BURCO: Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer oo Maanta isu Soo Bax aan Hore Loo Arag Ka Sameeyay Magaalada Burco +Madaxdii Halkaasi ka Hadashay + SAWIRO
Burco (Oodweynenews)- Taageerayaasha xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa maanta ka muujiyay magaalo madaxada Gobolka Togdheer Burco ololihii abid ugu layaabka badnaa ee ka dhaca magaaladaasi, markii uu saaka waagu baryay ayaa waxaa ay dadku ku tuuseen sameecadaha ay ka soo burqanayeen heesaha u gaaraka ah xisbiga Kulmiye iyo kuwa Qaranka
Khayriyada Magaalada Burco oo ahayd goobtii ay isugu soo –baxeen taageeryaasha xisbiga kulmiyea ayaa halkaasi waxaa kala hadalay masuulyiin sarsare oo ay ka mid ahaayeen DR Cabdi Awdahir,Maxamed Kaahin Axmed,Xildhibaan Cali Mareexaan,DR.Maxamed Cabdi Gaboose iyo Masuuliyiiin Sarsare oo Xisbigaasi ka tirsan.
Intii aanay bilaabmin xafladaasi ayaa waxaa ay taageerayaash xisbiga Kulmiye halkaasi ka muujiyeen olole iyo isu soo bax weyn taas oo keentay in gabi ahaanba la waayay meel lays kala taago barxada hore ee khayriyada magaalada Burco taas oo ereyada ay dadkaasi ku dhawaaqayeen ay u weynayd isbedelbaa loo baahanyahay.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadalay Gudoomiyaha Ololaha ee Gobolka Togdheer Dr Cabdi Awdaahir waxaanu sheegay in maanata ay dadkla reer Burco muujiyeen in loo bahanayahay sidii uu dalka uga dhici lahaa isbedel kaas oo ah in waxa la bedelayaa uu yahay barnaamij siyaasadeed oo cusub waxaanu Cabdi awdaahir sheegay in loo baahayahay in la wax laga qabto waxqabdlaanta ka jirta dalaka waxaanu balanqaaday in xisbigiisu yahay ka isagu xilagan u taagan inuu wax ka qabto arimahan ah baahiyaha taagan.
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Cali Mareexaan waxaanu eedayn xoogleh u soo jeediyay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale kaahin oo sheegay in maalintii shalay ahayd uu ka hadalay in Golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland aanay waxba qabnin balse ay taasi tahay dhalinteed waxaanu Cali mareexaan ku nuuxnuusday in Aqalka Madaxtooyada ee looga taliyo dalkeena oo yahay mid maanta ku sugan xaalad xun marka loo eego ayuu yidhi ka xisbiga kulmiye waxaanu Cali mareexaan u sheegay taageerayaashiisa in anay hayn wax loo dulqaadankaro nidaamka xiligan dalka lagu maamulo.
Xildhibaankan oo ay dadku aad ugu sacabinayeena ayaa waxa uu ahaa mid manta ku soo kordhiayay masraxa siyaasada Erey halgudha oo u dhignaa sidatan “Udub iyo Abaartiiba Jabtay” taas oo dadkii meesh joogayba ay dhamaantood ka dabalahaayeen ereygaas iyo ereyo kale oo la mid ahba.
Waxa isaguna xafaladani ka hadlay Gudoomiyaha Ololaha Doorashooyinka Gobolada Bariga ee Xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed Cabdi Gaboose waxaanu tilmaamay in maanta uun ay muujiyeen dadka reer Burco Isbdelkii dhabta ahaa ee inta badan la doonayay waxaanu Gaboose ku dhawaaqayay Ereyo ka dhan ah Xisbiga Udub oo uu Ku muujinayay waxqabad laa;anta iyo horumarlaanta ay dalka Baday mudadii 8sano ahayd ee ay xilka haysay .
Gaboose oo ku dhawaaqeyay Ereyo ay ka mid ahaayeen Guusha Yaa leh ayaa ka helaaiyay Taageerayaashiisa Jawaabta ah Xisbiga Kulmiy taas oo marba marka ka danabaysa hadaladii uu Gaboosi halkaa halkaa ka jeediyay ay kor u sii qaadayeen shucuurta dadkii goobtaasi ku sugnaa.
Ugu Danbaytiina waxaa iyana xafladani ka hadlayay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed,Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,Abwaan Hurre walaanwal dhamaantoodna waxa ay sheegeen in waxa in badanba loo baahnaa uu ahaa isbed
el dhaba oo dalaka ka dhaca kiina maanata lahay otaas oo ay ka makhraati kacayso tirade dadka ah ee maanataba goobtani ku sugan kuwaasi oo aan qaarkoodba saaka soo quraacan balse ay ka doorbideen in muujiyaan waxa ay u bahnyihiin oo ah isbedl dhab ah oo dalka ak dhaca.
Markii ay soo gebagabwday Xafladania ayaa waxaa socod ku maray qaar ka tirsan jidadka waaweyn ee magaalada Burco Taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo ku gaashaanaa calamaanta xisbigooda iyo sawirada Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ,kuwaasi oo muujiayay cududa ay gobokan Togdheer ku leeyihiin iyo isbedlkaa ay u baahanyihiin taasina waxa ay keentay tiro badnaanta Taageerayasha awgeed inayba xidhmaan qaar ka tirsan jidadka waaweyn ee magaaladu.
Isku soo wada duubo ololahan balaadhan ee maanata xisbiga Kulmiye ka sameeyay magaalada Burco ayaa waxa uu noqonyaa isu soo bixii abid ugu balaadhnaa ee taageerayaasha xisbigani ay ka sameeyaan magaalada Burco.
Geen opmerkingen:
Een reactie posten