zondag 13 juni 2010

13 Sababood Oo UDUB Ku Mutaysatay Codkaaga


Date: Sun, 13 Jun 2010 10:45:20
13 Sababood Oo UDUB Ku Mutaysatay Codkaaga


13 Sababood Oo UDUB Ku Mutaysatay Codkaaga

Muwaadinow waxaan halkan kuugu hayaa 13 sababood oo xisbiga UDUB ku mutaystay codkaaga maalinta 26 June 2010, haddii aad nasiib u yeelatay inaad ka mid noqoto dadka xaqa u leh inay codeeyaan maalintaas.
Waxaan Muwaadinow ku leeyahay codkaaga UDUB sii haddii aad doonayso 5-ta sannadood ee soo socda:
  • In hantida qaranku ahaato wax nin leeyahay oo siduu doono ka yeelo
  • In ax xisaab-xidh-sannadeed ah aan golaha wakiilada la horkeenine golahaas isaga ah marba loogu hanjabo in albaabada loo xidho, sidii hore laysugu dayay inuu ee dadweynuhu kaga horjoogsadeen muwaadiniinta qaarkoodna naftoodii qaaliga ahayd ku waayeen
  • In xoolo dhaqatada danyarta ah ee u dhabarjabay xoolahooda isla markaana dalka soo geliya lacagta adag ee dibedaha ka timaada, in laga xidho tartanka oo khasab lagaga dhigo inay xoolahooda ka iibiyaan dad maamulku kula shuraakoobay qaybsiga lacagta ka soo baxda dhoofka xoolaha
  • In batroolku u xidhnaado shirkad shisheeye oo cuno-qabataysa shirkadaha waddaniga ah, shirkadaas oo maamulku la leeyahay gacansaar hoose
  • In aan qandaraasyada mashaariicda qaranka loo samayn wax tartan ahe toos looga soo magacaabo madaxtooyada
  • In aan golaha wakiilada laga ansixin heshiisyada lala galo shirkadaha ajanabiga ah ee Total, ka carabka xoolaha loo xidhay, kuwa leh doonyaha xeebaheena ka kalluumaysta iyo kuwo kaleba
  • In goleyaasha qaranka aan dib loo soo doorane ay iska dhex fadhiyaan dad aan ku metelin oo codkooda lagu iibsado hantida adiga lagaa qaado
  • In hantida ma guuraanka ah ee dalka laga iibiyo dad gaar ah lacagaha ka soo baxana la lunsado
  • In maalinta codka lagaa doonayo laguu akhriyo warqad maalintaas codkaaga la rabo laguula soo baxo oo ay ku qoranyihiin ballanqaad-beenaadkii 8 sannadood ka hor lagugu khiyaamay
  • In aan wax horumar ah laga samayn aqoonsiga raadiska ee xaaladda dalku iska ahaato sida ay imika tahay
  • In muwaadiniinta markii la doono lagula kaco xadhig iyo jidh-dil aan loo soo marin nidaamka sharciga ah ee maxkamadaha
  • In ciidanka booliisku noqdo kuwo siyaasad loo adeegsado oo u shaqeeya wasiirada iyo madaxda oo amarkooda ku xidhi kara uguna hanjabi kara muwaadinkii la doono
  • Ugu dambayn haddii aad la dhacsantahay wax qabadka madaxweyne Daahir Riyaale iyo wasiiradiisa oo aad diyaar u tahay in dalku aanuu samayn isbeddel dhinacnaba, adigana lagugu qanciyay in dunidu dhabarka inoo soo jeedisay oo aan layna ictiraafi karine aan iska aaminno midnimo dambe oo Soomaalya dib laysugu noqdo, markaa codkaaga sii UDUB Allaylehe xisbigaasi wuu u qalmaaye
Xasan Ibraahim
Berbera
Somaliland
WordPress WordPress.com | Thanks for flying with WordPress!
Manage Subscriptions | One-click Unsubscribe | Publish text, photos, music, and videos by email using our Post by Email feature.
Trouble clicking? Copy and paste this URL into your browser: http://subscribe.wordpress.com/


De nieuwste Internet Explorer: snel, eenvoudig en veilig. Download nu!

Geen opmerkingen:

Een reactie posten