zondag 6 juni 2010

Gadh la dooneyey inay tidhaahdo waxaan taageersanaha udub oo mar kale tidhi kulmiye ha noolaado.

 Gabadh la doonayey inay Tidhaahdo ''Waxan Taageersan ahay UDUB, Oo Tidhi Waxan Taageersan ahay KULMIYE''
Hargeysa, - Xisbiga Udub ayaa maanta Wejigii labaad ee Ololaha Doorashada isagu soo baxay Beerta Xoriyada, waxana kala qeyb galay Maanta Isu ssoo baxa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirka arrimaha Dibada, Xoghayaha Xisbiga Udub, Masuuliyiin kala duwan Iyo In yar oo Shacab la soo Laaluushay ah.


Haddaba Gabadh ka mid aheyd dadkii logu tala galay inay Munaasibada ka hadlan isla markana aay ku muujiyan Taageeradooda Xisbiga Udub ayaa hal mar la soo booday wax ka duwan wixii ay doonayeen Mas'uuliyiinta Xisbiga Udub, iyada oo ku dhawaaqday ''Waxan Salaan u diraya Shacabweynaha reer Somaliland Meel kasta oo aay joogan daafaha Dunida, Waxan leeyahay Xisbiga KULMIYE ha la Taageero waa Xisbiga keliya .....'' Iyada oo aan hadalkii ka boogan ayaana gabadha laga dhuftay Makrafoonkii

Xisbiga Udub ayaa la sheegay inu dadka isu soo baxiisa ka soo qeyb gala oo soo Kireysto sidaa la sheegay, uuna lacago jeebka u geliyo in kasta oo dadku qalbigooda u ka buuxo Jacaylka KULMIYE aay u qaban, waxana taasi cadeyn u aheyd ceebtii maanta kaga dhacday Fagaaraha Beerta Xorriyada Ee magaalada Hargeysa, iyada oo Xoghayaha Xisbiga Udub ku calacalay, ''Waxan u sheegaya Dhamaan Dadka wota Baaburada Basaaska ah ee soo qaadaya dadku inaysan noo soo qaadin dad noocan oo kale ah oo aan shaqeysaneyn'.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten