zondag 13 juni 2010

FW: [New post] Xisbiga KULMIYE Oo Xog-waran Ka Bixiyey Kulan Ay Maanta La Yeesheen Wefti Sare Oo Ka Socday Dalka Ingiriiska


Date: Sun, 13 Jun 2010 17:11:54


Xisbiga KULMIYE Oo Xog-waran Ka Bixiyey Kulan Ay Maanta La Yeesheen Wefti Sare Oo Ka Socday Dalka Ingiriiska

Yusuf Cali | June 13, 2010 at 7:11 PM | Categories: Wararka | URL: http://wp.me/pik52-6XE
Hargeysa, (Somalifans Online) - Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, ayaa maanta kulan muhiim ah Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa kula yeeshay wefti sare uu hogaaminayey Safiirka waddanka Ingiriiska u qaabilsan midawga Afrika ee fadhigiisu yahay magaalada Adis-ababa.
Sidan-na waxa u xaqiijiyey shabakada wararka ee Oodweynenews.com Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo aanu maanta waraysi kula yeelanauy Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, isaga oo tafaasiil dheer ka bixiyey waxbaayihii ay weftiga ka wada hadleen iyo ujeedada ay u yimaadeen Somaliland.
Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi "Halkan waxaanu kula kulanay [Maansoor], safiirka u qaabilsan dalka Ingiriiska qaarada Afrika, gaar ahaan geeska Afrika oo fadhigiisu yahay magaalada Adiis-ababa. Sida aad ogtihiin caalamku gaar ahaan dalka Ingiriisku doorashooyinkeena wax weyn ayuu inaga taraa, markii uu khilaafaadka siyaasadeed dalka ka dhacay wax weyn inagala qabteen. Markaa dalka wuxuu u yimid in uu xog-waran la siiyo meesha ay marayso u diyaargarowga doorashada iyo ololuhu-ba, markaa xisbi ahaan wuxuu na waydiiyey sida ay wax u socdaan. Anna waanu u waranay oo waxaanu u sheegnay sadex wax waxaanu nidhi waxyaabo badan si fiican ayey u socdaan komishanka oo kale waa niman dadaalaya oo si fiican wax u wadda ilaa hada, ololuhu-na ilaa hada si fiican ayuu u socdaa wax rabashado ah oo dhacayna ma jirto."
Waxa uu intaas raaciyay oo uu yidhi "Laakiin sadex arimood ayaanu ka cabanaynaa, waxaanu u sheegnay oo aanu wali aaminsanayn. Annagu maanta xisbi la yidhaahdo UDUB oo aanu tartan kula jir-naa ma jiro dawlad ayaanu tartan kula jir-naa xisbigii UDUB meesha wuu ka baxay madexdiisii oo dhan xisbiga KULMIYE ayey ku soo biireen mahaa xisbi leh Goleyaashii dhexe iyo fulineed. Dad badani waxay ka baqayaan hadii uu xisbiga KULMIYE ku guuleysto doorashada madextooyada, tolow dawladu si nabadgalyo iyo dimiqraadiyadi ku jirto ma u wareejin doontaa, arintaas waanu u sheegnay weftiga oo waxaanu ku idhi wax cadayn oo arintaas ku saabsan ma jirto laakiin Somaliland oo dhan ayaa arintaas ka war-warsan oo ka shakisan anaga-na werwer ayey nagu haysaa."
"Ta kale ee aanu kala hadalnay safiirka iyo weftigiisa ee aanu ka cabanay waxay ahayd dee annagu dawlad ayaanu kala jir-naa tartan, dee xukumadu hantidii umada ayey si xun u isticmaashaa oo ay ku ololaysataa dhaqaalihii umada oo waxaad arkaysaa wasiiradii oo intaa cararaya oo ololaynaya, lacagtaasi maaha mid ay iyagu jeebkooda ka soo saareen ee waa tii umada ee ahayd in wax loogu qabto bulshada reer Somaliland, gaadiidkii dawlada ayey u isticmaalaan ololaha, waxaanan u sheegnay in aanu aad uga xun nahay, isla markaana aanu aad u dhaleecaynayno."
Mar uu ka hadlayay  cabasho ay ka muujiyeen warbaahinta  dawlada waxa uu yidhi "Ta kalena waxaa weeyaan warbaahintii dawlada ee qaranku lahaa ee ay ka mid yihiin Tv.ga qaranka iyo Radio Hargeysa, waxaa la naga siiyey hadii aanu nahay labada xisbi mucaarid saacad badhkeed oo midkii-ba 15 daqiiqo la siiyey 23-ka iyo badhka kale ee soo hadhay waxaa uu wadaa baro bogaado kale oo xun oo dawlada u adeegaya oo uu asxaabta ku caayeyo baro bogaado xun oo shaqsi weerar ah oo umada isku diraya, anagu hadaanu nahay xisbiga KULMIYE waxaanu jecelnahay kana shaqaynaaa isku soo jiidka umada. Umada reer Somaliland wada degaa waa dad walaalo ah oo aan loo baahnayn in xasarad la kala dhex-dhigo, waxaad arkaysaa niman waa weyn oo Guurtiya oo ka shaqaynaya isku dirka umada, gaar ahaan beelaha wada dega Gobolka Togdheer oo ay mar kasta ka shaqeeyaan inay iska horkeenaan."
Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadi waxa uu sheegay inay weftiga arrinta ictiraafka kala hadleen, "Sida oo kale waxaanu safiirka kala hadalnay arintii ictiraafka oo aanu ku idhi hadii aanu doorashooyinka ku guuleysano qabsoomidooda ictiraafkaygii maxaa laga yeelayaa? Wuxuu noogu jawaabay been ayaan idiin sheegayaa hadii aan idinku yidhaahdo maalinta aad doorashada ku guuleysataan ayaanu idin ictiraafaynaa. Laakiin wuxuu yidhi hadii ay doorashadiinu si xor oo xalaal ah idinku dhacdo ictiraafkiina rajo-weyn ayey galinaysaa anaguna dabada ayaanu ka riixaynaa beesha caalamkana culays ayaa la saarayaa waxaa la odhanayaa Somaliland wax kasta way ku guuleysatay oo ah wixii looga baahnaa sabab looga hor-joogsadaana ma jirto ictiraafkeeda."
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Oodweynenews.com/Hargeysa Office
cabdiheersare01@hotmail.com
WordPress WordPress.com | Thanks for flying with WordPress!
Manage Subscriptions | One-click Unsubscribe | Reach out to your own subscribers with WordPress.com.
Trouble clicking? Copy and paste this URL into your browser: http://subscribe.wordpress.com/


Voeg eenvoudig je Hyves vrienden toe aan je Hotmail en Messenger.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten