dinsdag 15 juni 2010

Maayir ku-xigeenka Gabiley oo sheegtay inaan Xuquuqda Maamulka Gabiley aan loo sineyn

Maayar K/Xigeenka Gabiley Khadra X.Gaydh oo Sheegta In Xuquuqda Maamul ee Gabiley aanay u sinayn iyada iyo Maayarku, Waliba Faragalinta ugu Badani kaga Socoto Qasriga Madaxtooyada.


Khadra X.Gaydh oo ah Marwadii Koowaad ee Dumar ah ee ka Soo baxday Golayaashii Deegaanka Somaliland....

Maayar ku Xigeenka Degmada Gabiley Marwo Khadra X.Ismaaciil yoonis (Khadra X.Gaydh) oo ah Marwadii Koowaad ee Dumar ah ee ku Soo baxda Cod, kana Soo Baxday Golayaashii Deegaanka Somaliland oo Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya ay La yeelatay Nimco Muxumed Ibraahin oo ka Tirsan Hawlwadeenada Shabakadda wararka ee Gabiley News

Maayar ku Xigeenka Gabiley Waxay hadalkeeda ku Bilawday “Marka hore waxaan Aad u salaamayaa Shabakadda Wararka ee Gabiley News sida Fiican ee Wararka Dhexdhexaadka ah u soo tabiyaan iyo Akhristayaashu Ku Xidhan”

Khadra Xaaji gaydh waxa ay ka Warantay Xaalada Wakhtigan iyo Rajada Xisbiga kulmiye ka Qabo inuu ku Guulaysto Taladda Dalka Somaliland, khadra Waxay sheegtay in in Gobolka ay ku Sugantahay ee Gabiley oo ahaa Gobolkii Laga Soo doortay, ahna Deegaan aad u balaadhan, oo ay ku nool yihiin Dad farabadan oo ay Rajo fiican ka qabaan inay Marwalba kaga Awood Sanayn doonaan Xisbiga Talladda haya ee Udub, Taasi oo ay Xustay in Gobolku ka mid yahay Gobolladda Codadka ugu Badan ka helo Xisbiga Kulmiye.

Khadra X.Gaydh mar aanu wax ka wayiinay In ay jiraan Dhibaatooyin ay kala kulmaan Wakhtiyadda Ololaha Xukuumada ayaa sheegay in Wakhtigan ololaha ay ku jiraan aanay wax dhibaata ah kala kulmin balse wakhtiyadii hore aan toos loo shaacin ee ay udub qabsan jirtay balse ay cadaadis saari jireen xisbigooda.

Khadra Xaaji ismaaciil Yoonis Waa marwaddii Ugu horaysay ee Xisbi Mucaarid ah ka soo Baxda Golayaashii Deegaanka Somaliland waliba ka qabatay Xil Degmadii ay ka soo baxday sidaa awgeed mar aanu waydiinay Dareenkeeda waxay noo sheegtay in ay ku Faraxsantahay in Kaalinta haweenka Buuxiso Waliba meelo ka sareeya Qabtaan, iyada oo ku dhiiri galisay Dumarku inay kaalintooda muujiyaan.

Khadra mar aanu Waydiinay Su,aal ahayd Bal sida ay u aragto Saadaasha Siyaasadeed ee Wadanka iyo Rajadda uu Qabo Xisbiga kulmiye Waxa ay ku jawaabtay “Wallaahi Saadaasha Wadanka Waxaanu aad u qabnaa Saadaal ay aad niyadeedu sarayso Anaga iyo Bulshada inta na Taageersanba, Dadku waxay ku xisaabtamaan wixii muuqda, markaa intaanu anagu muuqaal ahaan arkayno Saadaal aad uwanaagsan ayaanu ka qabnaa,oo hamuun baanu u sii qabnaaba oo 26-kaa ayaanuba Raagsanaynaa, markaa Waxaanu isleenahay Nimankani (udub) way isxiijinayaane Guushu Daaqada ayay saarantahay balse firixfirxda ha iska sii dhamaystaan”.

Khadra Waxa kale oo ay ka warantay Kaalinta Siyaasadeed ee Kulmiye Dumarka u ogolyahay iyo Saamiga ay ku leeyihiin Haweenku, waxay sheegay in kulmiye yahay Xisbiga kaliya ee soo Saaray Dumar, Golayaashii Deegaanka iyo Baarlamaanka, waxa kale oo ay sheegtay in labaatan Dumar ah Saami ahaan uu siiyay Golaha Dhexe ee kulmiye inay ka mid noqdaan isaga oo haddana ugu kordhiyay Labaatan kale oo dhalinyaro iyo Haween ah, waxa kale oo ay tusaale u soo qaadatay kaalinta kulmiye isaga oo aan talladda dalka qaban uu siiyay Haweenka Reer Somaliland.

Khadra X.Gaydh mar ay ka Jawaabaysay Su,aal ahayd “Gudoomiye Waxaad Tahay Maayar ku Xigeenka Degmada Gabiley, Dadka Siyaasada Falanqeeyaana Waxay kugu Xantaan in Mucaarid ahaan laguu Cadaadiyo oo aydaan Xidhiidh Fiican lahayn Maayar Degmada oo Wada shaqayni idinka Dhaxayso? Maxaad ka odhon lahayd arintaasi? Balse wax ma ka jiraan Waxyaabahaasi la sheegayo?”

