zaterdag 12 juni 2010

Waraaqihii cod-bixinta ee doorashada oo soo gaadhay dalka

Waraaqihii Cod bixinta ee Doorashada Oo soo gaadhay Somaliland
Hargeysa - Waxa si rasmi Caasimada Hargeysa u soo gaadhay waraaqihii Codbixinta Doorashada Madaxtooyada oo 26 Bishan ka dhici doonta Guud ahaan Somaliland, Komishanka Doorashooyinka Ayaa sheegay inay Waraaqaha Codeyntu ka soo degeen garoonka Diyaaradaha ee Berbera
Markii waraaquhu soo gaadheen xarunta Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa warbaahinta uga waramay Cabdiraxmaan Dixood oo ka mid ah Gudida Doorashooyinka, waxaana uu sheegay in waraaqahan lagu soo sameeyay dalka Ingiriiska oo Shirkad la yidhaahdo Sweat oo hore u soo daabacday waraaqihii Doorashada Madaxtooyada ee 2003-da iyo tii Baarlamaanka 2005-ta imikana Soo samaysay Waraaqahan cusub

Cabdiraxmaan Dixood waxa uu ka gaabsaday Tirada waraaqaha la soo sameeyay isagoo tilmaamay in dib laga soo sheegi doono, waxaana uu tilmaamay inay adkaan doonto in qof laba jeer codeeyo isla markaana ay isticmaali doonaan khad adag oo qofka la marin doono iyo Shaqaale tayo leh

Sidoo kale Cabdiraxmaan Dixood Waxa u tilmaamay in Komishinka Doorashadu aay keliya Sugayeen Waraaqahan Codeynta ee maanta dalka soo gaadhay, Waxana u sheegay in wixii maanta ka dambeeya aya isku diyaarin doonan Doorashada Madaxtooyadda

Yaldo online.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten