Warar lagu baahiyay Websiteyada Waaga Cusub iyo Caasimada.com ayaa sheegaya in Xasan Daahir guul urajeeyay Axmed Siilaanyo.

“Somaliland waxay noqotay meel Islaamka lagu dhibaateeyo oo amxaarada ku adeegato,waxaad ogtihiin in madaxda maamulka xilligaan ee Somaliland ay dagaal xoogan kula jiraan Mujaahidiinta,taas waxaan uga bixi karnaa anagoo taageerna siyaasiga Ahmed Siilaanyo”ayuu yiri Dahir Aweys.
Xasa Dahir Aweys oo ka mida shaqsiyaadka ku jira liiska Madoow ee Mareykanka kuna eedeeysan argagixisinimada wuxuu ka dhawaajiyay in Xisbigooda xiriir wanaagsan la leeyahay Madaxda Xisbiga Kulmiye.
“Siilaanyo waxay isku reer yihiin Sheekh Cali Warsame oo anagana xidid aan nahay,waxaan hubaa in hadii uu Somaliland qabsado ay meesha ka baxeeyso fara gelinta Xabashida iyo dhibaatada lagu hayo dadka Islaamka sidaas darted guul ayaan u rajeeynayaa”ayuu yiri Sheekh Aweys.
Taageeradda Xasan Dahir Aweys ayaa ku beegan xilli dadka saadaaliya isbedelada ay qabana in hadii Siilaanyo ku guuleeysto doorashadda Somaliland ay qalqal wajahi doonto Xukumadda Ethiopia oo xasaasiyad badan hore uga qabay.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Madaxweynenimadda Somalia waxay taageerayaashiisu rumeeysan yihiin inaan doorashadaan laga xigin kursiga Madaxweynenimada.
Ila wareedyo muhiima ayaa Caasimadda.com u sheegay in Siilaanyo uu heysto lacag dhan sedex Milyan oo dollar,waxaana laba Milyan oo ka mida ku taageeray Milkiilaha Shirkadda Dahabshiil oo ay isku yihiin beesha Habar Jeclo,Isaaq kuna badan gobolka Togdheer.
Source: http://www.caasimadda.com
Geen opmerkingen:
Een reactie posten