo koobi karin, qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Xisbiga KULMIYE laga soo doortay, gaar ahaan kuwa deegaankaas ka soo jeeda dhalasho ahaan oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Axmed-Wayne iyo masuuliyiin kala duwan oo aan tira lagu soo koobi karin oo Xisbiga ah.Dadkii Xafladdaas abaabulay ee Casuumay Madaxda KULMIYE waxa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo dabayaaqadii toddobaadkii inna dhaafay ku biiray Xisbiga KULMIYE, dhalasho ahaanna deegaanka Xaraf ka soo jeeda. Waxaana Weftiga tuulada Xaraf loogu diyaariyey Casuumad,iyada oo Geel loo sii qalay.
Ciise Cismaan oo ka mid ah Odayaasha Deegaanka Xaraf, ayaa ugu horreyn hadal soo dhawayn ah ka jeediyey Madashashii Weftiga lagu soo dhaweeyey oo ahayd Geed aad loo rusheeyey,. "Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo iyo Weftiga culus ee uu hoggaaminayo waxaan leeyahay Xaraf waa magaaladdiinii Gacmo-furan baannu idinku soo dhawaynaynaa, soo dhawaada ayaannu idin leenahay, waxaanan idiinka mahadceliyanaa haddii aad tihiin Siilaanyo iyo Weftigiisa sida aad nooga aqbasheen marti-qaadkii aannu idiin fidinnay ee wakhtigiinna noogu soo horteen." Sidaa ayuu yidhi Oday Ciise Cismaan oo ku hadlayay afka dadka ku dhaqan deegaanka Xaraf, Boqol-jire iyo Xagal. Waxaanu Axmed-Siilaanyo u soo jeediyey inuu caddaalad, sinnaan iyo wax-qabad muujiyo haddii Illaahay talada dalka ku guuleeyo doorashada madaxtooyada ee 26-ka bishan Juun dalka ka dhacaysa. Isaga oo Oday Ciise madashaa ka ballan-qaaday inay dadweynaha reer Xaraf, Xagal iyo Boqol-jire codkooda diyaar ula yihiin inay Xisbiga KULMIYE Siiyaan maalinta doorashada loo dareero.

Xildhibaan Axmed-Wayne oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland Xisbiga KULMIYE ugu jira, isla markaana Deegaankaas laga soo doorto, ayaa sidoo kale, u mahadceliyey Weftiga uu hoggaamineyey Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo) iyo dadweynaha beesha ee is xilqaamay, gartayna inay casuumad u fidiyaan Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE. Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo deegaanka Xaraf ka soo jeeda, ayaa si weyn ugu mahadceliyey dadweynaha deegaannada Xaraf, Xagal iyo Boqol-jire sida fiican ee ay Weftigooda u soo dhaweeyeen awgeed. Waxaanu sheegay inay maanta tahay maalin ololaha doorashada aanu Xisbiga KULMIYE u lahayn ee Xisbiga UDUB u leeyahay, sidaa daraadeedna aanu Weftigu ahayn mid olole halkaas u tagay, balse yahay mid ajiibay marti-qaad dadka deegaanku u fidiyey.

Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE uga sharraxan Axmed-Siilaanyo, oo aad ugu faraxsanaa soo dhawaynta, qaabbilaadda iyo marti-qaadka loo sameeyey isaga iyo Weftigiisa, ayaa si weyn ugu mahadceliyey dadweynaha deegaannada Boqol-jire, Xagal iyo Xaraf. "Walaallayaal aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, sida qaddarrinta leh, qiimaha leh ee sharafta leh ee aad maanta noogu soo dhaweyseen Xara. Walaallayaal maanta maaha maalintii aynu KULMIYE ahaan ololaha u lahayn, maadaamoo aynaan ololaha u lahayn khudbado dhaadheer halkan isagama jeedin karno, waayo Sharciga iyo heshiiska anshaxa doorashada ee Xisbiyadu kala saxeexdeen ayaa inna qabana oo waxaynu noqonaynaa dad sharcigii jabiyey. Sidaa daraadeed, isugumaynaan iman arrin olole marti-qaadka aad nagu sharafteed, aad iyo aad baan idiinku mahadcelinayaa, sida quruxda badan ee aad noo karaamayseen, ee noo sharafteen Illaahay ha idiin sharfo, waana mahadsan-tiin."

Si kastaba ha ahaatee, Geed Damal ah oo ku dhex yaalla gudaha Tuulada Xaraf oo aad loo sii rusheeyey xattaa nawaaxigiisa, ayaa dadka deegaannadaasi si diiran ugu soo dhaweeyeen Axmed-Siilaanyo iyo Weftigiisa, kaasoo hoostiisa loogu diyaariyey kuraas, Miisaan lagu sharraxay Qudaar kala duwan iyo caleemaha qudaarta, maadaamoo deegaanka Xaraf yahay mid ku caan ah Wax soo saarka Beeraha, gaar ahaan noocyada kala duwan qudaarta. Waxa Guddoomiyaha iyo Weftigiisa soo dhaweeyey boqollaal qof oo isugu jiray Rag, Haween, Dhalinyaro iyo Waayeel, kuwaasoo lulayey Caleemo qoyan, Calanka Astaanta u ah KULMIYE oo dadka qaar Maryo ka tasheen. Waxaanad arkaysay Hablo Xijaabyo, Dallado iyo Duruuc ka toshay Calanka KULMIYE iyo sidoo kale, Wiilal ka toshay Shaadhadh, kuwo madaxa ku xidhan iyo kuwo lulaya intaba. Waxaanay dadkaasi ku dhawaaqayeen weedho kala duwan oo ay ka mid ahaayeen. "KULMIYE ha guulaysto, Siilaanyo ha guulaysto,codkeenna waa inaynu KULMIYE siinnaa, soo dhaweeye Madaxweynaha Mustaqbalka…" Kuwaas iyo eryo nuxur ahaan la macno ah ama ku macna dhaw ayay ku dhawaaqayeen dadka deegaannada Xaraf, Xagal iyo Boqol-jire.

Cabbaar ka dib markii Weftigu halkaas ka qadeeyey, kuna dul-qadeeyey Gogol Geed weyn oo Cudbi laygu sheegay, aadna u hadh-qabaw hoostiisa loo dhigay, ka dib waxay u soo baqooleen Siilaanyo iyo Weftigiisa oo Baabuur tira badan watay dhinaca Magaalada Hargeysa oo ay galinkii hore ee maanta ka ambabaxeen, waxaanay Hargeysa soo gaadheen abbaaro 3:00-dii Galabnimo ee maanta galinkii dambe.
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa, Somaliland
WordPress



Geen opmerkingen:

Een reactie posten