zondag 11 juli 2010

Beesha Deegaanka Koonfurta Gabiley oo Hamblayo iyo Baaq Culus u Diray Madaxweynaha la Doortay iyo Ku-xigeenkiisa

Beesha Deegaanka Koonfurta Gabiley oo Hamblayo iyo Baaq Culus u Diray Madaxweynaha la Doortay iyo Ku-xigeenkiisa

Hargeysa (Jam)- Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka beesha Xaad Cali [Jibriil Abokor], ayaa hambalyo iyo baaq culus u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka cusu
ee la doortay. Xafladan shalay ka dhacday hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa oo ay iskugu yimaadeen cuqaasha, duqayda, waxgaradka, aqoonyahanada, culimada, ganacsatada, siyaasiyiinta, qurbo jooga iyo ardayda Jaamacadaha beesha reer Xaad Cali ee Jibriil Abokor ee ku dhaqan koonfurta Gobolka Gabiley, waxaa ay hambalyo u soo jeediyeen Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxwayne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici guushii ay ka hantiyeen tartankii doorashada madaxtooyada ee 26 June dalka ka qabsoontay. Waxaa kale oo ay u soo jeediyeen madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka la doortay inay dalka ka hirgeilyaan isbeddel mugle oo ka turjumaya ujeedadii ay bulshadu u taageertay, codkoodana u siiyeen tartankii doorashada, xukuumadaa oo ay sheegeen inay noqoto mid tiro ahaan koobaan, balse ay tayadeeda waxqabad baahsan tahay, taasi oo dalka iyo dadka u horseeda horumar iyo isbeddel la mahadiyo. Ugu horayn waxaa hadalo kooban ka soo jeediyay oday Yuusuf Cumar (Magubte) iyo Caaqil Yuusuf Aw Muxumed Aw Rabaax, kuwaasi oo madaxweynaha cusub, ku-xigeenkiisa, Komishanka iyo dadweynaha reer Somaliland ku hambalyeeyey guushii ka dhalatay doorashadii madaxtooyada ee sida xasiloonida ah uga qabsoontay Somaliland, iyaga oo xusay in xukuumada cusub looga fadhiyo fulinta balanqaadyadii quruxda badnaa iyo isbeddel muuqda oo wax badan u tara ummadda Somaliland. Waxa kale oo iyaguna munaasibadaa hadalo ka jeediyey Cabdiraxmaan Ibraahim Cumar, Muj. Xasan Yuusuf Warmahaye iyo Muj. Aadan Maal oo magac iyo taariikh muuqata ku leh sooyaalka halgankii dib u xoraynta Somaliland, waxaana nuxurka hadalkoodu salka ku hayay in ujeedada halganka naf iyo maal loo huray ahaa mid ay bulshadu ku doonaysay inay helaan isbeddel iyo waxqabad muuqda oo ummadda u horseeda horumar, iyaga oo xukuumada cusub ugu baaqay inay iska ilaaliso intay hebel xil ka qaado, loo cumaamado mid kale oo ka sii liita. Waxaa kale oo iyaguna xafladaasi ka hadlay cuqaasha kala ah Caaqil Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cali iyo Caaqil Xaaji Maxamed Aw Yusuuf Cumar, ugu dambaytiina waxaa halkaa hadal mahadnaq iskugu jira ka soo jeediyay Xaaji Ibraahin Suufi Jibriil oo ka tirsan qurba-jooga beesha Xaad Cali.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten