maandag 14 juni 2010

Muran ka dhex Aloosan Maamulkan Degmada Wajaale oo sababay gacan ka hadel

Wajaale(Ramaas) June13, 2010 - Maamulka degmada Wajaale, ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhex aloosan yahay muran xoog leh, ka dib markii xoghayihii fulinta ee dawlada hoose ee degmada Wajaale Jaamac Daa’uud, ayaa la sheegay in xilkii looga qaaday sifo aan sharciga waafaqsanay, iyada oo wararku sheegeen in masuulkani lagu xidhiidhiyey in uu xidhiidh dhow lahaa Cali Gobonimo oo ahaa xubin miisaan Culus ku lahaa Xisbiga UDUB iyo madaxtooyadda Somaliland, kaas oo dhawaan shaaca ka qaaday Inuu ka baxay Xisbiga UDUB.
Xil ka qaadista xoghayahan, ayaa la sheegay in uu shalay si cad ugu amaray inuu xilka iska wareejiyo taliyaha saldhiga Wajaale Axmed Cabdi Daahir, taas oo uu ku gacan saydhay xoghaya fulinta ee dawlada hoose, isagoo sheegay in uu xilka kaga tegi karo oo kaliya haddii sifo sharci ah laga qaado.
Xoghayahaa, ayaa shalay laga xidhay xafiiskii, waxaanay taasi keentay in ay halkaa isku faro saaraan Xoghayaha dawladda Hoose iyo kaaliyihiisii oo ah ninkii lagu amaray inuu qufulo xafiiskaasi.

Taliyaha degmada Wajaale Axmed Cabdi Daahir ayaa waxa uu ku dooday sida dad ka goob joog ahi sheegeen in uu wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland amar ku bixiyey xil ka qaadista xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Wajaale, taas oo uu dhiniciisa xoghayuhu ganafka ku dhuftay isagoo sheegay in degeeradii lagu magacaabay lagaga qaadi karo.

Ramaasnews Desk

Wajaale

Geen opmerkingen:

Een reactie posten