donderdag 17 juni 2010

Madaxweyne Riyaale oo si weyn loogu soo dhaweeyey Gabiley

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo waftigii uu hogaaminayay eeXisbigiisa ayaa galabta si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaaladda Gabiley

Waftigu waxa uu ka soo kicitimay magaaladda Boorame oo uu muddo laba maalmood ah ku sugnaa isagoo ka qayb qaatay kaltanka Ololaha Doorashada ee xisbiyada oo xisbigoodu u lahaa, waxaanu halkaasi kula kulmay soo dhaweyn balaadhan isagoo fagaaraha khayriyada kala hadlay dadweynaha reer Awdal sidoo kalena Odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi kulamo gaar gaar ah la yeeshay

Madaxweyne Rayaale iyo waftigiisa waxa si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha reer gabilay oo hareero tunaa jidka isku xidha kalabaydh ilaa gabiley waxaanu u hoyday guriga martida isagoo isla caawaba kulamo la yeeshay odayaasha, ganacsatada iyo waxgaradka

Madaxweyne Rayaale waxa u qorshaysan siada uu noo xaqiijiyay Af-hayeenka Madaxtooyadu inuu beri dadweynaha reer gabiley kala hadlo fagaaraha khayriyada isla markaana uu u sii dhaafi doono Wajaale, Allay-baday, Balli-gubadle ugu danbayntana safarkiisa uu ku soo gabagabayn doono Gobolka Saaxil

Dhinaca kalena Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isna maanta u anbabaxay Oodweyne isagoo u sii dhaafi doona Gobolka Togdheer iyo Sool halkaasi oo uu taageerayaashooda kala qayb gali doono isku soo baxyada Ololahooda oo ay laba maalmood oo kaliyi u hadhsan yihiin

Tartanka Doorashada ayaa maraya meel xaasaasi ah iyadoo ay maalmo yar oo koobani ka hadhsan yihiin Doorashadii, waxaana durtaba soo if-baxaya inay adkaato saadaasha cida ku guulaysan doonta

Waaheen.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten