donderdag 3 juni 2010

Markii aan Dalka soo Galay waxaanu ka shaqeyneyn Cafis

Markii Dalka la soo Galay Waxaannu ka Shaqaynay.. Cafiskii loo Fidiyey Dadkii nala Dagaallamayey oo ah tan uu Maanta Madaxweynaha ku Yahay Daahir Rayaale’
Muj. Xasan Ciise oo Jawaab ka Bixiyey Eedaymo Rayaale u Jeediyey Hoggaankii SNM
Hargeysa (Jam)- Madaxweyne-ku-xigeenkii ugu horreeyey ee Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha ururka SNM Muj. Xasan Ciise Jaamac, ayaa jawaab waafiya ka bixiyey hadal dhowaan ka soo yeedhay Madaxweyne Daahir Rayaale ee uu masuuliyadda darajo la’aanta ciidammada qaranka ugu xambaariyey hoggaamiyeyaashii SNM ee talada dalka uga horreeyey.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo khadka telefoonka Jamhuuriya ugu warramayey xalay, waxa uu daboolka ka qaaday in xukuumaddii SNM ee talada dalka la wareegtay 18kii May 19991kii markii Somaliland madaxbannaanideeda dib ula soo noqotay ay ka shaqaysay arrimo fara badan oo ka mudnaa darajo samaynta ciidammada sida; dib-u-heshiisiintii beelaha iyo cafiskii dadkii ka soo horjeeday halganka SNM, arrintaasoo uu ku tilmaamay inay tahay ta keentay Md. Daahir Rayaale Kaahin madaxweyne ka noqdo Somaliland.
“Arrintaas waxaan kaga jawaabayaa; markii dalka la soo galay waxaannu ka shaqaynay waxyaabo badan oo ka muhiimsanaa darajooyinka ciidammada, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen heshiisiintii iyo nabadayntii beelihii tobanka sannadood inta ka badan la isku dirayey iyo saamaxaaddii iyo cafiskii loo fidiyey dadkii nala dagaallamayey oo ah tan uu maanta madaxweynaha ku yahay Daahir Rayaale, haddii aannu xukunka sii hayn lahayna intaas iyo wax ka badanba waannu samayn lahayn,” ayuu yidhi Guddoomiyaha SNM.

Jamhuuriya Online

Geen opmerkingen:

Een reactie posten