zaterdag 19 juni 2010

Nederland oo Budhcad badeed lagu maxkamadeeyey

{Rotterdam} 18-06-10Maxkamad kutaala dalka Netherlands ayaa min shan sano xadhig ah ku xukuntay shan nin oo budhcad badeed soomaali ah kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay afduub la damacsanayen markab laga lahaa dalka Netherlands sanadkii 2009.

Budhcad badeedda soomaalida ah oo in muddo ah xabsi lagu hayay ayaa dhowr jeer maxkamadda la horkeenay waxayna diideen eedeynta, ayagoo sheegay in ay ahaayeen kuluumeysato, hase yeeshee xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay in raggan gacanta lagu soo dhigay ayagoo weerar ku qaadayey markab Netherlands laga leeyahay isla markaana ay hubeysnaayeen.

Budhcad badeedda oo da’dooda u dhaxeysay 25 jir ilaa 45 jir ayaa midkiiba lagu xukumay shan sano oo xarig ah , iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo maxkamad ku taalla yurub ay ku xukun ku rido burcad badeed soomaali ah.

Yaldo on line.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten