maandag 7 juni 2010

Saddexda murrashax ee Somalilandd maxay ka faa,iisan karaan Nolosha madx. urguay Jose

Saddexda Murrashax ee Somaliland Maxay ka Faa’iidaysan Karaan Nolosha Madaxweynaha Uruguay Jose Mujica!

Cabdilaahi Beershiya waa suxufi ka tirsan wargeyska Jamhuuriya Madaxweyne kasta oo talo qabta waxay dadkiisu bartaan kartidiisa, waddanimadiisa, aqoontiisa, garaadkiisa iyo inta ay le’eg tahay lexjeclada uu dadkiisa iyo dalkiisa u hayo. Kartidiisa iyo aqoontiisa waxay dadweynuhu ka qiyaasi karaan hadba sida ay yihiin wasiirrada iyo shaqaalaha u dirto iyo aragtiyaha uu ka bixiyo sida uu doonayo inuu dalka u maamulo.


Markasta oo Madaxweyne la soo qaado gaar ahaan Madaxweynaha dunida saddexaad waxa niyadaada ku soo degdegaysa inuu yahay Madaxweyne musuqmaasuq badan, ma naxaan ah, hantidii ummadda urursaday iyo inuu yahay nin guryo waaweyn iyo gawaadhi kala nooc ah wata.

Bal haddaba akhriste ma maqashay amma ma akhriday nolosha Madaxweyaha dalka Uruguay oo la yidhaahdo Jose Mujica oo afar iyo toddobaatan jir ah, horena u ahaa mucaarad aad u fogaaday, waxa uu ku nool yahay xaalad aad u qalafsan dhaqaale ahaan, warbaahinta adduunkuna waxay ku tilmaamaan inuu yahay hoggaamiyaha ugu faqiirsan ee dal dunnida kamid ah hoggaamiya “The Most Poorest Leader in The Wolrd.”

Mujica markii uu ku guuleystay madaxtinnimada dalkiisa wuxuu diiday inuu ku noolaado qasriga madaxtooyada isaga oo doorbiday inuu iskaga noolaado guri gaboobay oo ku dhex yaal beer ay ku qoran tahay gabadhiisa oo ku taal daafyaha magaalafa caasimadda ee Montevideo.

Mujica wuxuu soo maray xadhig iyo rafaad badan markii uu ka tirsanaa dhaqdhaqaaqii xoreynta ee loo yaqaanay Tupamaros Movement, isaga oo ka qaybqaatay afgenbiyo milatari oo la isku dayey 1973-kii, waxaanna loo tarxiiley xabis milatari oo uu ku jiray muddo 14 sanno.

Bishii March 1-deedii sannadki 2005-kii ayuu Madaxweynihii Uruguay ee xilligaas Tabare Vazquez u magacaabay Mujica wasiirka xannaanada xoolaha, beeraha iyo kalluumeysiga, maadaama uu ahaa nin bartay arrimaha beeraha, taas oo keentay inuu iska casilo xubnimadii Baarlamaanka.

Mujica siyaasaddiisu waxay u janjeedhaa dhinaca bidix, waxaannu awoodda saaraa sidii wax loogu qaban lahaa dadka faqorrada ah, arrintaas oo ka dhigtay inuu helo shacbiyad aad u badan, waxay saaxiib yihiin Madxweynaha Brazil Lula de Silva oo ku tilmaamay inuu yahay nin waaqici ah iyo Madaxweynaha Iran Axmedinejad.

Markii ololaha doorashada uu ku jiray waxa halhays u ahayd “Un gebierno honrado, un pais de primera.” Oo af-soomaali ku noqonaysa, “Dawlad daacad ah ayaa dalka horumar gaadhsiin karta.”

Markii uu ku guuleystay codadkii la tiriyey oo uu ka helay 52% waxa uu ku khudbadeeyey “nin badiyey iyo cid laga toona in aanay jirin, (Ni vencidos, ni vencedores,” isaga oo intaa ku daray, “Waxa khalad ah in lagu fikiro in awooddu meel kale ka timaaddo, waxay toos uga timaaddaa quluubta dadweynaha, arrintani waxay saameyn ku leedahay noloshayda.”

Mujica wuxuu aroortii ku shaqo tagaa gaadhi noociisu yahay Volkswagen oo modelkiisu yahay 1987 oo qiimihiisu yahay $1927 (kun sagaal boqol iyo toddoba iyo labaatan dollar) marka uu shaqo ka nasanayo wuxuu qodaa beertiisa.

Haddaba Madaxweynahani wuxuu sumcad aad u badan ku dhex leeyahay dadkiisa, waxaannu calaamad u yahay Madaxweyne ka fogaaday u harraadannaanta hantida ummaddiisa.

Su’aasha aannu akhristayaasha u dhaafeynaa waxay tahay maxay ku faa’iideysan karaan saddexda murrashax ee madaxtinimada Somaliland taariikhda ninka Madaxweynaha ka ah Uruguay

Source Jamhuuriya

Geen opmerkingen:

Een reactie posten