woensdag 16 juni 2010

Ololaha Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo hada maraya meel aad u kulul


Ololaha Doorashadda Madextooyada Somaliland Oo Hada Maraya Meel Aad U Kulul

HARGEYSA - iyada oo lagu gudo jiro wareeg shanaad ee ololaha doorashada madextooyada Somaliland ka dhici doonta 26-ka bishan juun, ayaa waxaa mar marka ka sii dambaysa sii kululaanaya ololaha ay samaynayaan sadexda xisbi qaran ee UCID, UDUB Iyo KULMIYE ee ay ugu tartamayaan sidii mid kasta hogaanka dalka ugu guulaysan lahaayeen.
Ololahan ay samaynayaan musharaxiinta sadexda xisbi qaran oo si xawli ah uga socday guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland ilaa 3-dii May, ayaa hada waxa ay musharaxiinta sadexda xisbi qaran-ba u soo jeesteen sidii ay u hadli lahaayeen dadweynaha ku dhaqan Gobollada ay u dhasheen ka dib markii ay soo dhamaysteen ololihii Gobollada kale ee Somaliland.

Hadii aynu soo qaadano musharaxa jagada madexweynaha ee xisbiga talada haya ee UDUB ahna madexweynaha jamhuuriyda Somaliland Md Daahir Rayaale oo hore ololaha doorashada uga soo sameeyey Gobolka Sanaag, magaalooyinka Ceerigaabo, Gar-adag,Ceel-afweyn iyo Caasimada Hargeysa, ayaa hada waxaa uu shakay kala qaybgalay taageerayaasha xisbiga UDUB isu soo baxoodii ay ka samaynayeen magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal oo ah Gobolka uu ka soo jeedo, halka uu madexweyne ku xigeenka ahna musharaxa madexweyne ku xigeenka xisbiga UDUB uu isna dadweynaha reer Gabiley kala qaybgalay isku soo baxa taageerayaasha xisbiga UDUB ay halkaas ka dhigeen shalay.

Musharaxa xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isna hore ololihiisa uga soo sameeyey Gobolada Galbeedka Somaliland, ayaa hada ku guda jira ololihii Gobollada Bari, isaga oo ka bilaabay Gobolka Saaxil.

Sida oo kale musharaxa Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo inta badan isagu cagta soo mariyey guud ahaan Gobollada iyo Degmooyin bari ee Somaliland doraad ku soo laabtay caasimada, ayaa maantana lagu wadaa inuu safar ugu ambabaxo Gobolada Salal iyo Awdal, waxaanu noqonayaa musharaxa kaliya ee guud ahaan soo wada maray dalka oo dhan min tuulo min magaalo.

Dhammaan musharaxiinta sadexda xisbi qaran ee Somaliland, ayaa dadweynaha mid waliba waxaa uu ugu baaqayaa inay codkooda siiyaan iyaga oo u sheegaya waxa uu qaban doono hadii hogaaminta dalka ku guuleysto.
Taageerayaasha iyo masuuliyiinta sadexda xisbi qaran ayaa ilaa hada si nabadgalyo ah u wada ololaha doorashada madextooyada oo ay ka hada ka hadhay sagaal maalmood oo kaliya waxaa loo dareeri doonaa 26-ka bishan ee 2010-ka

Geen opmerkingen:

Een reactie posten