donderdag 3 juni 2010

UCID

  UCID POLITCAL MANIFESTO

Ing. Faysal Cali Waraabe (Guddoomiyaha UCID)

www.ucidparty.com

URURKA CADDAALADA IYO DARYEELKA EE LA SAMEEYEY 18-KII OGUST ILAA 22-KII. SABABIHII IYO BAAHIDII KEENTAY IN LA SAMEEYO, UJEEDDADA , ARAGTIDA IYO SIYAASADAHIISA DHOW IYO KUWA DHEER EE UU U TAAGAN YAHAY.
URURKA UCID waxa uu u samaysmay si wadidda halgankii Ururkii SNM/ adkeynta, madaxbannaanida, iyo qarannimada Somaliland. Markaanu aragnay in ururka SNM hogaankiisu ku guul daraystay in u keeno midnimo dhexdiisa iyo argti dheer oo dalka lagu wado, markaanu aragnay in maamulka madaxweyne CIGAAL, Iska daa in uu mideeyo, iskuwado garbaha SNM ee uu dhaliyey iska horimaad beelood iyo dagaal sokeeye oo heer hoose ah, markaanu argnay in dowlada Cigaal oo shan (5) sanno, oo dalku nabad ku dhaqnaa hananweyday kalsoonidii dadka, isla markaana ka gaabisay in ay keento aqoonsi caalami ah, markaanu aragnay soo noqoshada Cigaal in ay halis ku tahay jirtaanka Soomaliland, markaanu aragnay in aanay muuqan siyaasi hore oo u muuqda in uu dalka hogaaminkaro, markaanu aragnay cada-qaatayaal uu sameeyey Afweyne oo ka soo jeeda Soomaliland ay ka qayb qaataan mijaxaabinta qaranimada Soomaliland, iyagoo siistay halgankii ummada darajooyin rakhiisa, markaanu aragnay in dalkayaga qabiil yari uu sheeganayo gobolo ka mid ah, markaanu aragnay in Hindisihii iyo riyadii AFWEYNE in la rabo in lanagu hirgaliyo, markaanu aragnay Shirkii CARTA iyo ujeedada Ismaciil Geelle, markaanu aragnay in Soomalidu ku hishiistahay oo kaliya cadaawada, waxyeelada iyo duudsiga shacbiga Soomaaliland , markaanu aragnay in ay Koonfurtu qabto in burburinta Soomaaliland ay tahay midnimadooda iyo mustaqbalkooda, markaanu aragnay in dowlada madaxweyne Cigaal ka caabin karin dadka reer Soomaliland khatarta ku soo socota, markanu aragnay is xaydxaydka, iyo is xiijiska kooxda maafiyada ee Carta, markaanu aragnay sidii kooxda Carta ugu guulaysatay in ay xayiraad ku soo rogto xoolihii Soomaliland ka dhoofi jiray, iyo sida dowlada Soomaliland aanay talaabo u qaadin sidii wax loogu tari lahaa xoola-dhaqatada Soomaliland.

Waaxaa lama huraan noqotay in la sameeyo Ururo siyaasadeed oo ay hogaaminayaan dad da’ yar isla markaana ku dheehantahy qoomiyad iyo wadanimo. Si looga saaro Soomaliland quudhsiga, tamardarraanta iyo baahida loona dhiso dowlad haybad iyo tayo leh oo hananta himiladii mujaahiidiintii SNM kuwa nool iyo kuwii shahiideyba, dowlad casirya oo loo dhanyahay- Soomaliland CUSUB(NEW SOMALILAND).

UJEEDADA URURKA.

Ururku wuxuu u taaganyahay in uu saxo Khaladkii 1-dii July 1960kii iyo adkeynta gobannimada , sharafta iyo madaxbannanida Soomaliland iyo dadkeedaba, soo adkaynta midnimada iyo is’aaminaada dadka reer Soomaliland taasoo ay nugleeyeen dowladihii Koonfuri si ay u gaadhaan siyaasadohoodii ku salaysnaa qabiilka iyo dhul fidsiga.

Ururku wuxuu u taaganyahay sidii loo dhisi lahaa dowlad casriya oo waxtarkeeda loo simanyahay, khayraadka iyo hantida dalkana loo simanyahay, Wuxuu balanqaadayaa Ururku in la dhiso dowlad shacriga iyo nidaamku shaqaynayo, dawlad aqoon iyo Qorshe ku socota. Ururku wuxuu soo afjarayaa muusuqmaasuqii, boobkii iyo mamul-xumadii ka soo jeeday nidaamkii Guumaysigii Talyaaniga ee dowladiihii Koonfuri ka dhaxleen/ AFTALYAANI NINKII BARTAA AYATIIN MA LAHEE.. Ururku waxa uu u taaganyahay in uu dhiso bulsho ku salaysan Shuruucda Diinta Islamka ku, qalban shareecada Islaamka, asluubta, dhaqanka iyo damiirka islaamnimo. Bulsho u siman sharciga iyo khayraadka dalka . Ururka waxa ka go’an in u dhiso bulsho adeegsaata aqoonta iyo teknoolajiyada cusub, bulsho ay ka reebantahay qabyaalad iyo wax alaale wixii sameynaya amba badhxaya diinta Islamka iyo dhaqankeeda.

Ururku wuxuu u taganyahay oo kale in uu hirgeliyo dhaqaalaha suuqa xorta ah, dhaqaale, isku dhafan isla markaana dowlada kama reebana in ay xakamayso marka ay u argto in ay tahay danta guud. Uruku wuxuu u taaganyahay in uu ku dadaalo sidii loo hirgelinlaha nidaamka Daryeelka Bulshada (Welfare System) si loo afjaro in ay samaysanto bulsho dabaqyo kala fog leh, waaxaa ku qasab ah dowladda in ay ilaaliso baahida dadka nugul, iyadoo isla markaana uu samayndoonto shaqooyin badan. Dowladda waxaa ku qasab ah in muwaadin kastaa helo HOOY, CUNTO IYO DHAR ugu dambaynta..

XUKUN FURFURAN.

Ururku waxa uu balanqaadayaa in la dhiso nidaam dowladnimo oo ay awooddu qaybsantahay, lana qeexidoono xuduudaha awoodda ee FULINTA, WAKIILADA iyo Caddaaladda. Awoodda madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo la qeexidoona tiiyo madaxweyne ku xigeenku ka masuul naaqondoono maamulka dalka ee gudaha iyo wasaaradaha badankooda. Waaxaa la soo afjaridoonaa in madaxweyne-ku-xigeenku noqdo magac keliya. Ururku waxa uu u taaganyahay in la dhiso dowladda xukunkeedu iyo dhaqaaleheedu fidsanyahay oo aanuu ku soo ururin gacan keliya iyo deegaan keliya. Awoodda dowladda waa la fidindoonaa, gobol kasta iyo degmo kastaaba waxay u madaxbanaanaandoonaan siyaasadahooda sida, caahuuraha, deegaanka, waxbarashada iyo caafimaadka. Talada waxaa la gaadhsiindoonaa ilaa tuulada waxaa la dhiirigelindoonaa ka qayb galka talada ee dumarka iyo dadkii la yasijirey. Wuxuu Ururku u qoondayndoonaa dumarka iyo dadka laga tiro badanyahay jagooyin sarsare oo u khaas ah.

Ururku waxa uu xoogga saaridoonaa waaxbarashada, caafimaadka iyo horimarinta xoolaha nool. Waxaa la hirgelindoonaa sidi ilmo kasta oo reer Soomaliland ahi meel kastaba hajoog u heli lahaa Daryeel Caafimaad iyo Waxbarasho. Waxaa la fidindoonaa waxbarashada sare tiiyoo lagu soo koobaynin hal degaan oo keliya. Waxaa xoogga la saari doonaa horumarinta reer miyiga iyadoo laga ilaalindoono in magaalooyinka lagu soo qulqulo, isla markaa waxaa la hormarindoonaa lana dhiirigelindoonaa kaluumaysiga iyo maalgelinta xeebaha.

Ururku wuxuu dhiirigelindoonaa maalgelinta shisheeye isagoo ilaalidoona xuquuqda xoogsatada Soomaaliland lana dajindoono heerka mushaharka ee u hooseeya.

SIYAASADA URURKA EE DIBADDA.

Ururku waxa uu ixtiramidoonaa heshiisyada caalmiga ah , Axdiga Qaramada Midoobay (UN CHARTER), Axdiga Midawga Afrika (AU) iyo Axdiga Urur-Goboleedka ee IGAD. Ururku waxa uu soo dhaweynayaa wax wada-qabsiga caalamka iyo Globalization-ka, isku xidhnaanta aduunka isla markaa ururku ma ogolaanayo wixii wax u dhimaya Diinta ISLAMKA IYO Qarnimada dalka. Ururku wuxuu dhisidoonaa wasaarad arrimaha dibadda oo ku qalban dad aqoon dheer u leh Qaanuunka Caalamiga iyo Diblumaasiyadda. Waxaa la hirgelindoonaa siyaasadda miisaanan oo aan ahayn soo raac ee wax hogaamisa.

Ururku wuxuu u taaganyahay deris-wanaag iyo ixtiraam dowladdaha dariska ah, waxaa laga shaqayndoonaa sidii danta iyo nabadgelyada Soomaliland wax kasta laga horaysiinlahaa- SOMALILAND FIRST. Waxaa laga guuri siyaasaddi hore ee ku dhisnayd laab-la-kaca iyo rayiga. Waxaa la xoojindoonaa ilaalinta danaha iyo xuquuqda dadka ka soo jeeda reer Soomaliland ee deggen dalka dibadiisa siiba dalalka Carabta, Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ururku wuxuu ka shaqeyndoonaa sidii loo keenilaha maxkamada kuwii ka dambeeyey XASUUQII shacbiga reer Soomaliland, isla markaa wuxuu Uruku u taaganyahay in maxkamad loo furo kuwii ka qayb qaatay shirarkii loo bixiyey "Dib u Hishiisiinta Soomalida" hase ahaatee ujeedadu ahayd mija-xaabinta qaranimada Soomaaliland iyo quudhsiga shacbiga Soomaliland, laga bilaabo Jabuuti 1, waxaa iyaga si adag loola xisaabtami kuwii ka qaybqaatay dowlad ku sheegii Salbalaadh, shiirarkiii Qaahiira iyo Carta iyadoo kuwa mansabka ka qaatayna lagu soo eedayndoono Khiyaamo Qaran.

Ururku waxa uu dib u eegi dadkii dowladda Sacuudigu soo Maasafurisey June 1988 ee lagu xasuuqay dekedda Berbera isaga oo arintaa kala xaajoondoona dowladda Sacuudi Carabia. Ururku wuxuu dib uga shaqayndoonaa sidii Soomaliland u geli lahayd Ururka Barwaaqasooranka kaas oo ay luumisay markay la midawday Soomaaliya. Waxaa laga raarididoonaa dowladdaha Carabta in ay Soomaliland xukunto Badda Cas iyo Baabal-mandab ee ayna Koonfuri xuduud la lahayn. Ururku marna ka habranmaayo danta Soomaaliland. Waxaa kor loo qaadiidoonaa xidhiidhka ka dhexeeya Soomaliland iyo Itoobiya siiba Dowlad Gobaleedka Soomaalidu degto, dadkaas oo la wadaaga reer Soomaliland dhaqan iyo wada dhalasho soo jireen ah.

Waxaa la dhisidoonaa CIIDAN QARAN oo kooban isla markaana casriya, waxaa la soo afjari askartii aan waxna qori jirin waxna akhriyi jirin. Waxa laga doorandoonaa ASKARTA dugsiyada dhexe, dugsiyada sare IYO jaamacadaha. Waxaa loo carbindoonaa difaaca dalka iyo dhismihiisaba , waxaa la samayndoonaa ciidan aqoon iyo xirfad leh, ciidan asluub leh oo ka caagan siyaasadda. Waxaa la daryeeli doonaa agoontii mujaahidiintii ee waalidkood ku shihiiday dagaalkii dib u xooraynta Soomaliland.

Waxa siidoo kale la samayndoonaa Booliis aqoon leh oo loo carbiyo in uu noqdo mid u gargaara, ilaaliya xuquuqda iyo hantida, xornimada iyo ammaanka muwaadinka. Booliis lagu faano lagu hamiyo in laga mid noqdo. Waxaa la saamayndoonaa machadyo lagu tababbaro booliiska, islamarkaana labaro qiimaha muwadinka iyo xuquuqdiisa cidna ka qaadi karayn. UCID waxa uu barbaarinayaa demoqraadiyadda isaga oo olole u qaadiidoona sidii kor loogu qaadilahaa aqoonta shacbiga iyo aqoontooda siyaasadeed , waxaa la fidindoonaa ka qaybgalka talada dalka ee shacbiga isago Ururku ku dedaalidoono sidii loo kordhin lahaa tirada Wakiilada iyo Golaayaasha dowladdaha hoose.

UCID Waxay la tahay maadaama tirada dadkeenu u dhexayso saddex milyan ilaa saddex milyan iyo badh (3ml- 3,5ml) in loo baahanyahay in la saddex laabo tiradii Wakiilada ee lixdankii oo sadex iyo soddon ahayd (33) laguna daro sideed (8) xubnood oo la siiya dadka laga tira badanyahay, marka isku dar laga dhigo tirada Wakiilada 107 xubnood taa micnaheedu waxa weeye in siddeed iyo labaatankii kun ee qofba (28000) hal Wakiil kasoo dhexbaxayo.. Isla markaa waxaa loo bahanyahay in tirada Golayaasha dowladdaha hoose tobankii kun (10,000) ee qofba kasoo dhexbaxo hal qof (I). Tusaale, haddii ay Hargeya dadka ku nooli yiihiin lix boqol oo kun (600 000) waxay yeelanaysaa gole ka kooban lixdan qof (60).

UCID waxa uu qabaa in dowladdu kala tashato ururrada oo dhan Guddida Doorashooyinka XUBNOHOODA kadib ay ku dhawaaqdo marka la isla ogolaado Guddida. Waxaa UCID ka soo horjeeda wax alaale iyo wixii ka hor imanaya koritaanka ummada iyo dhismaha nidaam dowli ah oo ku abtirsada afkaar iyo dan guud sida habka Shir-Beeleedka.

Guddoomiyaha UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe

Geen opmerkingen:

Een reactie posten