zondag 13 juni 2010

Ugu yaraan 9 Soomali ah ayaa ku dhintay Dooni quustay

Ugu Yaraan 9 Soomaali ah ayaa ku Dhimatay Dooni Quustay


{Muzambque}11-06-10Waxaa la xaqiijiyey in ay ugu yaraan ku dhimatay 9 Soomaali ah dooni ku dagtay xeebta dalka Muzambque. Waxaana afhayeen u hadlay booliiska dalka Muzambque uu xaqiijiyey in ay dooni waday dad gaadhaya 82 Tahriibayaal Soomaali ah ay ku dagtay xeebaha dalka Muzambque.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Pedro Cossa ayaa sheegay in ilaa hada la soo badbaadshay 33 Soomaali ah waxaana la weeysanyahay 40 ruux. Waxa uuna afhayeenku sheegay in wali lagu raadjoogo dadka la weeysanyahay ayna baadigoobayaan raqdood iyo ruuxdoodba.

Waxaa la sheegay in dadkaan Soomaaliyeed ay ku siijeedeen dalka Koofur Afrika.Waxaana soo kordhaysa Soomaalida ku leanaysa badaha Caalamka.

Yaldo online

Geen opmerkingen:

Een reactie posten