woensdag 23 juni 2010

Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland C/samada Cali Shire oo ssc ku tilmaamay Fidmo wadayaal.

  Warkii 23-Jun-2010 iyo Qormadii: NEWS

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland C/samed Cali shire oo ku sii jeeda dalka Itoobiya oo war saxaafadeed ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa si kulul u weeraray hogaanka SSC,kaasoo ku tilmaamay fidno wadayaal wadanka qas ka wada,isagoo u diray digniin culus oo uu ku hanjabay inay ciqaabayaan.


Madaxweyne ku-xigeenka oo arimaha uug weyn ee uu u tagayo Itoobiya ay ugu weyn tahay sidii uu hogaanka SSC uga soo dacwayn lahaa wadanka Itoobiya,isla markaana ugu shaanbadayn lahaa argagixiso iyo wax la mid ayaa la filayaa inuu Itboobiya ka dhaadhiciyo in wixii laayey ciidankooda,qaatayna hubkooda ay ahaayeen Alshabaab iyo jabhada SSC oo wada shaqeeya,arintaasoo itoobiya ay uga war roon tahay waxa ka jira deegaanka Buuhoodle odaygaas.

"Dawlada Puntland waxay muujinaysaa sida ay uga xuntahay falalkii ka dhacay gobolka Cayn,waxaana iska kaashada kooxda SSC & maamulka Riyaale,annagu dawlada Ethiopia waanu kala hadalnay wixii dhacay oo ay u horayso hantida ka maqan shacabka reer Buuhoodle,taasna aqbalaad ayaanu ka helnay oo waanu u tagaynaa,laascaanoodna anagaa soo celinayna qaab kasta aan u marnee wakhti uun,laakiin waxaanu ka xunahay falalka ay wadaan kuwa SSC labaxay oo uu horay Madaxweynuhu uga hadlay,waana Fawdo hor leh oo ay Puntland ka bilaabeen,wuxuunu ugu baaqaynaa inay faraha kala baxaan fidna aday wadaan oo ay u hogaansamaan amarka dawlada Puntland waayo madaxdayada hada joogta waad ogtahay oo si sharci ah ayaa nala ku doortay,shacabka ayaana wax noo dhiibta oo nala xisaabtamaya,hadiise ay arimahaas ku sii socdaan waxaan marin doonaa ciqaab xun oo ay ka shalaayaan,waana u digaynaa anaga oo la kaashanayna dawladaha aan deriska nahay"sidaas waxaa yidhi madaxweyne xigeenka Puntland C/samed Cali Shire oo ay ka muuqato cadho weyn iyo hanjabaad.

Si kastaba ha ahaatee waxaa hogaanka SSC uga imaanaya dhinaca Puntland hanjabaado,aflagaado iyo cagajuglayn ay ku kacayaan madaxda sare ee dawlada,kuwaas oo aan la garanayn ujeedada ay ka leeyihiin,iyo waxa ay ka rabaan hogaanka ay umadu dooratay ee aan wax dhib ah la rabin maamulkaas,duulaana aan ku ahayn

Geen opmerkingen:

Een reactie posten