“Wuu jiraa Cadaadiskaasi, Waxaan odhon karaa Waa mid ila Soo bilawday ama Aan Xildhibaan ahaado ama aan Maayar ku Xigeen Ahaado, macnihii Waxaad moodaa Ciidanku marka ay dagaaladu Dhacayaan Qofna Furinta ayuu ku jiraa, Ciidanka Qaarna Xaga Danbe ee kaydka ayay joogaan, markaa Anigu inaan Furinta ku jiro ayaan isku Arkaaba, Dhamaan inta aan la shaqaynayo ee Udub ah aniga indho dheeraad ah ayay ii leeyihiin, markaa Cadaadis aad ufarabadan ayaa jira Xaqiiqiyan mid shaqsi iyo mid Maamul oo aad moodo Maamulka in inta Udub ka soo Baxday oo kaliya inay Xaq u leedahay, laakiin Aanay Xaq u lahayn inta kale ee Xisbiyada Mucaaridka ah ka soo baxday, Waa mushkiladaha aan isleeyahay hadii aad istidhaahdaan bari halkaa kala sii jaan qaada tolow dalku siduu noqon doonaa, kala jaan qaadi kari mayno waxaanu isleenahay Barri ka maalin Cadaadiskaa Anaga lanagu Sameeyay, barri ku samayn maynee inanka Kulmiye iyo inanka udub ee ka soo baxa Golaha Deegaanka iyo Golayaasha kale ee Qaranka Xuquuqda Dalka way u simanyihiin oo Dastuurka ayaa siiyay, markaa waxaas oo dhami waa qodobo dastuuriya oo meel laga dhacay, markaa Hadii aan is idhaa Dadka mushkiladaha la igu hayo halkan ka sheeg Waxaan is leeyahay Dadka Qalbi Takhtakh ayaa ku dhici, Markaa anigaa wax iskula hadhayoo Wax badan sheegi maayo, Markaa mushkiladahaa Idinka oo dibada ka jooga aad Dareenteen oo dhab ah, oo Wax la taaban karo ah, oo aad moodo Taladii Dalka in la kala Xigtayatayba, oo aanan Anagu Waxba ku lahayn, aananu isleenahay idinkaaba uga lexejeclo Babadan”.ayay Tidhi Khadra X.Gaydh.

Maayar ku Xigeenka Gabiley iyada oo Arintaa sii Faahfaahinaysa Waxa kale oo ay intaa sii Raacisay “kolay Qofku Xuquuqda Maamul ee uu Xaqa u leeyahay Hadii laga Duudsiyo waaba Ta ugu wayn ee meesha la isugu yimi oo Qofka xuquuqda maamul ee uu leeyay dhiniciisa ka qaban karo, markaa hadii aanan Taladdii Degmada Gabiley Aanaan u midaysnayn Aniga iyo Maayarka la ila soo doortay oo ay kolay kaligii ku tahay, Dee waa Xuquuqdii Maamul ee Qofku uu lahaa ama ay Bulshadu ka sugaysay ee ay labada qof wada lahaayeen, Aniga oo dareensan waliba Bulshada Reer Gabiley marka la yidhaahdo Gabiley ahaan Xubnaha Golaha deegaanka ka soo baxay Dadka loogu rabitaanka badanyahay hadii bulshada wax la waydiin lahaa, markaa umay dhicin sidaasi, markaa Waxaa la yidhaahdaa Khadri waxay ka soo jeedaa Xisbiga kulmiye maadaama ay khadri kulmiye ka soo jeedo, Waliba ay tahay Qof ku Adag Rabitaanka iyo Mawqifka mabda,eega Xisbinnimo, Waayo waxaa jiray Xildhibaano la ila soo doortay oo kulmiye ahaa Laakiin Nasiib Daro u diga rogtay Udub, markaa maadaama ay tahay aniga waxa la igula dagaalamayaa Waxa aan Aaminsanahay, Anigu waxaan leeyahay fikirkaasi waa xaaraan, Markaa Arintaasi waa arin ka dhalatay Hadba Cida Talada haysa, ama maayarka ama Dawladda Dhexe, Waliba Faragalinta ugu badan waxaa lanagaga hayaa Dawlada Dhexe iyo Qasriga madaxtooyada oo fariin markasta halkaa ka timaada ayaa jirta markaa insha allaah way iska dhamaan hana ka sii walaacin inaan aargoosano, Sharciga Wadanka ayaanu illaalin doonaa”.

Khadra Xaaji Gaydh Waxa ay Dadka dalka jooga iyo Dibadaba ugu Baaqday maadaama Dadkan aan Sideed Sano Waxba loo Qaban, Wax loo Qabto iska Daayo Mushkiladda ay abuureen Xal loo laayahay inay Dariiqa kaliya ee lagaga Gudbi karaa Tahay Taageeradooda iyo Codkooda oo ay Siiyaan Xisbiga Kulmiye, Waxa kale oo ay sheegtay in kulmiye yahay Xisbiga kaliya ee Dadkan Mashaakilaadka haysata ka saari kara, Qurba joogana waxay ugu Baaqday in Soo dhiiri galiyaan Dadkooda oo ay Taageeraan Xisbiga isbeddelka Dhabta ah keeni kara oo kulmiye ah ayay tidhi, bulsha waynta oo dhana waxay ugu Baaqday inay Codeeyaan oo ay ku Doortaan Xisbiga isbeddelka oo ay sheegtay inay Codkooda isbeddelku ku xidhanyahay.

Khadra Xaaji waxay Xustay in Ay isbeddel Dhab ah Samayn doonaan oo ay sharciyadda Wadanka iyo Danta shicibka Somaliland illaalin Doonaan.

Khadra X.Gaydh Waxay Sidaa ku Sheegtay Waraysi khaas ah oo Gabiley News la yeelatay iyada oo ku sugan Gabiley.





Nimco Muxumed Ibraahin
LLSL  Reporter
Hargeisa/Somaliland

Qaali540@hotmail.com

Geen opmerkingen:

Een reactie posten