vrijdag 4 juni 2010

Gudiga Anshaxa doorashada oo Amaan u soo jeedsey UDUB.

Bilowga Ololaha.


Hargesia June 3, 2010 - Guddida madaxa banaan ee ilaalinta anshaxa iyo habsami u socodka doorashada madaxtooyada ayaa qalbi furan ku soo dhaweeyey sida uu u bilaabmay ololaha doorashada madaxtooyadda ee maanta si rasmi ah uga bilaabmay dalka, iyagoo sheegay inuu si hufan oo nabadgelyo ah ugu furmay Xisbiga talada haya ee isagu ugu horeeyey ololaha doorashada.

Guddida ilaalinta anshaxa iyo habsami u socodka doorashada, ayaa amaan balaadhan u soo jeediyey taageerayaasha xisbiga UDUB oo ay sheegeen inay u soo baxeen si nabadgelyo ku jirto, oo ka madhan rabashado iyo buuqa.

Guddoomiyaha guddida madaxa banaan ee ilaalinta anshaxa iyo habsami u socodka doorashada madaxtooyada Axmed Maxamed Cadaad oo maanta isaga iyo xubno kale oo guddidaas ka tirsan ay goob-joog ka ahaayeen isu soo bixii taageerayaasha Xisbiga UDUB oo maanta ugu horeeyey ololaha doorashada, ayaa mar ay warbaahinta uga waramayeen geedi socodka ololaha bilaabmay waxa ay u riyaaqeen sida ay maanta ugu dhamaatay Xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisa, waxaanay dusha ka huwiyeen amaan aad u balaadhan.

Guddidu waxa ay ugu baaqeen taageerayaasha Xisbiyadda kale ee KULMIYE iyo UCID oo beri iyo maalinta xigta kala leh ay si nabdgelyo ah u soo baxaan, oo ay ilaaliyaan anshaxa doorashada.

Warbaahinta ay Xukuumaddu gacanta ku hayso ayaa maanta illaa caawa waxa laga baahinayaa barnaamijyada xisbiyada qaranka, taas oo qayb ka ah go’aankii komishanka ee ahaa in loo sinaado warbaahinta qaranka oo saddex xisbi wakhti isku mid ah loo siiyo. Waxaana la rajaynayaa in warbaahinta xukuumadu si la mid ah ay u baahin doonto barnaamijyada xisbiyada kale.

Yaldo online

Geen opmerkingen:

Een reactie posten