donderdag 24 juni 2010

Masaajid ku soo rogay ganaax hadii telefoonku soo dhaco wakhtiga salaada


mobile

Masjid ku yaala degmo ku taala dalka Masar ayaa ku soo rogay qofkii isagoo ilawsan uu mobile ku ku soo dhaco lagu ganaaxayo $ 2, taas oo ah markii ugu horaysay ee ganaax noocan oo kale ah lagu arko dalka Masar.

Tiirarka masaajidkan ayaa la sudhay fariin odhanaysa “Haduu mobile-ku kugu soo dhaco, ogaw waxaad bixinaysaa $ 2, oo aad ku caawinayso masaajidka”, balse wasaarada Diinta iyo Awqaafta dalkaas ayaa sheegtay inay lacagtaasi tahay mid aan loo baahnayn, hadii ay dhacdo in la bixiyana ay kala xisaabtami doonaan masuuliyiinta masaajidkaas isaga ah, waxaanu sheegay in wasaarad ahaan aanay diidanayn in dadka ku tukanaya masaajidka lagu amro inay mobiladooda xidhaan, balse aanay ogolayn in lagu soo in laga qaado lacag ka baxsan Zakada iyo Sadaqooyinka kale.

Imaamka masaajidkan oo ka faaloonaya hadalka masuulka ka socda wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegay in ilaa iyo intii ay digniintan ku dhajiyeen masaajidka aanay dib u maqal mobile dhacaya inta salaada lagu jiro dadkuna ay si fiican ugu hogaansameen, isagoo xusay in ujeedadu aanay ahayn in dadka lacag sharci darro ah laga qaado balse ay tahay in nidaamka la ilaaliyo taas oo ay ugu sii darnayn inay dadka qaar mobiladoodu ay ku soo dhacaan heeso aad u dalacan oo sahwi galinaya dadkii masaajidka ku tukanayay.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten