maandag 7 juni 2010

Taageerayaashii Xisbga udub maalintii labaad-Gabiley

Taageerayaasha Xisbiga UDUB oo Maalintii Labaad Iskugu Soo Baxay Gudaha Magaalada Gabiley.
Wasiir Shucayb waxaa kale oo uu ka warmay in tartanku xalaal yahay oo ilaahay (SW) ku sheegay kitaabkiisa quraanka ah ee....

 Wasiiru Dawlaha Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa maanta kala qayb galay taageerayaasha xibiga UDUB isku soo bax balaadhan oo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Gabiley, halkaasi oo uu kala hadlay fagaaraha khayriyada ee Magaalada Gabiley.

Wasiirka oo ay wehelinayeen Maayarka Magaalada Gabiley Aadan Muxumed Badde iyo taageerayaasha xisbiga UDUB ku leeyahay magaalada Gabiley, halkaasi oo uu wasiirku hadal dheer uga jeediyay isla markaana kaga xog waramay taariikhdii xisbiga talada haya ee UDUB iyo waxqabadyadii kala duduwanaa ee ay soo sameeyeen tan iyo intii ay gacanta ku hayeen xukunka madaxtinimada Jamhuuriyada Somaliland.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Jamhuuriyada Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa hambalyo iyo mahadnaq balaadhan u soo jeediyay taageerayaasha u soo baxay ee cadceeda taagan, isagoo sheegay in maanta taageerada xisbigoodu ka badan yihiin maalintii hore taasina ay ku timid dadaalka iyo dadka oo marba marka ka danbaysa xaqiiqada ogaanaya.

Wasiir Shucayb waxaa kale oo uu ka warmay in tartanku xalaal yahay oo ilaahay (SW) ku sheegay kitaabkiisa quraanka ah ee laakiin ay ka reeban tahay cayda iyo aflagaadada lagula kacayo masuuliyiinta qaranka iyo asaxaabtaba, isagoo illahay ka barayay inuu guusha siiyo xisbigooda una sheegay taageerayaasha xisbiga UDUB inay ka reeban tahay cayda masuuliyiinta asaxaabta qaranka.

Gebogabadiina waxaa uu wasiirku kula dardaarmay taageerayaashoodu inay ilaaliyaan nabad galyada isagoo sheegay in Somaliland cadaw faro badan leedahay, cadawgaasina doonayo inay ka faa,idaystaan wakhtigan doorashada iyo ololuhu ka socdo dalka Somaliland kuna adkeeyay foojignaanta iyo inay usoo jeedaan ilaalinta nagabgalyada ay Somaliland haysato oo uu sheegay in ay tahay ta kaliya ee maanta ay kaga soocan ahay wadamo faro badan oo geeska Afrika ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Axmed Faarax oo munaasibadaasi hadal kasoo jeediyay ayaa dadka maanta iskugu soo baxay fagaaraha khayriyada ugu baaqay inaanay wax-qabadka madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka aan cidna qarin karin, taageerayashaana ugu baaqay inay inta kale ee ay xaafadaha kaga yimaadeen gadhsiiyeen inay u codeeyaan madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland, si loo helo ictiraafkii ay Somaliland mudada dheer baadi goobaysay.

Wasiirku xigeenku waxaa uu dadka u sheegay in Gobolka Gabiley uu keenay Madaxwayne Rayaale abaal wayna ay u hayaan iyagoo maanta ay ugu abaal gudi doonaan iyagoo codkooda siiya musharaxiinta xisbiga talada haya ee UDUB, waxqabadka gobolka Gabileyna ay sii libi laabi doonaan hadday ku guulaystaan shanta sano ee soo socota.

Maayarka Gabiley Aadan Muxumed Badde oo fagaaraha khayriyada Magaalad Gabiley kala hadlay ayaa taageerayaasha kula dardaarmay inay nabadgalyada ilaaliyaan isagoo sheegay inay wali iyagu (xisbigoodu) hayo udub-dhexaadka talada dalka Somaliland iyo in xisbigoodu soo dhiseen wadanka isagoo sheegay inay maantana guushu dhex taalo sadexda xisbi qaran, iyaguna ay guul rajaynayaan.


Gudoomiayaha Golaha deegaanka Aadan M. Badde waxaa kale oo uu sheegay in halgankii xormimadoonka dhaqdhaqaaqa soomaaliyeed ka bilaabmay gobolka Gabiley oo ay bilaabeen ururkii Afraad oo ahaa jabhadii ugu horaysay ee kasoo hor jeedsata nimadaankii kalidii taliska ahaa ee Siyaad Barre hogaaminayay, isagoo taageerayaashana ka codsaday inay faataxada u maraarn mujaahidiintii ku shahiiday halgankii wadanka lagu xoraynayay.

Maayarku wuxu sheegay inaanay shaki kaga jirin inay guulaysanayaan, hadday arkaana taageerayaashu qaar xisbiyada muaaradka ah oo caytamaya inaanay u jawaabin waayo buu yidhi nin garanaya in laga badaniyaa ma af-wanaagsana.

Gebogabadii waxaa uu maayarka Gabiley kula dardaarmay in taageerayaasha xisbigu tagaan maalinta codbixinta qofkastaa meeshii uu kaadhka ka qaatay si aan codkoodu u khasaarin, isagoo u sheegay inaanay codkooda khasaarin ee ay fadhiga iyo qayilka raggu ka kacaan soona codeeyaan isagoo ugu baaqay inay codkooda siiyaan xisbig UUB.

Xisbiga UDUB ayaan maanta banaan bax ka sameeyay guud ahaan dalka jamhuuriyada Somaliland iyadoo ku beegan maalintii labaad ee ay u lahaayeen kaw iyo labaatanka cisho ee ka horeeya maalinta doorashada madaxtooyada ee Somaliland oo ku beegan 26 June ee sanadkan aan ku jirno.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten