donderdag 17 juni 2010

Masuuliin ka tirsanaa Xisbiga UDUB oo u diga rogtay UCID

Hargeysa (Waaheen) Xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa shalay xaflad ballaadhan oo soo dhawayn u sameeyey masuuliyiin iyo taageerayaal miisaan culus ku lahaa xisbiga UDUB, oo shaaca ka qaaday inay taageeradadoodii iyo xafiisyadoodiiba ku soo wareejiyeen xisbiga UCID.


Xafladaas oo lagu qabtay Hotel Scadanevian ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Ciro], Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga UCID Md. Aadan Maxamed Mire Waqaf, Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee xisbiga UCID Maxamed Ibraahim, masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga UCID, madaxda iyo taageerayaasha faraha badnaa ee ku soo biiray xisbiga UCID ee hore uga tirsanaa xisbiga UDUB.


Gudoomiyaha xisbiga UCID ah-na musharaxa jagada Madaxweynenimada ee xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe, oo halkaas ka hadlay ayaa masuuliyiinta iyo taageerayaasha ka soo diga-rogtay xisbiga UDUB ku hambalyeeyey go’aanka geesinimada ah ee ay ugu soo biireen xisbiga UCID.

Waxaana hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Horta maanta waxa dhabawday kelmad aan odhan jiray marka aan arko qof reer Axmad-dhagax ah ama reer Balli-gubadle ah oo xusbi kale ku jira, waxa aan odhan jiray waxa aad tahay UCID ambatay waanaad iska iman doontaa. Tii-baa maanta dhabawday. Nin la yidhaahdo Saxardiid oo KULMIYE wakiil uga ah Maraykan-ka, ayaanu is waraysan-nay oo waxa uu igu yidhi ‘waxa aan ahay KULMIYE oo reer Hargeysa ayaan ahayoo, reer Axmed-dhagax ayaan ahay.’ Markaasaa waxa aan ku idhi ‘ma tihid KULMIYE ee UCID ambatay ayaad tahay.” Ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe,

Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Walaaloyaal anagu [UCID] waxa aanu siyaasada u galnay markii aanu aragnay baylahda waddankeena taala. Waddankeena halgan ayaynu u galnay, oo nafteena ayaa halis gashay, dhulka ayaa la inaga saaray, waynu dagaalan-nay, oo dagaal xaq ah ayaynu dagaalan-nay, ilaahay guushii ayuu ina siiyey oo wuu ina xoreeyey. Qaddiyadaas aynu u dagaalanay waxa ay noqotay qaddiyad aan hogaan lahayn. Adduunka ilaahay lama arag dad inta ay dagaalameen guulaystay oo is waddi kari waayay, innaga horteena lama arag. Waxaa ka markhaati ah, maanta Mujaahidiinteenii SNM darxumada ka muuqata waad aragtaan, waa dadkii halgamay ee guusha helay ayaa maanta darxumada u dhimanaya, Aqoon ama Naafo ha ahaadaan. Horta waxyaabaha aanu ku dhaaqaynaa waxa weeye inaanu dadkaas daryeelno. Dadkaas xuquuqdoodii waxa Aakhri la waydiinayaa dadkii masuulka ka ahaa. Ilaahay ayaan idinku dhaariyee dadka intay dal dhan heleen, ka doortay in magaalo-magaalo la isu dilo.”

Mar uu ka hadlay sidii uu Rayaale ku noqday Madaxweyne, waxa uu yidhi “Maanta maxaa keenay Rayaale, waxa keenay baylah ka timi hogaankii SNM. Maxaa Mujaahid Xasan Ciise Jaamac Guriga ku xareeyey, waxa uu ku xareeyey oo uu uga gaabsaday, waxa uu arkay qaddiyadii u u dagaalamay oo la khiyaameeyey, waxaana khiyaameeyey Nimankii ay Ilmaadeerka ahaayeen ee ay wada dagaalameen, waana kaas shibta [aamuska] galay. Maanta wasx aanu damacnay wixii aad u dagaalanteen ee ahayd caddaalada, xornimada iyo gooni isu taaga inaanu hirgelini ayaanu doonaynaa haddii ilaahay ka dhigo. Maxaynu ku hirgelinaynaa? Waxa aynu ku hirgelinaynaa kelmada ‘Laa’ilaha Illalaahu Muxamadu Rasuululaahi,’ kelmadaas ayanu u maraynaa dariiqa toosan.”

Waxa uu dhaliil xoogan u soo jeediyey Madaxweyne Rayaale, “Rayaale xisbiga UDUB oo keliya muu baabayn ee Hay’adihii waddanka oo dhan ayuu buro ka dbigay oo uu baabiiyey, Hay’ad keliya oo maanta shaqaysaa ma jirto. Waxa uu u taagwaayay taa Baarlamanka ee ay UCID xukunto, inta kale oo dhan buro ayuu ka dhigay. Waxa weeyaan waa inaynu kitaabka ilaahay iyo Sunnaha Rasuulka qaadanaa.”

Gudoomiyuhu waxa uu ku ballan-qaaday inay dhalinyarada i nay mustaq u samayn doonaa, isla markaana ay shaqooyin u abuuri doonaan, isaga oo xusay inay waxbarashada bilaasha ka dhigi doonaan, wax badan-na ay ka qaban doonaa adeegyada caafimaadka.

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Xoghayaha xidhiidhka gobolada ee Xisbiga UCID Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo sheegay in ay isaga maanta farxad u tahay mar haddii ay ragg miisaan siyaasadeed ku dhex lahaa xisbiga UDUB ay ku soo biireen xisbiga UCID.

Waxa kale oo uu sheegay in muddo gaaban oo uu joogay dalka uu durba ka hirgeliyay tiroba 16 xafiis, halka ay Toban hore uga jireen, waxaanu tilmaamay in hada 6 xafiis oo uu lahaa xisbiga UDUB ay hada gacanta ku soo dhigeen.

Xoghayuhu waxa uu ugu baaqay dhamaanba taageerayaasha xisbiga UCID in ay meel uga soo wada jeedsadaan sidii uu xisbigu horumar u gaadhi lahaa.

Dhinaca kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyihii hore ee degmada Axmed Dhagax ee Xisbiga UDUB Mawliid Keyse, Maxamed C/laahi (Sumuni) oo ka mid ahaa aasaasayaashi xisbiga UDUB iyo Maxamed Xasan Qayre (Shabaash) oo ka mid ah golaha deegaanka ee balligubadle.

Waxaanay masuuliyiintani tilmaameen in maanta laga bilaabo ay la shaqayn doonaan xisbiga UCID oo ay hada xubno ka yihiin.

Si kastaba ha ahaatee xisbiga siyaasiga ah ee UCID ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay talaabooyin wax ku ool ah hore u qaaday, waxaana ilaa hada si isdaba joog ah ugu soo biiraya taageerayaal iyo masuuliyiin cusub oo xilal ka hayay xukuumada

Geen opmerkingen:

Een reactie posten