zondag 20 juni 2010

Ra,isal wasaaraha Itoobiya oo ka hadley Xaalada dalka Soomaalia

 Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya

News{ Addis} 19-06-10Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Melles Zenawi ayaa sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay haysato fursad ay ku soo celin karto ammaanka guud ahaan dalka Soomaaliya, sidaasi darted loo baahan yahay in gacan weyn la siiyo.

Waxa uu ugu baaqay beesha calaamka inay taageeraan dowladda KMG Soomaaliya si buu yidhi ay dib ugu soo celiso sharciga iyo kala dambeynta, isagoo xusay in dowladda KMG ay hadda diyaar u tahay in ay wax qabato.

Meles Zenawi waxa uu sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay dagaal kula jirto xoogag hubeysan oo mucaarad ah, kuwaasoo doonaya buu yidhi inay xilka ka tuuraan dowladda, waxaana loo baahan yahay in kooxahaas laga hortago si buu yiri Soomaaliya ay nabad uga dhalato.

 Wuxuu sheegay inay qatar weyn ay ka jirto Soomaaliya, wuxuuna xusay in qatartaasi aysan ahayn mid dhibaato ku ah Soomaaliya oo kaliya, balse ay tahay qatar ku wajahan caalamka oo dhan, loona baahan yahay in laga hortago.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar sameysay, balse ay maalin walba dagaal kala kulanto kooxaha ka soo horjeeda, taasna aan indhaha laga qarsan karin, isagoo xusay in kooxahaas ay yihiin kuwo aan doonayn nabad ka dhalata Soomaaliya.

Kooxaha Islaamiyiinta ah ayuu ku tilmaamay inay xiriir la leeyihiin Al-Qaacida oo qatar ku ah daganaashaha calaamka, isagoo sheegay in haddii aan si wadajir ah loola dagaalamin ay saameyn degdeg ah ku yeelan doonto caalamka.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten